Laawiyiintii 26:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Saf 3:13 : 13 Kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay xumaan ma samayn doonaan, beenna ma sheegi doonaan, oo afkoodana innaba carrab khiyaano badan lagama heli doono, waayo, iyagu wax bay quudan doonaan oo way iska jiifsan doonaan, oo waxba iyaga ma cabsiin doonaan.
  • Yer 30:10 : 10 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto.
  • Yex 34:25 : 25 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi nabdeed, waxaanan ka dhigi doonaa in dugaag baas ay dalka ka dhex baabba'aan. Cidladay ammaan ku degganaan doonaan, oo kaynta dhexdeedana way iska seexan doonaan.
  • Sab 147:14 : 14 Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
  • Sab 29:11 : 11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa, Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
  • Ish 35:9 : 9 Oo halkaas libaax ma jiri doono, oo bahal dugaag ahuna ma mari doono, oo innaba iyaga halkaas lagama heli doono, laakiinse waxaa jidkaas mari doona kuwa la soo furtay.
  • 1 Taar 22:9 : 9 Oo bal eeg, waxaa kuu dhalan doona wiil, kaasoo ahaan doona nin nasasho, oo waxaan ka nasin doonaa cadaawayaashiisa ku wareegsan oo dhan, oo isaga magiciisu wuxuu ahaan doonaa Sulaymaan, oo wakhtigiisa waxaan reer binu Israa'iil siin doonaa nabad iyo xasilloonaan.
  • Ayuub 11:19 : 19 Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan; Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.
  • Yex 5:17 : 17 oo waxaan kugu soo dayn doonaa abaar iyo dugaag xunxun, oo iyana way ku gablamin doonaan, oo belaayo iyo dhiig ayaa ku dhex mari doona, oo seef baan kugu soo dayn doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
  • Yex 14:15 : 15 Haddaan dalka dugaag baas ku soo dhex daayo, oo ay dadka ka baabbi'iyaan si uu meel cidla ah u noqdo, oo aan ciduna dugaagga aawadiis u soo dhex marin,
  • Yex 14:17 : 17 Amase haddaan dalkaas seef ku soo daayo, oo aan ku idhaahdo, Seefay, dalka dhex mar, si aan dhexdiisa dad iyo duunyaba uga wada gooyo,
  • Sab 4:8 : 8 Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.
  • Xag 2:9 : 9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.
  • Sak 9:10 : 10 Oo anigu Efrayim gaadhifardood kasta waan ka baabbi'in doonaa, oo Yeruusaalemna faras kuma reebi doono, oo qaansada dagaalkana waa la baabbi'in doonaa. Isna quruumaha nabad buu kula hadli doonaa, oo dowladnimadiisuna waxay gaadhi doontaa bad ilaa baddeeda kale, iyo tan iyo Webiga iyo xataa dhulka darafyadiisa.
  • Yoox 14:27 : 27 Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.
  • Fal 12:6 : 6 ¶ Oo markii Herodos damcay inuu soo saaro, isla habeenkaas Butros wuxuu kala dhex hurday laba askari isagoo ku xidhan laba silsiladood; waardiyayaalna albaabka hortiisa ayay xabsiga ka ilaalinayeen.
  • Room 5:1 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;
  • Fil 4:7-9 : 7 Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix. 8 ¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Wax kasta oo run ah, iyo wax kasta oo sharaf leh, iyo wax kasta oo xaq ah, iyo wax kasta oo daahir ah, iyo wax kasta oo door ah, iyo wax kasta oo wanaag laga sheego, haddii wanaag ku jiro iyo haddii ammaanu ku jirto, waxyaalahan ka fiirsada. 9 Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa.
  • Yex 14:21 : 21 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
  • Hos 2:18 : 18 Oo maalintaas waxaan iyaga aawadood axdi ula dhigi doonaa xayawaanka duurka, iyo haadda samada, iyo waxa dhulka gurguurtaba, oo dalka dhexdiisa waan ka baabbi'in doonaa qaansada iyo seefta iyo dagaalkaba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay si ammaan ah u jiifsadaan.
  • Miik 4:4 : 4 Laakiinse ninkood waluba wuxuu hoos fadhiisan doonaa geedkiisa canabka ah, iyo geedkiisa berdaha ah, oo ninna ma cabsiin doono iyaga, waayo, afkii Rabbiga ciidammada ayaa saas ku hadlay.
  • Yer 31:26 : 26 Markaasaan toosay, oo wax baan fiiriyey, oo hurdadaydiina way ii macaanayd.
  • Sab 3:5 : 5 Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
  • Ayuub 5:23 : 23 Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka, Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.
  • Bax 23:29 : 29 Oo iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo, waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa.
  • Laaw 26:22 : 22 Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan.
  • 2 Boq 2:24 : 24 Oo isna markaasuu gadaashiisa dhugtay oo arkay iyagii, oo magicii Rabbiga ayuu ku habaaray. Markaasaa dhirtii waxaa ka soo baxay laba orso oo dhaddig oo waxay dildillaacsadeen laba iyo afartan carruurtii ka mid ahaa.
  • 2 Boq 17:25-26 : 25 Oo markay bilaabeen inay meeshaas degaan Rabbiga kama ay cabsan jirin, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, kuwaasoo iyagii qaar ka laayay. 26 Sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur ayaa lala hadlay oo lagu yidhi, War quruumihii aad kaxaysay oo aad magaalooyinka Samaariya dejisay ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas, oo sidaas daraaddeed wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, oo bal eeg, libaaxyadu way laayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas.
  • Ish 45:7 : 7 Iftiinka anigaa sameeya, oo masiibadana anigaa abuura. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxyaalahan oo dhan sameeya.
  • Sab 85:8 : 8 Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
  • Sab 127:1-2 : 1 Haddaan Rabbigu guriga dhisin, Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan, Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin, Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa. 2 Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
  • Maah 3:24 : 24 Markaad jiifsatidna ma cabsan doontid; Haah, waad jiifsan doontaa, oo hurdadaaduna way kuu macaanaan doontaa.
  • Maah 6:22 : 22 Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
  • Ish 9:7 : 7 Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 25Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi nabdeed, waxaanan ka dhigi doonaa in dugaag baas ay dalka ka dhex baabba'aan. Cidladay ammaan ku degganaan doonaan, oo kaynta dhexdeedana way iska seexan doonaan.

