Wacdiyihii 6:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 5:13 : 13 ¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 6:2-12
    11 aayado
    83%

    2waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.

    3Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.

    4Waayo, dhicisku wax aan waxba tarayn ayuu u yimaadaa, gudcur buuna ku tagaa, oo magiciisana gudcur baa daboola.

    5Oo weliba qorraxda ma uu arag, mana garan, oo kaasu waa ka sii nasasho badan yahay kii kale.

    6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

    7Nin hawshiisa oo dhan waa u afkiisaa, laakiinse kama hamuun beelo.

    8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

    9Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

    10¶ Nin waluba wuxuu yahayba waa horaa loo magacaabay, oo waa la garanayaa inuu binu-aadmi yahay, oo lamana uu diriri karo kan isaga ka xoog badan.

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

    12Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

  • Wacd 5:13-14
    2 aayado
    82%

    13¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.

    14Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan.

  • 3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.

  • 5Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada.

  • Wacd 8:9-11
    3 aayado
    79%

    9Waxaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.

    10¶ Oo haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay, kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuska ahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeenna waa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    11Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.

  • Wacd 1:13-15
    3 aayado
    78%

    13Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan.

    14Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

    15Wixii qalloocan lama toosin karo, oo wixii dhimmanna lama tirin karo.

  • 16¶ Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkay in meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oo meeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto.

  • 14Waxaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • Wacd 1:2-3
    2 aayado
    77%

    2¶ Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

    3Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?

  • Wacd 2:20-22
    3 aayado
    77%

    20Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan.

    21Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.

    22Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba?

  • Wacd 4:7-8
    2 aayado
    76%

    7¶ Oo haddana waxaan qorraxda hoosteeda ku fiirsaday wax aan waxba tarayn.

    8Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.

  • 11Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.

  • 10Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga u siiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay.

  • 13¶ Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd.

  • Wacd 5:16-18
    3 aayado
    75%

    16Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?

    17Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaa gudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyo cadho.

    18¶ Bal eeg, waxaan gartay inay wanaagsan tahay oo habboon tahay in qof wax cuno oo wax cabbo, iyo inuu hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan ku istareexo cimrigii Ilaah siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtiisa.

  • 15¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.

  • Wacd 2:17-18
    2 aayado
    75%

    17¶ Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha.

    18Wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan waan nacay, maxaa yeelay, waa inaan uga tago ninka iga dambeeya.

  • Wacd 4:3-4
    2 aayado
    75%

    3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

    4¶ Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 26Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 6Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.

  • 9Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko.

  • 24¶ Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid.

  • 12Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.

  • 17markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.

  • 18Waxaan qalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin.

  • 6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

  • 1¶ Markaasaan mar kale soo fiirsaday waxyaalaha dulmiga ah ee qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, oo waxaan fiiriyey kuwa la dulmay ilmadoodii, oo mid u qalbi qabowjiyana ma ay lahayn. Kuwii iyaga dulmayay dhankooda xoog baa jiray, laakiinse iyagu qalbiqabowjiye ma ay lahayn.