Ayuub 7:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn, Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 6:6 : 6 Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
  • Sab 39:5 : 5 Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
  • Wacd 1:14 : 14 Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Ayuub 16:7 : 7 Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
  • Ayuub 29:2 : 2 Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore, Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 7:4-7
    4 aayado
    84%

    4Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa, Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.

    5Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah, Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.

    6Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha, Oo rajola'aan baan ku noolahay.

    7Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun, Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.

  • Ayuub 7:1-2
    2 aayado
    75%

    1War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga? Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?

    2Sida addoon hoos u xiisooda, Iyo sida shaqaale mushahaaradiisa filanaya,

  • 7Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.

  • Bar 3:5-7
    3 aayado
    75%

    5Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.

    6Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.

    7Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.

  • Sab 6:6-7
    2 aayado
    75%

    6Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.

    7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.

  • 40Maalintii kulayl baa i dili jiray, habeenkiina dhaxan; hurdadiina waa iga tagtay. Oo sidaasaan ahaan jiray.

  • Ayuub 3:6-7
    2 aayado
    74%

    6Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado, Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn. Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.

    7Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo; Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.

  • 74%

    11Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.

    12War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda, Bal maxaad ii daawanaysaa?

    13Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta, Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,

  • 74%

    16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

    17Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.

  • 23Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 16Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.

  • 73%

    11Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.

    12Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.

    13Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • Ayuub 17:6-7
    2 aayado
    72%

    6Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.

    7Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.

  • Bar 3:1-3
    3 aayado
    72%

    1Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.

    2Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.

    3Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.

  • 3Dharaartii aan dhashay ha baabba'do Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.

  • Ish 38:12-13
    2 aayado
    72%

    12Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.

    13Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.

  • 20Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan? Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 71%

    20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?

    21Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday? Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa, Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.

  • 14Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.

  • 3Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay, Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,

  • 1Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 16Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?

  • Sab 143:3-4
    2 aayado
    70%

    3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

    4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • 17Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in, Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.

  • 13Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa; Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,

  • 9Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen, Iftiin ha doondoono oo yuusan helin; Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.

  • 13Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!

  • 19Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.