  • Yex 34:27-28
    2 aayado
    80%

    27Dhirta duurku midhay dhali doontaa, oo dhulkuna wax badan buu soo bixin doonaa, oo iyaguna ammaan bay dalkooda ku dhex joogi doonaan, oo markaan xadhkaha harqoodkooda kala gooyo, oo aan gacanta kuwii iyaga addoonsan jiray ka soo samatabbixiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    28Oo iyagu mar dambe wax la dhaco quruumaha uma ay ahaan doonaan, oo dugaagga dalku ma ay cuni doonaan, laakiinse ammaan bay ku degganaan doonaan, oo ciduna innaba kama cabsiin doonto.

  • 18Oo maalintaas waxaan iyaga aawadood axdi ula dhigi doonaa xayawaanka duurka, iyo haadda samada, iyo waxa dhulka gurguurtaba, oo dalka dhexdiisa waan ka baabbi'in doonaa qaansada iyo seefta iyo dagaalkaba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay si ammaan ah u jiifsadaan.

  • 5Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.

  • 7Oo idinku cadaawayaashiinnaad eryan doontaan, oo iyana hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.

  • 13Oo xayawaankeeda oo dhanna biyaha badan dhinacoodaan ka wada baabbi'in doonaa, oo mar dambe dad cagtiis ma ay qasi doonto oo duunyo qoobkeedna ma uu qasi doono.

  • 76%

    23Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka, Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.

    24Oo waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay, Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba.

  • 13Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.

  • 18Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.

  • 19Oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, oo waxaad cuni doontaan wax aad ka dheregtaan, oo dalkana ammaan baad ku degganaan doontaan.

