Laawiyiintii 10:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Kolkaasaa Muuse la hadlay Haaruun, iyo wiilashiisii hadhay oo ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, oo wuxuu ku yidhi, Qurbaanka hadhuudhka ah oo ka hadhay qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyey qaata oo isagoo aan khamiir lahayn ku cuna meesha allabariga dhinaceeda, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 21:22 : 22 Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.
  • Tir 18:9-9 : 9 Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan. 10 Oo sida waxyaalaha aad u quduuska ah waa inaad u cuntaa, oo mid kasta oo lab ahu wax ha ka cuno. Taasu waa inay quduus kuu ahaataa.
  • Yex 44:29 : 29 Oo iyagu waxay iska cuni doonaan qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil nidraanba iyagaa iska lahaan doona.
  • Bax 29:2 : 2 iyo kibis aan khamiir lahayn, iyo moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, oo waxaad ka samaysaa bur wanaagsan oo sarreen ah.
  • Laaw 2:1-9 : 1 ¶ Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa. 2 Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 3 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo. 4 ¶ Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay. 5 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray. 6 Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah. 7 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray. 8 Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno. 9 Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 10 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo. 11 Qurbaan hadhuudh ah oo aad Rabbiga u bixinaysaan waa inaan khamiir lagu samayn, waayo, waa inaydaan khamiir iyo malab toona sidii qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo u gubin. 12 Iyaga waa inaad Rabbiga ugu bixisaan sidii qurbaan midhaha ugu horreeya ah, laakiinse waa inaan meesha allabariga loogu dul gubin caraf udgoon aawadeed. 13 Oo qurbaan kasta oo ah qurbaankaaga hadhuudhka ah waa inaad cusbaysaa, oo waa inaadan innaba u oggolaan in cusbadii axdiga Ilaahaaga ay ka maqnaato qurbaankaaga hadhuudhka ah. Qurbaannadaada oo dhan waa inaad cusbo la bixisaa. 14 ¶ Oo haddaad Rabbiga u bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo midhaha ugu horreeya ah, qurbaankaaga hadhuudhka ah oo midhaha ugu horreeya ah waxaad u bixisaa sabuul qoyan oo la dubay oo la tumay. 15 Oo waa inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah. 16 Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
  • Laaw 6:14-18 : 14 ¶ Oo kanuna waa sharciga qurbaanka hadhuudhka ku saabsan: Wiilashii Haaruun waa inay ku hor bixiyaan meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa ah. 15 Oo isagu waa inuu cantoobadiisa muggeed ka qaadaa burka wanaagsan ee qurbaanka hadhuudhka ah iyo saliiddiisa, iyo kulli fooxa saaran qurbaanka hadhuudhka oo dhan, oo waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa caraf udgoon ee xusuus u ah Rabbiga. 16 Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka. 17 Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka. 18 Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.
  • Laaw 7:9 : 9 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo foorno lagu dubo, iyo wax alla wixii birdaawe ama digsi lagu sameeyo waxaa iska leh wadaadka bixiya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 2:9-11
    3 aayado
    87%

    9Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

    10Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

    11Qurbaan hadhuudh ah oo aad Rabbiga u bixinaysaan waa inaan khamiir lagu samayn, waayo, waa inaydaan khamiir iyo malab toona sidii qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo u gubin.

  • Laaw 6:16-20
    5 aayado
    86%

    16Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka.

    17Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka.

    18Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.

    19¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    20Kanu waa qurbaanka Haaruun iyo wiilashiisu ay Rabbiga u bixin doonaan maalintii isaga la subko, waana eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis, oo ah qurbaan hadhuudh oo joogto ah, oo intaas badhkeed subaxdii ha la bixiyo, badhka kalena fiidkii ha la bixiyo.

  • 3Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

  • 83%

    13Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.

    14Oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado waa inaad meel daahirsan ku cuntaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jiraaba, waayo, kuwaasu waa intii adiga iyo wiilashaada looga amray allabaryada qurbaannada nabaadiinada ah oo reer binu Israa'iil ay bixiyaan.

    15Oo iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.

    16¶ Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga, markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi.

    17War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?

    18Bal eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray.

    19Markaasaa Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd?

  • 9Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa, oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.

  • Laaw 8:31-32
    2 aayado
    80%

    31Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.

    32Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.

  • 11iyo inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.

  • Tir 18:8-10
    3 aayado
    79%

    8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Bal eeg, anna adigaan ku siiyey amarka qurbaannadayda sare loo qaado, kuwaas oo ah waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil oo dhan. Subkidda aawadeed ayaan adiga iyo wiilashaada u siiyey qayb joogto ah weligeed.

    9Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.

    10Oo sida waxyaalaha aad u quduuska ah waa inaad u cuntaa, oo mid kasta oo lab ahu wax ha ka cuno. Taasu waa inay quduus kuu ahaataa.

  • Bax 29:32-34
    3 aayado
    78%

    32Oo Haaruun iyo wiilashiisu waa inay hilibka wanka iyo kibista ku jirta dambiisha cunaan xagga iridda taambuugga shirka.

    33Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus.

    34Oo haddii hilibka quduuskadhigidda iyo kibista wax ka hadhaan oo ay gaadhaan ilaa subaxda, de markaas waa inaad intii hadhay dab ku gubtaa, oo waa inaan la cunin, maxaa yeelay, waa quduus.

  • 6Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

  • Laaw 6:22-26
    5 aayado
    76%

    22Oo waxaa bixin doona wadaadka subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa in dhammaan Rabbiga loogu gubaa.

    23Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin.

    24¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    25La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

    26Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.

  • 14¶ Oo kanuna waa sharciga qurbaanka hadhuudhka ku saabsan: Wiilashii Haaruun waa inay ku hor bixiyaan meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa ah.

  • 5Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 29Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 22Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

  • Laaw 8:28-29
    2 aayado
    73%

    28Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

    29Kolkaasaa Muuse qaaday sakaarkii, oo Rabbiga hortiisa ayuu ugu ruxruxay qurbaan la ruxruxo aawadiis, oo kaasu wuxuu ahaa qaybtii Muuse ku lahaa wankii quduuskadhigidda sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 10Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 31Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 30Oo isla maalintaas waa in la wada cunaa, oo waa inaydaan waxba ka reebin tan iyo subaxda dambe, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

  • 49¶ Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray.

  • 10Oo waa inaydnaan waxba ka reebin ilaa subaxda, laakiin waxa ka hadha markuu waagu beryo waa inaad dab ku gubtaan.

  • 6Oo waa in dhammaantiis la wada cunaa maalinta aad bixisaan iyo maalinta ku xigta, oo haddii wax ka hadhaan oo ay gaadhaan maalinta saddexaad waa in dab lagu gubaa.

  • 27Oo waa inaad quduus ka dhigtaa sakaarka qurbaanka la ruxruxo, iyo bowdada qurbaanka sare loo qaado, oo la ruxruxo, oo sarena loo qaado, ee wanka quduuskadhigidda, xataa qaybta Haaruun iyo qaybta wiilashiisaba,

  • 2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

  • 26¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,