Ayuub 7:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga? Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 14:5-6 : 5 Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya, Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin. 6 Bal ha nastee isaga ka sii jeeso, Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.
  • Sab 39:4 : 4 Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay, Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
  • Ayuub 14:13-14 : 13 Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid! 14 Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.
  • Laaw 25:50 : 50 Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto.
  • Sharc 15:18 : 18 Oo markaad xoraysid yaanay kula ahaan wax adag, waayo, isagu lixdaas sannadood wuxuu kuugu adeegay sidii shaqaale la kiraysto laba jibbaarkiis. Oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuu kugu barakayn doonaa wax alla wixii aad samaysidba.
  • Ayuub 5:7 : 7 Laakiinse binu-aadmigu dhibaato buu u dhashay, Sida dhimbiiluhu kor ugu duulaan.
  • Wacd 8:8 : 8 Ninna amar uma leh inuu nafta ceshado, oo maalinta dhimashadana amar uma leh. Oo wakhtiga dagaalkaasna fasax ma leh, oo sharnimaduna ma samatabbixin doonto kuwa iyada leh.
  • Ish 21:16 : 16 Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Muddo sannad ah oo ah sida sannadaha shaqaalaha ayaa sharafta Qedaar oo dhammu ku baabbi'i doontaa.
  • Ish 38:5 : 5 Tag, oo waxaad Xisqiyaah ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood.
  • Ish 40:2 : 2 Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
  • Mat 20:1-9 : 1 ¶ Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah. 2 Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii. 3 Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan, 4 oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen. 5 Haddana saacaddii lixaad iyo saacaddii sagaalaad wuu baxay oo sidaas oo kale ayuu sameeyey. 6 Saacaddii koob iyo tobnaad intuu baxay wuxuu arkay qaar kale oo taagtaagan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maalintii oo dhan halkan shuqulla'aan ula taagtaagan tihiin? 7 Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga. 8 ¶ Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey. 9 Goortay yimaadeen, kuwii saacaddii koob iyo tobnaad baxay, waxay wada heleen dinaar dinaar. 10 Kuwii hore goortay yimaadeen waxay u malaynayeen inay wax ka badan helayaan, iyaguna sidaas oo kale dinaar dinaar bay heleen. 11 Oo intay qaadanayeen ayay odaygii reerka ku gunuunaceen, 12 oo waxay ku yidhaahdeen, Kuwan dambeeyey waxay shaqeeyeen saacad keliya, oo waad nagala mid dhigtay annagoo sidnay shaqadii cuslayd ee maalinta iyo kulaylkii. 13 Laakiin wuu u jawaabay oo midkood ku yidhi, Saaxiibow, xumaan kuguma aan samayn. Sow dinaar igulama heshiin? 14 Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale. 15 Miyaynan igu hagaagsanayn inaan waxayga ku sameeyo wixii aan doonayo? Ma waxaase ishaadu u xun tahay wanaagsanaantayda aawadeed?
  • Yoox 11:9-9 : 9 Ciise ayaa ugu jawaabay, Maalintu miyaanay laba iyo toban saacadood ahayn? Qof hadduu maalinta socdo ma turunturoodo, waayo, wuxuu arkaa iftiinka dunidan. 10 Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 7:2-3
    2 aayado
    84%

    2Sida addoon hoos u xiisooda, Iyo sida shaqaale mushahaaradiisa filanaya,

    3Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn, Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.

  • Ayuub 10:4-5
    2 aayado
    77%

    4Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi, Mase sida dadkaad wax u aragtaa?

    5Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa? Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?

  • 75%

    16Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.

    17Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?

    18Bal maxaad subax kasta u soo booqanaysaa, Oo aad daqiiqad kasta u tijaabinaysaa?

  • Ayuub 14:5-6
    2 aayado
    74%

    5Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya, Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.

    6Bal ha nastee isaga ka sii jeeso, Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.

  • Sab 144:3-4
    2 aayado
    73%

    3Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?

    4Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.

  • 73%

    13Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!

    14Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.

  • Wacd 7:14-15
    2 aayado
    73%

    14Maalintii aad barwaaqaysan tahay aad u faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aad u fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusan ninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.

    15¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.

  • Ayuub 7:6-7
    2 aayado
    73%

    6Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha, Oo rajola'aan baan ku noolahay.

    7Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun, Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.

  • Wacd 6:6-7
    2 aayado
    73%

    6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

    7Nin hawshiisa oo dhan waa u afkiisaa, laakiinse kama hamuun beelo.

  • 47Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!

  • 9Kii shaqeeyaa bal maxaa faa'iido ah oo uu ka helaa hawshiisa uu ku hawshoodo?

  • Ayuub 14:1-3
    3 aayado
    72%

    1Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.

    2Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.

    3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • Wacd 8:6-7
    2 aayado
    72%

    6Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.

    7Maxaa yeelay, isagu garan maayo waxa ahaan doona, waayo, bal yaa isaga u sheegi kara siday u ahaan doonaan?

  • 3Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?

  • Wacd 6:11-12
    2 aayado
    71%

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

    12Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

  • 1Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa? Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?

  • 4Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray

  • 15Waa inaad maalintiisa mushahaaradiisa siisaa, oo qorraxduna yay ka dhicin adoo aan siin, maxaa yeelay, isagu waa miskiin, oo mushahaaradiisa qalbiguu ku hayaa, waaba intaasoo uu Rabbiga kaaga cawdaa oo ay taasu dembi kugu noqotaaye.

  • 8Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.

  • 1¶ Wax kastaaba waxay leeyihiin wakhti u khaas ah, wax kasta oo samada ka hooseeyaaba waxay leeyihiin wakhti go'an.

  • 2Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga, Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya?

  • Sab 39:5-6
    2 aayado
    70%

    5Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)

    6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

  • 15Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale, Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • Wacd 2:22-23
    2 aayado
    69%

    22Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba?

    23Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 21Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?

  • 20Waayo, dhulka laguma arag nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin.

  • 8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.

  • 23Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.

  • 9Waxaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.

  • 15Waayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro.

  • 9(Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)

  • 14Waxaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 16Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?