Yexesqeel 38:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sak 2:4-5 : 4 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood. 5 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan iyada u noqon doonaa deyr dab ah oo iyada ku wareegsan, oo waxaan iyada u noqon doonaa ammaanta dhexdeeda joogta.
  • Room 3:15 : 15 Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan;
  • Bax 15:9 : 9 Oo cadowgii wuxuu yidhi, Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa. Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga; Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.
  • Xaak 18:7 : 7 ¶ Markaasay shantii nin tageen, oo yimaadeen Layish oo waxay arkeen dadkii halkaa joogay oo ammaan ku deggan siday reer Siidoon u xasilloonaayeen oo ammaan u ahaayeen oo kale; waayo, dalka laguma arag wax amar haysta, oo ka xishoodsiinaya, oo reer Siidoonna way ka fogaayeen, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin.
  • Xaak 18:27 : 27 Oo iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen.
  • Sab 10:9 : 9 Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira, Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado, Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
  • Maah 1:11-16 : 11 Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac, Aan gaadno inaynu dhiig daadinno, Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno; 12 Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca; 13 Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah, Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli; 14 Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar, Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno; 15 Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji; 16 Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
  • Maah 3:29-30 : 29 Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa. 30 Ninna sababla'aan ha kula diririn, Haddaanu xumaan kugu samayn.
  • Ish 37:24-25 : 24 Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan. 25 Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
  • Yer 49:31-32 : 31 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sara joogsada, oo ku kaca quruun istareexsan, oo welwella'aan isaga deggan, oo aan albaabbo iyo qataarro midna lahayn, oo keligeed deggan. 32 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Geeloodu wuxuu noqon doonaa booli, oo xoolahooda badanna waa la kala boobi doonaa, oo waxaan dabaylaha oo dhan u kala firdhin doonaa kuwa timaha dhinacyada ka jarta, oo masiibadoodana waxaan kaga soo dayn doonaa dhinac kasta.
  • Yex 38:8 : 8 Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 38:12-15
    4 aayado
    80%

    12inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.

    13Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?

    14¶ Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad Juuj ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markii dadkayga reer binu Israa'iil ay wakhtigaas si ammaan ah ku degganaadaan, sow taas ogaan maysid?

    15Markaasaad ka soo kici doontaa meeshaada woqooyi ugu shishaysa adiga iyo dad badan oo kula jira, oo kulligood fardo fuushan, oo ah guuto faro badan, iyo ciidan xoog leh.

  • 31Rabbigu wuxuu leeyahay, Sara joogsada, oo ku kaca quruun istareexsan, oo welwella'aan isaga deggan, oo aan albaabbo iyo qataarro midna lahayn, oo keligeed deggan.

  • Yex 38:7-10
    4 aayado
    76%

    7Isdiyaari, oo adiga iyo ciidankaaga kugu soo ururay oo dhammu isdiyaariya, oo adigu madax iyaga u noqo.

    8Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.

    9Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba.

    10Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,

  • 4Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood.

  • 18Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.

  • Laaw 26:5-6
    2 aayado
    73%

    5Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.

    6Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto.

  • 11Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.

  • Yex 36:33-35
    3 aayado
    71%

    33Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.

    34Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.

    35Oo waxaa la odhan doonaa, Dalkan cidlada ahaan jiray wuxuu noqday sidii beertii Ceeden oo kale, oo magaalooyinkii dumay oo burburay oo cidlada ahaa waa la deyray oo waa la dhex degay.

  • 13Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.

  • 12Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.

  • 26Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin,

  • 18Dalkaaga mar dambe dulmi lagama maqli doono, oo baabbi'id iyo halligaadna soohdimahaaga dhexdooda laguma arki doono, laakiinse derbiyadaada waxaad ugu yeedhi doontaa Badbaado, irdahaagana Ammaan.

  • 26Oo halkaasay ammaan ku dhex degganaan doonaan, oo guryo bay dhisan doonaan, oo beero canab ah bay beeran doonaan, oo weliba ammaan bay ku degganaan doonaan, markaan kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsada oo dhan xukummo ku soo dejiyo, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.