  • 13Kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay xumaan ma samayn doonaan, beenna ma sheegi doonaan, oo afkoodana innaba carrab khiyaano badan lagama heli doono, waayo, iyagu wax bay quudan doonaan oo way iska jiifsan doonaan, oo waxba iyaga ma cabsiin doonaan.

  • 6Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar.

  • 17Amase haddaan dalkaas seef ku soo daayo, oo aan ku idhaahdo, Seefay, dalka dhex mar, si aan dhexdiisa dad iyo duunyaba uga wada gooyo,

  • 24Markaad jiifsatidna ma cabsan doontid; Haah, waad jiifsan doontaa, oo hurdadaaduna way kuu macaanaan doontaa.

  • 19Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan; Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 22Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan.

  • 73%

    32Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan.

    33Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.

    34Oo markaasaa dalku sabtiyadiisa ku raaxaysan doonaa intuu cidla yahay oo idinku aad joogtaan dalka cadaawayaashiinna oo dhan; oo wakhtigaas oo dhan dalku wuu iska nasan doonaa, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa.

  • 8Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, waxaan dushaada ku soo dayn doonaa seef, oo dad iyo duunyaba waan kaa dhex baabbi'in doonaa.

  • 11oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo,

  • 72%

    36Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan.

    37Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan.

  • Bax 23:26-27
    2 aayado
    72%

    26Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.

    27Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.

  • 4Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.

  • 28Oo dalka cidla iyo yaab baan ka dhigi doonaa, oo kibirka xooggiisuna wuu dhammaan doonaa, oo buuraha reer binu Israa'iilna cidla bay noqon doonaan, si aan ciduna u dhex marin.

  • 25Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.

  • 25Oo kurihii sabaradda lagu qodi jiray oo dhan innaba ma aad iman doontaan xaggooda, waana cabsi aad ka qabtaan yamaarugga iyo qodxanta, laakiinse waxay noqon doonaan meel dibida lagu sii daayo daaqaan iyo meel iduhu ku tuntaan.

  • 10Laakiinse markaad Webi Urdun ka gudubtaan oo aad degtaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin dhaxalsiinayo, oo uu idinka nasiyo cadaawayaashiinna idinku wareegsan oo dhan, si aad ammaan ugu degganaataan,

  • 30Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa.

  • 8Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.

  • 15Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.

  • 25Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.

  • 26Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin,

  • 15Haddaan dalka dugaag baas ku soo dhex daayo, oo ay dadka ka baabbi'iyaan si uu meel cidla ah u noqdo, oo aan ciduna dugaagga aawadiis u soo dhex marin,

  • 15Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid.

  • 4Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.

  • 17oo waxaan kugu soo dayn doonaa abaar iyo dugaag xunxun, oo iyana way ku gablamin doonaan, oo belaayo iyo dhiig ayaa ku dhex mari doona, oo seef baan kugu soo dayn doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.

  • 33Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.

  • Miik 4:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo isaguna dadyow badan buu u kala garsoori doonaa, oo quruumaha xoogga badan oo meel fog joogana wuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.

    4Laakiinse ninkood waluba wuxuu hoos fadhiisan doonaa geedkiisa canabka ah, iyo geedkiisa berdaha ah, oo ninna ma cabsiin doono iyaga, waayo, afkii Rabbiga ciidammada ayaa saas ku hadlay.

  • 17Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn.

  • 26¶ Rabbigu jaahiisa kor ha kuugu qaado, oo nabadna ha ku siiyo.

  • 12Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.

  • 22Xayawaanka duurkow, ha cabsanina, waayo, naqii cidladu waa soo baxayaa, oo dhirtiina midhaheeday dhalaysaa, oo berdihii iyo canabkiiba way barwaaqoobayaan.

  • 12Meelaha dhaadheer oo cidlada ku dhex yaal oo dhan waxaa ku soo kacay baabbi'iyayaashii, waayo, seefta Rabbiga ayaa wax ka baabbi'isa dalka darafkiisan iyo ilaa darafka kale inta ka dhex leh, oo binu-aadmiga oo dhan midnaba nabad ma leh.