Ayuub 7:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha, Oo rajola'aan baan ku noolahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 9:25 : 25 Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda, Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.
  • Ayuub 17:15 : 15 Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?
  • Ayuub 17:11 : 11 Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.
  • Ish 38:12-13 : 12 Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa. 13 Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
  • 1 But 1:24 : 24 Waayo, Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale, Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale, Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa;
  • Ish 40:6-7 : 6 Waxaa yeedhaya codka kan leh, Qayli. Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku qayliyaa? Wax kasta oo jiidh lahu waa caws, oo wanaagsanaantiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale. 7 Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, maxaa yeelay, neefta Rabbigu way afuuftaa, sida xaqiiqada ah dadku waa caws oo kale.
  • Yer 2:25 : 25 Cagahaaga kabola'aan ka dhawr, oo hungurigaagana harraad ka dhawr, laakiinse waxaad tidhi, Rajo ma leh innaba, waayo, waxaan jeclaaday shisheeyayaal, oo iyagaan iska daba gelayaa.
  • Ef 2:12 : 12 Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn.
  • Yac 1:11 : 11 Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.
  • Yac 4:14 : 14 kuwiinnan aan garanaynin waxa berri dhici doona. Noloshiinnu waa maxay? Waayo, idinku waxaad tihiin ceeryaamo, tan wakhti yar muuqata dabadeedna libidha.
  • 1 But 1:13 : 13 ¶ Haddaba isku giijiya guntiga maankiinna, dhug yeesha, oo aad u rajeeya nimcada laydiin keeni doono markii Ciise Masiix la muujiyo.
  • Ayuub 6:11 : 11 Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed? Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?
  • Ayuub 13:15 : 15 Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
  • Ayuub 16:22 : 22 Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.
  • Sab 90:5-6 : 5 Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale, Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale. 6 Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
  • Sab 102:11 : 11 Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya, Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
  • Sab 103:15-16 : 15 Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale, Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa. 16 Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
  • Sab 144:4 : 4 Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
  • Maah 14:32 : 32 Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 7:7-8
    2 aayado
    82%

    7Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun, Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.

    8Kii i fiiriya ishiisu mar dambe ima arki doonto, Indhahaagu way i fiirin doonaan, laakiinse anigu ma jiri doono.

  • 80%

    25Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda, Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.

    26Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.

  • Ayuub 7:3-5
    3 aayado
    79%

    3Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn, Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.

    4Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa, Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.

    5Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah, Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.

  • Ish 38:10-12
    3 aayado
    78%

    10Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.

    11Waxaan is-idhi, Ma aan arki doono Rabbiga, kaasoo ah Rabbiga dalka kuwa nool jooga, Mar dambena ma arki doono qof ka mid ah dadka dunida deggan.

    12Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.

  • 15Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?

  • 11Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.

  • 11Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed? Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?

  • 11Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya, Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.

  • 16Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • 1Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.

  • 18Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.

  • 47Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 7Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.

  • 5Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)

  • 10Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.

  • 4Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.

  • Ayuub 14:1-2
    2 aayado
    73%

    1Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.

    2Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.

  • 1War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga? Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?

  • 3Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.

  • 14Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa, Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.

  • 9Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.

  • 7Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.

  • 23Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka, Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.

  • 7Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.

  • 71%

    15Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn, Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale. Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.

    16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

  • 4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • 13Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,

  • 13War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?

  • 23Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.

  • 28Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.

  • 71%

    15Korkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.

    16Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,

  • 20Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan; Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.

  • 9(Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)

  • 3Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha, Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.

  • 4Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

  • 20Taambuuggaygii waa baabba'ay, oo xadhkahaygii oo dhanna waa la jaray. Carruurtaydii way iga tageen oo ma ay joogaan, oo innaba lama arko cid teendhadayda mar dambe dhisaysa oo daahyadayda kor u taagaysa toona.

  • 7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.

  • 6Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.

  • 1¶ Anaa iska hoogay! Waayo, waxaan ahay sidii marka la soo ururiyo midhaha beergoosadka, iyo sida xaabxaabka canabka. Ma jiro rucub la cuna. Naftaydu waxay doonaysaa berdaha hore u bislaaday.