Sakaryaah 8:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, wakhtigaas ka hor ninna kiro ma lahayn, neefna kiro ma lahayn innaba, oo kii baxay iyo kii galay toona nabadu uma jirin cadowga daraaddiis, waayo, dadka oo dhan nin kasta waxaan ku diray deriskiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 19:2 : 2 ¶ Oo Masriyiinta waxaan ku kicin doonaa Masriyiin kale, oo midkood kastaaba wuxuu la diriri doonaa walaalkiis iyo deriskiisa, magaalaba magaalay la diriri doontaa, boqortooyana boqortooyo kale.
  • Aam 3:6 : 6 Haddiise magaalo buun laga dhex afuufo, miyaan dadku cabsan? Miyaa belaayo magaalo ku dhacdaa, haddaan Rabbigu saas ku samayn?
  • Aam 9:4 : 4 Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.
  • Xag 2:16-18 : 16 iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya. 17 Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 18 Haddaba waan idin baryayaaye maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada, oo bishii sagaalaad maalinteedii afar iyo labaatanaad oo ahayd maalintii la dhigay aasaaska macbudka Rabbiga, aad uga fiirsada.
  • Mat 10:34-36 : 34 ¶ Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno. 35 Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbihiis, gabadhna hooyadeed, naagna soddohdeed. 36 Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa.
  • Xag 1:6-9 : 6 Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito. 7 Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada. 8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurta fuula, oo alwaax ka keena, oo guriga dhisa, oo anna waan ku farxi doonaa, oo kolkaasaan ammaanmi doonaa. 9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa. 10 Haddaba idinka daraaddiin ayaa samadii u diidday sayaxeedii oo dhulkiina wuu diiday midhihiisii. 11 Oo anigu abaar baan u yeedhay, oo waxaan ku soo dejiyey dhulka, iyo buuraha, iyo hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo waxaa dhulka ka soo baxa, iyo dadka, iyo duunyada, iyo hawsha gacmaha oo dhan.
  • Yer 16:16 : 16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga u soo diri doonaa kalluumaystayaal badan oo iyana way soo qabsan doonaan, oo haddana waxaan u soo diri doonaa ugaadhsadayaal badan, oo iyana way ka ugaadhsan doonaan buur kasta, iyo kur kasta, iyo boholaha dhagaxyada oo dhan.
  • Xaak 5:6-7 : 6 Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan. 7 Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.
  • Xaak 5:11 : 11 Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.
  • 2 Taar 15:5-7 : 5 Oo waayahaas oo dhanna nabadu uma jirin kii dibadda u baxa iyo kii gudaha soo gala toona, laakiinse dadka dalalka deggan oo dhan waxaa kor saarnaa dhibaatooyin waaweyn. 6 Oo iyagii way kala burbureen, oo quruumuba quruun bay ka gees noqotay, magaalona magaalay ka gees noqotay, waayo, Ilaah baa ku dhibay cidhiidhi oo dhan. 7 Laakiinse idinku xoogaysta oo gacmihiinnu yay debcin, waayo, shuqulkiinna waa laydiinka abaalgudi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 77%

    5Oo waayahaas oo dhanna nabadu uma jirin kii dibadda u baxa iyo kii gudaha soo gala toona, laakiinse dadka dalalka deggan oo dhan waxaa kor saarnaa dhibaatooyin waaweyn.

    6Oo iyagii way kala burbureen, oo quruumuba quruun bay ka gees noqotay, magaalona magaalay ka gees noqotay, waayo, Ilaah baa ku dhibay cidhiidhi oo dhan.

  • 11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

  • 15Innagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid!

  • 6Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.

  • 8Laakiinse waayahan dambeba dadkaygii wuxuu u kacay sidii cadow oo kale. Waxaad marada ka saartaan dharka dadka jidka ammaan ku maraya sidii kuwa dagaal ka noqda.

  • Ish 5:8-9
    2 aayado
    69%

    8¶ Hoog waxaa leh kuwa guriba guri ku dhejiya oo beerna beer kale ku dara ilaa meel la waayo oo ay keli ahaantood dhulka dhexdiisa degaan.

    9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.

  • 25Halligaad baa imanaysa, oo iyagu nabad bay doondooni doonaan, laakiinse innaba ma ay jiri doonto.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan hindisay belaayo qoyskan ka gees ah, taas oo aydaan surkiinna kala bixi doonin, oo weliba si kibir leh uma socon doontaan, waayo, waa wakhti xun.

  • 15Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 7Maalintaasba wuu dhawaaqi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Anigu bogsiiye noqon maayo, maxaa yeelay, gurigayga dhar iyo dhuuni midna laguma arko, haddaba dadka taliye ha iiga dhigina.

