Wacdiyihii 6:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 3:16 : 16 Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?
  • Wacd 4:3 : 3 Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.
  • Yer 22:19 : 19 Isaga waxaa loo xabaali doonaa sida dameer loo xabaalo oo kale, oo inta la jiido ayaa irdaha Yeruusaalem dibadda looga bixin doonaa.
  • 2 Boq 9:35 : 35 Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane.
  • Ish 14:19-20 : 19 Laakiinse adiga waa lagu xooray, oo qabrigaagii waa lagaa fogeeyey sidii laan la karhay, oo sidii dharka kuwa la laayay oo seefta lagu mudhbixiyey oo hoos ugu dhaca dhagaxyada yamayska, ayaa sidii meyd oo kale lagugu tuntay. 20 Oo iyaga kuma darsami doontid, lagumana aasi doono, maxaa yeelay, dalkaagii waad baabbi'isay, dadkaagiina waad laysay. Farcanka xumaanfalayaasha weligood mar dambe lama magacaabi doono.
  • Bil 47:9 : 9 Markaasaa Yacquub wuxuu Fircoon ku yidhi, Sannadihii aan qariibka ahaa waa boqol iyo soddon; cimrigaygu waa yaraa, wuuna xumaa, mana gaadhin cimrigii awowayaashay qariibka ahaayeen.
  • 1 Sam 2:20-21 : 20 Oo Ceeliina waa u duceeyey Elqaanaah iyo afadiisiiba, oo wuxuu ku yidhi, Daynkii Rabbiga la siiyey aawadiis Rabbigu naagtan farcan ha kaa siiyo. Oo iyana waxay tageen xaggii gurigoodii. 21 Oo Rabbigu waa soo booqday Xannaah, oo way uuraysatay, oo waxay dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu ku koray Rabbiga hortiisa.
  • Wacd 5:17-19 : 17 Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaa gudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyo cadho. 18 ¶ Bal eeg, waxaan gartay inay wanaagsan tahay oo habboon tahay in qof wax cuno oo wax cabbo, iyo inuu hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan ku istareexo cimrigii Ilaah siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtiisa. 19 Oo weliba nin kasta oo Ilaah maal iyo hanti siiyey, oo haddana siiyey karti uu wax kaga cuno, oo uu kaga qayb qaato, iyo inuu hawshiisa ku reyreeyoba, taasu waa hibo Ilaah.
  • Yer 8:2 : 2 Oo waxaa lagu kala bixin doonaa dhulka hoos yaal qorraxda, iyo dayaxa, iyo ciidanka samada oo dhan, kuwaasoo ay jeclaan jireen, oo ay u adeegi jireen, oo ay daba socon jireen, oo ay doondooni jireen, oo ay caabudi jireen. Lama soo ururin doono, lamana aasi doono, oo sida digo oo kale ayay dhulka saarnaan doonaan.
  • Yer 36:30 : 30 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah ka leeyahay, Isagu ma uu yeelan doono mid carshigii Daa'uud ugu fadhiista, oo meydkiisa waxaa maalintii loo xoori doonaa kulaylka, habeenkiina sayaxa barafoobay.
  • Mat 26:24 : 24 Wiilka Aadanahu waa baxayaa, siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacangelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan.
  • 2 Boq 10:1 : 1 ¶ Haddaba Axaab wuxuu Samaariya ku lahaa toddobaatan wiil. Yeehuuna warqaduu qoray oo wuxuu u diray Samaariya iyo taliyayaashii Yesreceel oo ahaa odayaashii, iyo kuwii soo koriyey wiilashii Axaab, oo wuxuu ku yidhi,
  • 1 Taar 28:5 : 5 Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.
  • 2 Taar 11:21 : 21 Oo Rexabcaamna wuxuu naagihiisii iyo addoommihiisaba ka sii jeclaaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, (waayo, wuxuu guursaday siddeed iyo toban naagood iyo lixdan addoommo ah, oo wuxuuna dhalay siddeed iyo labaatan wiil iyo lixdan gabdhood.)
  • Est 5:11 : 11 Markaasaa Haamaan wuxuu iyagii uga sheekeeyey ammaanta maalkiisa, iyo badnaanta carruurtiisa, iyo kulli derejadihii boqorku isaga u dalliciyey oo dhan, iyo sidii boqorku ugu wada sarraysiiyey boqorka amiirradiisa iyo addoommadiisa oo dhan.
  • Est 7:10 : 10 Sidaas daraaddeed Haamaan waxaa lagu deldelay meeshii deldelaadda oo uu u diyaarshay inuu Mordekay ku deldelo, oo markaasaa boqorkii cadho baxay.
  • Est 9:14-15 : 14 Markaasaa boqorkii wuxuu amray in saas la yeelo, oo amar baa Shuushan lagu naadiyey, oo Haamaan wiilashiisiina waa la deldelay. 15 Oo haddana Yuhuuddii Shuushan joogtay dhammaantood way isa soo wada urursadeen bishii Adaar, maalinteedii afar iyo tobnaad, oo waxay Shuushan ku laayeen saddex boqol oo nin, laakiinse maalkoodii far ma ay saarin.
  • Sab 58:8 : 8 Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da, Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.
  • Sab 127:4-5 : 4 Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu. 5 Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, Iyagu ma ay ceeboobi doonaan Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.
  • Maah 17:6 : 6 Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda, Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.
  • Bil 33:5 : 5 Markaasuu Ceesaw indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay dumarkii iyo carruurtii; oo wuxuu ku yidhi, Waa ayo kuwan kula socdaa? Isna wuxuu yidhi, Waa carruurtii Ilaah intuu ii roonaaday i siiyey anoo ah addoonkaaga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 6:4-12
    9 aayado
    80%

