Wacdiyihii 8:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 7:15 : 15 ¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.
  • Wacd 2:14 : 14 Ninkii xigmadda leh indhihiisu madaxiisay ku yaallaan, oo nacasku gudcur buu ku dhex socdaa, laakiinse waxaan gartay inuu isku wax dhammaantood ku dhoco.
  • Mal 3:15 : 15 Oo haatan waxaannu kuwa kibirka leh ugu yeedhnaa, Kuwa barakaysan, kuwa xumaanta ka shaqeeyaa way barwaaqoobaan; xataa Ilaah way jirrabaan, oo haddana way samatabbaxaan.
  • Wacd 9:1-3 : 1 ¶ Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan. 2 Wax kastaaba isku si bay dadka oo dhan ugu yimaadaan, oo isku wax baa ku dhaca ka xaqa ah iyo ka sharka ahba, ka wanaagsan iyo ka xunba, ka nadiifta ah iyo ka aan nadiifta ahaynba, ka allabariga bixiya iyo ka aan allabariga bixinba. Sida kan wanaagsanu yahay ayaa dembiluhuna yahay, oo ka dhaartaana waa la mid kan dhaarta ka cabsada. 3 Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.
  • Ayuub 21:7 : 7 Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan? Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?
  • Sab 73:3 : 3 Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
  • Sab 73:12-14 : 12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa. 13 Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay, Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn, 14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.
  • Ayuub 21:17-34 : 17 Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa? Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa? Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa? 18 Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya, Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo? 19 Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed. 20 Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa. 21 Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo? 22 Bal ma Ilaah baa wax la baraa? Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare. 23 Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay, Oo istareexsan oo xasilloon, 24 Oo aad u buuran, Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay. 25 Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin. 26 Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan, Oo dirxi baa korkooda daboola. 27 Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna, Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan. 28 Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray? 29 Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara? Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda? 30 Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada? 31 Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey? 32 Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa. 33 Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada, Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan, Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen. 34 Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?
  • Ayuub 24:21-25 : 21 Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin; Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo. 22 Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa; Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa. 23 Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan, Jidadkoodana ishuu ku hayaa. 24 Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan; Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan, Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale. 25 Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay, Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?
  • Wacd 10:5 : 5 Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada.
  • Yer 12:1 : 1 ¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?
  • Ayuub 9:22-24 : 22 Kulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa, Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba. 23 Haddii belaayadu haddiiba wax disho, Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin. 24 Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?
  • Wacd 4:4 : 4 ¶ Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Wacd 4:8 : 8 Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 8:9-11
    3 aayado
    83%

    9Waxaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.

    10¶ Oo haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay, kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuska ahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeenna waa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    11Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.

  • Wacd 7:13-15
    3 aayado
    83%

    13Bal Ilaah shuqulkiisa ka fiirso, waayo, wixii uu isagu qalloociyey bal yaa toosin kara?

    14Maalintii aad barwaaqaysan tahay aad u faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aad u fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusan ninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.

    15¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.

  • Wacd 3:16-19
    4 aayado
    81%

    16¶ Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkay in meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oo meeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto.

    17Waxaan qalbigayga iska idhi, Ilaah baa u kala garsoori doona kan xaqa ah iyo kan sharka ah, waayo, wax kasta iyo shuqul kastaaba halkaasay wakhti ku leeyihiin.

    18Waxaan qalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin.

    19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.

  • Wacd 9:1-3
    3 aayado
    79%

    1¶ Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan.

    2Wax kastaaba isku si bay dadka oo dhan ugu yimaadaan, oo isku wax baa ku dhaca ka xaqa ah iyo ka sharka ahba, ka wanaagsan iyo ka xunba, ka nadiifta ah iyo ka aan nadiifta ahaynba, ka allabariga bixiya iyo ka aan allabariga bixinba. Sida kan wanaagsanu yahay ayaa dembiluhuna yahay, oo ka dhaartaana waa la mid kan dhaarta ka cabsada.

    3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.

  • Wacd 2:19-24
    6 aayado
    79%

    19Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    20Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan.

    21Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.

    22Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba?

    23Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    24¶ Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid.

  • Wacd 4:3-4
    2 aayado
    79%

    3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

    4¶ Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 26Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Wacd 6:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus,

    2waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.

  • Wacd 1:13-15
    3 aayado
    78%

    13Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan.

    14Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

    15Wixii qalloocan lama toosin karo, oo wixii dhimmanna lama tirin karo.

  • 8Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

  • Wacd 2:11-12
    2 aayado
    77%

    11Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.

    12¶ Markaasaan u soo jeestay inaan xigmad iyo waalli iyo nacasnimoba fiiriyo, waayo, ninka boqorka ka dambeeya bal muxuu samayn karaa wixii hore loo sameeyey mooyaane?

  • 15Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • Wacd 6:11-12
    2 aayado
    77%

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

    12Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

  • 17¶ Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha.

  • Wacd 4:7-8
    2 aayado
    76%

    7¶ Oo haddana waxaan qorraxda hoosteeda ku fiirsaday wax aan waxba tarayn.

    8Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.

  • 6Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.

  • 8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.

  • 16Dadka uu isagu u taliyey oo dhammu dhammaad ma lahayn, laakiinse kuwa isaga ka daba iman doonaa kuma rayrayn doonaan isaga. Hubaal taasuna waa wax aan waxtar lahayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 17markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.

  • 22Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?

  • 12Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.

  • 16Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?

  • 10Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga u siiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay.

  • 15Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.

  • 13Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.

  • 20Waayo, dhulka laguma arag nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin.

  • Wacd 1:2-3
    2 aayado
    73%

    2¶ Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

    3Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?

  • 1¶ Waxaan qalbiga iska idhi, Bal kaalay, waxaan kugu tijaabin doonaa farxad, haddaba bal iska raaxayso, oo bal eeg, taasuna waa wax aan waxba tarayne.