31¶ Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah,
32oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
33Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
34Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono.