Wacdiyihii 6:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 5:19 : 19 Oo weliba nin kasta oo Ilaah maal iyo hanti siiyey, oo haddana siiyey karti uu wax kaga cuno, oo uu kaga qayb qaato, iyo inuu hawshiisa ku reyreeyoba, taasu waa hibo Ilaah.
  • Sab 17:14 : 14 Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada, Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan, Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada, Iyagu waxay ka dhergeen carruur, Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.
  • Sab 73:7 : 7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
  • 1 Boq 3:13 : 13 Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.
  • Ayuub 21:9-9 : 9 Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen, Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna. 10 Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan, Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan. 11 Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale, Oo carruurtooduna way cayaaraan. 12 Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan. 13 Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo, Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan. 14 Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga. 15 Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno? Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
  • Luuk 12:19-20 : 19 oo waxaan naftayda ku odhan doonaa, Nafay, waxaad leedahay alaab badan oo sannado badan loo dhigay. Naso oo wax cun oo cab oo farax. 20 Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa?
  • Sab 39:6 : 6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
  • 1 Taar 29:25 : 25 Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.
  • 1 Taar 29:28 : 28 Oo wuxuu dhintay isagoo oday ah oo ka dhergay cimri, iyo maal, iyo sharafba, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sulaymaan.
  • 2 Taar 1:11 : 11 Markaasaa Ilaah wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxyaalaha qalbigaaga ku jiray aawadood oo ah adigoo aan i weyddiisan maal, iyo hodan, amase sharaf, amase kuwa adiga ku neceb noloshooda, ama aadan i weyddiisan cimri dheer, laakiinse aad i weyddiisatay xigmad iyo aqoon aad ku xukuntid dadkayga aan boqorka kaaga dhigay,
  • Sharc 8:7-9 : 7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro. 8 Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab, 9 oo waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana naxaas ka qodan doontaan. 10 Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
  • Sharc 28:33 : 33 Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,
  • Sharc 28:43 : 43 Oo qariibka dhexdiinna ku jira ayaa idinka sare mari doona, oo idinkuna hoos baad u sii degi doontaan.
  • Xaak 18:10 : 10 Markaad tagtaan waxaad u tegi doontaan dad ammaan ah, oo dalkuna waa ballaadhan yahay; waayo, Ilaah gacantuu idiin geliyey, oo waa meel aan waxba looga baahnayn waxa dhulka laga helo oo dhan.
  • Wacd 2:4-9 : 4 Waxaan samaystay shuqullo waaweyn, guryana waan dhistay, beero canab ahna waan beertay. 5 Waxaan samaystay beero iyo firdows, oo waxaan ku dhex beeray geed midho cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan soo iibsaday addoommo rag iyo dumarba ah, oo waxaan lahaa addoommo gurigayga ku dhashay, weliba waxaan lahaa hanti aad u badan oo ishkin iyo adhiba leh, oo waan ka sii hodansanaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan. 8 Oo weliba waxaan kaloo soo urursaday lacag, iyo dahab, iyo khasnado khaas ah oo ay boqorro iyo gobollo leeyihiin. Oo waxaan yeeshay niman ii gabya iyo naago ii gabya, iyo waxyaalaha ay binu-aadmigu ku farxaan iyo dumar badan. 9 Sidaasaan u weynaa oo uga maal badnaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan, oo weliba xigmaddaydiina way igu hadhay. 10 Oo wax kasta oo indhahaygu jeclaysteenna kama aan celin, oo qalbigaygana kama aan joojin farxad cayn kastoo ay tahayba, waayo, qalbigaygu wuu ku reyreeyey hawshaydii oo dhan, oo taasuna waxay ahayd qaybtii aan hawshaydii oo dhan ka helay.
  • Wacd 4:4 : 4 ¶ Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Wacd 4:8 : 8 Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.
  • Wacd 5:16 : 16 Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?
  • Bar 5:2 : 2 Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.
  • Daan 5:18 : 18 ¶ Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo,
  • Hos 7:9 : 9 Shisheeyayaal ayaa xooggiisa dhammeeyey, oo isna maba oga. Xataa cirraa ka soo baxday, oo isna maba oga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus,

  • Wacd 5:10-14
    5 aayado
    78%

    10¶ Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kii maal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    11Markii maalku bato kuwa cunaana way sii bataan. Maalku bal muxuu kan leh u taraa inuu indhihiisa ku fiiriyo mooyaane?

    12Ninkii hawshooda hurdadiisu waa u macaan tahay, hadduu wax yar cuno iyo hadduu wax badan cunoba, laakiinse taajirka maalkiisa badanu hurdaduu u diidaa.

    13¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.

    14Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan.

  • Wacd 6:3-9
    7 aayado
    77%

    3Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.

    4Waayo, dhicisku wax aan waxba tarayn ayuu u yimaadaa, gudcur buuna ku tagaa, oo magiciisana gudcur baa daboola.

    5Oo weliba qorraxda ma uu arag, mana garan, oo kaasu waa ka sii nasasho badan yahay kii kale.

    6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

    7Nin hawshiisa oo dhan waa u afkiisaa, laakiinse kama hamuun beelo.

    8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

    9Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Wacd 2:21-26
    6 aayado
    77%

    21Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.

    22Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba?

    23Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    24¶ Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid.

    25Waayo, bal yaa wax cuni kara, yaase raaxaysan kara in iga badan?

    26Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Wacd 5:16-19
    4 aayado
    77%

    16Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?

    17Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaa gudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyo cadho.

    18¶ Bal eeg, waxaan gartay inay wanaagsan tahay oo habboon tahay in qof wax cuno oo wax cabbo, iyo inuu hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan ku istareexo cimrigii Ilaah siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtiisa.

    19Oo weliba nin kasta oo Ilaah maal iyo hanti siiyey, oo haddana siiyey karti uu wax kaga cuno, oo uu kaga qayb qaato, iyo inuu hawshiisa ku reyreeyoba, taasu waa hibo Ilaah.

  • 6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

  • 8Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.

  • Wacd 6:11-12
    2 aayado
    76%

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

    12Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

  • 14Waxaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 7Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.

  • 19Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • Wacd 8:9-10
    2 aayado
    72%

    9Waxaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.

    10¶ Oo haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay, kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuska ahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeenna waa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 11Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.

  • 72%

    21Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin, Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.

    22Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa, Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.

  • 10Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,

  • 22Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.

  • 19Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono, Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.

  • 3Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?

  • 4¶ Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 6Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,

  • 16Dadka uu isagu u taliyey oo dhammu dhammaad ma lahayn, laakiinse kuwa isaga ka daba iman doonaa kuma rayrayn doonaan isaga. Hubaal taasuna waa wax aan waxtar lahayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 17¶ Kuwa dunidatan haatan la joogo hodanka ku ah waani inayan iskibrin oo ayan maalka aan la hubin isku hallayn, laakiinse ay isku halleeyaan Ilaaha wax kasta si deeqsinimo ah inoo siiya si aynu ugu raaxaysanno.

  • 15¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.

  • 23Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.

  • 22Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?

  • 11Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.

  • 26Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.