  • 13Bal eeg, dadkaaga ku dhex jooga waa dumar, oo irdaha dalkaaguna waa u bannaan yihiin cadaawayaashaada, oo qataaradaadiina dab baa baabbi'iyey.

  • 11Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay.

  • 17laakiinse annaga qudhayadu diyaar baannu ahaanaynaa annagoo hub leh, oo reer binu Israa'iil baannu hor kacaynaa ilamaa aannu iyaga geeyno meeshoodii, oo kuwa dhulka deggan aawadood dhallaankayagu waxay deganaanayaan magaalooyinka deyrarka leh.

  • 2Magaalooyinkii Carooceer waa laga wada tegey. Waxay noqon doonaan meelo adhyuhu daaqaan oo ay iska fadhiistaan, oo ciduna ma didin doonto.

  • 28Oo iyagu mar dambe wax la dhaco quruumaha uma ay ahaan doonaan, oo dugaagga dalku ma ay cuni doonaan, laakiinse ammaan bay ku degganaan doonaan, oo ciduna innaba kama cabsiin doonto.

  • 28Oo dalka cidla iyo yaab baan ka dhigi doonaa, oo kibirka xooggiisuna wuu dhammaan doonaa, oo buuraha reer binu Israa'iilna cidla bay noqon doonaan, si aan ciduna u dhex marin.

  • 29Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono.

  • 38Sida adhiga quduuska ah oo kale, iyo sida adhiga Yeruusaalem dhex jooga wakhtiga iidaheeda ayaa magaalooyinkii dumay dad sidii adhi oo kale ah ugu wada buuxsami doonaan, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 31Laakiinse guryaha ku dhex yaal tuulooyinka aan lahayn deyr ku wareegsan ha lagu tiriyo beeraha duurka ku yaal, oo iyaga waa la soo furan karaa, oo sannadda yubilii ahna gacanta kii iibsaday way ka bixi doonaan.

  • 3Waayo, quruun baa xagga woqooyi iyada kaga soo kacaysa, taasoo dalkeeda cidla ka dhigi doonta, oo ciduna ma dhex degganaan doonto, oo dad iyo duunyaba way carareen, wayna tageen.

  • 14oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa,

  • 18Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta, Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.

  • 18Waayo, bal eeg, maanta waxaan kaa dhigay magaalo deyr leh, iyo tiir bir ah, iyo derbiyo naxaas ah, oo dalka oo dhan col ku ah, oo col ku ah boqorrada dalka Yahuudah, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo dadka dalka oo dhanba.

  • 11Waxaa iman doona wakhti derbiyadiinna la dhisi doono, oo wakhtigaas ayaa soohdintiinna la ballaadhin doonaa.

  • 10Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.

  • 25Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi nabdeed, waxaanan ka dhigi doonaa in dugaag baas ay dalka ka dhex baabba'aan. Cidladay ammaan ku degganaan doonaan, oo kaynta dhexdeedana way iska seexan doonaan.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.

  • 11Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.

  • 20Oo magaalooyinka la deggan yahay way baabbi'i doonaan, oo dalkuna wuu cidloobi doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 17¶ Tan la weerarayay, alaabtaada dalka ka soo ururso.

  • 6¶ Anigu quruumo ayaan baabbi'iyey, oo qalcadahoodiina waa baabba', oo jidadkoodiina cidla baan ka dhigay si aan ciduna u marin, oo magaalooyinkoodiina waa la dumiyey, si aan qofna u joogin oo aan cid keliyuhuna u degganaan.

  • 5Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.

  • 10Waxyaalahaasu way dhici doonaan, maxaa yeelay, iyagu dadkaygay sireen, iyagoo leh, Waa nabad, iyadoo aan innaba nabadu jirin, oo markii derbi la dhiso, bal eeg, waxay ku malaasaan dhoobo aan nuurad lahayn.

  • 4Sidaas daraaddeed buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Sayidka Rabbiga ah maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha iyo kuraha, iyo webiyaasha, iyo dooxooyinka, iyo meelaha cidlada ah, iyo magaalooyinka laga tegey oo quruumaha kale ee ku wareegsan wax la dhaco oo la quudhsado u noqday,

  • 15Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.

  • 16¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,