    4Waayo, dhicisku wax aan waxba tarayn ayuu u yimaadaa, gudcur buuna ku tagaa, oo magiciisana gudcur baa daboola.

    5Oo weliba qorraxda ma uu arag, mana garan, oo kaasu waa ka sii nasasho badan yahay kii kale.

    6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

    7Nin hawshiisa oo dhan waa u afkiisaa, laakiinse kama hamuun beelo.

    8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

    9Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

    10¶ Nin waluba wuxuu yahayba waa horaa loo magacaabay, oo waa la garanayaa inuu binu-aadmi yahay, oo lamana uu diriri karo kan isaga ka xoog badan.

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

    12Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

  • Wacd 4:2-3
    2 aayado
    77%

    2Sidaas daraaddeed waxaan ammaanay kuwii dhintay in ka sii badan kuwa haatan jooga ee weli nool.

    3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

  • Wacd 6:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus,

    2waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.

  • Wacd 5:14-17
    4 aayado
    75%

    14Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan.

    15Siduu uurka hooyadiis uga soo baxay ayuu isagoo qaawan ku tegi doonaa, siduu hore ku yimid oo kale. Oo hawshiisa aawadeedna wax uu gacanta ku qaadan karo ma qaadan doono.

    16Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa?

    17Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaa gudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyo cadho.

  • 8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.

  • 8Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.

  • Wacd 4:15-16
    2 aayado
    72%

    15Waxaan arkay inta nool ee qorraxda hoosteeda socota oo dhan iyagoo la jooga barbaarka meeshiisa istaagi doona.

    16Dadka uu isagu u taliyey oo dhammu dhammaad ma lahayn, laakiinse kuwa isaga ka daba iman doonaa kuma rayrayn doonaan isaga. Hubaal taasuna waa wax aan waxtar lahayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 22Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?

  • 3Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?

  • 72%

    14Carruurtiisu hadday tarmaan, kolleyba waxaa dili doonta seef, Oo carruurtiisuna cunto kama dhergi doonaan.

    15Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta, Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.

  • 3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.

  • Wacd 2:21-26
    6 aayado
    71%

    21Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.

    22Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba?

    23Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    24¶ Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid.

    25Waayo, bal yaa wax cuni kara, yaase raaxaysan kara in iga badan?

    26Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 21Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,

  • 21Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?

  • 1Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.

  • Wacd 7:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Magac wanaagsanu waa ka sii fiican yahay saliid qaali ah, oo maalinta dhimashaduna waa ka fiican tahay maalinta dhalashada.

    2In guriga diyaafadda la tago waxaa ka wanaagsan in guriga baroorashada la tago, waayo, taasaa dadka oo dhan u dambaysa, oo kuwa nooluna qalbigay taas gashan doonaan.

  • 19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.

  • 3Dharaartii aan dhashay ha baabba'do Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.

  • 13¶ Boqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiin ah oo xigmad leh.

  • 16Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?

  • 15Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.

  • 25Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.

  • 12Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.

  • 20Waayo, isagu aad uma xusuusan doono wakhtigii uu noolaa, maxaa yeelay, Ilaah baa farxad qalbigiisa geliya.

  • 6Sacab muggiis oo xasilloonaan lagu helo ayaa ka wanaagsan laba sacab oo hawl iyo dabagalka dabaysha lagu helo.

  • 16Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn, Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn, Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan.

  • 19Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 17¶ Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha.

  • 9Naagtaada aad jeceshahay farxad kula noolow intaad ku nooshahay cimrigaaga aan waxba tarayn ee Ilaah qorraxda hoosteeda kugu siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtaadii aad ku heshay noloshan iyo hawshaadii aad qorraxda hoosteeda ku dhibtootay.