15Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo.
16Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga.
17Laakiinse dibigii iyo haraggiisii, iyo hilibkiisii, iyo uuskiisiiba wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah sidii Rabbigu Muuse ku amray.
18Oo haddana wuxuu keenay wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.
19Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
20Oo wankii xubin xubin buu u kala googooyay, markaasaa Muuse wuxuu gubay madaxii iyo xubnihii iyo xaydhii,