  • Sak 8:15-18
    4 aayado
    68%

    15sidaas oo kale ayaan haatan ku fikiray inaan wax wanaagsan ku sameeyo Yeruusaalem iyo dadka dalka Yahuudah, haddaba ha cabsanina.

    16Idinku waxaad samaysaan waxyaalahan, ninkiin kastaaba deriskiisa run ha kula hadlo, oo waxaad irdihiinna ku naqdaan garsoorid run ah oo nabad keenta,

    17oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.

    18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,

  • 16Oo weliba waxaan hore u sii waday shuqulkii derbigan, oo annagu waxba dhul ma aannu iibsan. Oo midiidinnadaydii oo dhammuna halkaasay shuqulka aawadiis ku soo wada urureen.

  • Xag 1:9-10
    2 aayado
    68%

    9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa.

    10Haddaba idinka daraaddiin ayaa samadii u diidday sayaxeedii oo dhulkiina wuu diiday midhihiisii.

  • Yer 8:10-11
    2 aayado
    68%

    10Sidaas daraaddeed waxaan naagahooda siin doonaa kuwa kale, oo beerahoodana waxaan siin doonaa kuwo xantiyi doona, waayo, midkood kasta kan ugu yar ilaa kan ugu weynuba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.

    11Waayo, iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!

  • 6Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.

  • 17Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.

  • Xag 2:16-17
    2 aayado
    68%

    16iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya.

    17Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 14Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan, Markaan la arag weerarid iyo qaxid, Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,

  • 10¶ Anigaa iska hoogay, hooyoy, waxaad ii dhashay inaan dunida oo dhan u ahaado nin rabshad iyo dirir miidhan! Weligay ninna korsocod wax uma deymin, oo ninna korsocod wax kama deyman, laakiinse mid kastaaba waa i habaaraa.

  • 10Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa

  • 25Berrinka ha u bixina, oo jidkana ha marina, waayo, seeftii cadowga iyo cabsi baa dhan kasta idinka jirta.

  • 10¶ Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla maalintaas qaylo dhawaaqeed ayaa ka yeedhi doona Iridda Kalluunka, oo magaalada inteeda labaadna waxaa ka yeedhi doonta baroor, kurahana waxaa ka yeedhi doona daryaan weyn.

  • 4Laakiinse ninna yuusan murmin, oo ninna yuusan mid kale canaanan, waayo, dadkaagu waa sida kuwa wadaadka la murma.

  • 12¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo ay xoog badan yihiin oo weliba ay tiro badan yihiin, haddana iyaga waa la wada gooyn doonaa, oo isna wuu dhammaan doonaa. In kastoo aan idin dhibay, mar dambe idin dhibi maayo.

  • 5Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh.

  • 13¶ Waxaa iska hoogay ninka gurigiisa xaqdarro ku dhistaa, oo qolalkiisana caddaaladdarro ku dhista, oo intuu deriskiisa adeegsado aan mushahaaro siin, oo aan shuqulkiisii waxba u siin,

  • 10Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ninkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ugu yeedhi doonaa canabka iyo berdaha hoostooda.

  • 5Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaannu maqalnay cod gariir badan, oo cabsiyeed, oo aan mid nabdeed ahayn.

  • 13Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid?

  • 1War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga? Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?

  • 22Oo sidaas oo kale isla markaas waxaan dadkii ku idhi, Mid kasta iyo midiidinkiisu ha ku soo hoydeen Yeruusaalem, si ay habeenkii waardiyayaal noogu noqdaan, maalintiina ay u hawshoodaan.

  • 1¶ Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

  • 13Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.

  • 10Waxyaalahaasu way dhici doonaan, maxaa yeelay, iyagu dadkaygay sireen, iyagoo leh, Waa nabad, iyadoo aan innaba nabadu jirin, oo markii derbi la dhiso, bal eeg, waxay ku malaasaan dhoobo aan nuurad lahayn.

  • 7Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam iyo xoolojirradii Luud. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen.

  • 9Waxaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.

  • 8Jidadkii waaweynaa way baabba'san yihiin, oo dadkii mari jirayna way ka joogsadeen. Isagu axdigii wuu jebiyey, oo magaalooyinkiina wuu quudhsaday, oo ninna dan kama galo.

  • 1¶ Markaasuu dhegahayga cod weyn ugu qayliyey, isagoo leh, Kuwa magaalada u taliya soo dhowee, iyadoo ninkood kastaaba uu hubkiisa uu wax ku baabbi'iyo gacanta ku haysto.

  • 6Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto.

  • 13Iridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin.