Sakaryaah 8:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 12:1 : 1 ¶ Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.
  • Xag 2:19 : 19 Maqsinka iniino ma ku jiraan? Hubaal canabka iyo berdaha iyo rummaanka iyo saytuunka midkoodna midho ma dhalin, laakiinse maanta inta ka bilaabata waan idin barakayn doonaa.
  • Sak 8:8-9 : 8 Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo. 9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.
  • Sab 103:9 : 9 Isagu had iyo goor wax canaanan maayo, Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.
  • Ish 11:13 : 13 Oo weliba hinaasada reer Efrayim wuu idlaan doonaa, oo kuwa dadka Yahuudah dhibana waa la jari doonaa, reer Efrayim kuma hinaasi doonaan dadka Yahuudah, oo dadka Yahuudahna reer Efrayim ma dhibi doonaan.
  • Mal 3:9-9 : 9 Idinku, quruuntiinnan oo dhammu, waxaad ku inkaaran tihiin inkaartii, waayo, waad i dhacdaan. 10 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag. 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Daraaddiin baan u canaanan doonaa kan wax cuna, oo isna midhaha dhulkiinna ma uu baabbi'in doono, oo canabkiinna beerta ku yaallana xilligiisa ka hor midhihiisa ma xoori doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 8:6-10
    5 aayado
    80%

    6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

    7Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.

    8Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.

    9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.

    10Waayo, wakhtigaas ka hor ninna kiro ma lahayn, neefna kiro ma lahayn innaba, oo kii baxay iyo kii galay toona nabadu uma jirin cadowga daraaddiis, waayo, dadka oo dhan nin kasta waxaan ku diray deriskiisa.

  • 12Waayo, waxaa jiri doona iniintii nabadda. Geedcanabkuna canabkiisuu dhali doonaa, oo dhulkuna midhihiisuu soo bixin doonaa, oo samooyinkuna sayaxay soo deyn doonaan, oo waxaan ka dhigi doonaa in kuwa dadkan ka hadhay ay waxyaalahan oo dhan dhaxlaan.

  • 18Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Habase ahaatee, anigu wakhtigaas idin wada baabbi'in maayo.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.

  • 1¶ Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

  • Sak 8:14-15
    2 aayado
    75%

    14Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Sidii waagii ay awowayaashiin iiga xanaajiyeen oo aan ugu fikiray inaan iyaga wax xun ku sameeyo, oo aanan taas uga soo noqon,

    15sidaas oo kale ayaan haatan ku fikiray inaan wax wanaagsan ku sameeyo Yeruusaalem iyo dadka dalka Yahuudah, haddaba ha cabsanina.

  • 6Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.

  • 3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa qoladan sharka ah ka hadhi doona oo dhammu waxay nolosha ka dooran doonaan dhimasho, waana kuwa ku hadhi doona meelaha aan u kexeeyey oo dhan.

  • 18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,

  • Sak 8:20-21
    2 aayado
    74%

    20Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan.

    21Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa.

  • 8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,

  • Sak 1:3-4
    2 aayado
    74%

    3Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.

    4Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.

  • 11Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.

  • Nax 1:12-13
    2 aayado
    73%

    12¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo ay xoog badan yihiin oo weliba ay tiro badan yihiin, haddana iyaga waa la wada gooyn doonaa, oo isna wuu dhammaan doonaa. In kastoo aan idin dhibay, mar dambe idin dhibi maayo.

    13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.

  • 11¶ Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi,

  • 12Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.

  • 11¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,

  • 5Oo wakhtigaas Rabbiga ciidammadu wuxuu kuwa dadkiisa ka hadhay u ahaan doonaa taaj sharaf ah, iyo cigaal quruxsan,

  • Sak 1:15-16
    2 aayado
    72%

    15Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.

    16Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.

  • 4Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis.

  • 8Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,

  • 9Haddaba waan idin baryayaaye, Rabbiga barya inuu inoo roonaado aawadeed. Haddaba idinkoo waxaas sameeyey, miyuu midkiinna aqbalayaa? Saasuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • 4Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,

  • 14¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.

  • 5Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 8Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadaydii waad dhegaysan weydeen, oo sidaas daraaddeed, Rabbigu wuxuu leeyahay,

  • 7Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.

  • 11Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Daraaddiin baan u canaanan doonaa kan wax cuna, oo isna midhaha dhulkiinna ma uu baabbi'in doono, oo canabkiinna beerta ku yaallana xilligiisa ka hor midhihiisa ma xoori doono.

  • 27Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka oo dhammu wuu cidloobi doonaa, laakiinse anigu kulligiis wada baabbi'in maayo.

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 23Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.

  • 13¶ Laakiinse dadku uma ay soo noqon kii iyaga wax ku dhuftay, mana ay doondoonin Rabbiga ciidammada.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.

  • 7Maalintaasba wuu dhawaaqi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Anigu bogsiiye noqon maayo, maxaa yeelay, gurigayga dhar iyo dhuuni midna laguma arko, haddaba dadka taliye ha iiga dhigina.

  • 6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla markaasba waxaan ahaan doonaa Ilaaha qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana dadkaygay ahaan doonaan.

  • 7Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis?

  • 7Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan wada baabbi'in doonaa. Geedcanabka midho kuma oolli doonaan, oo geedberdahana midho kuma oolli doonaan, oo caleentuna way wada dhadi doontaa, oo waxyaalihii aan siiyey oo dhammu way ka wada dhammaan doonaan.