Yeremyaah 42:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 4:19 : 19 Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka.
  • Yer 41:17 : 17 Oo iyana intay tageen ayay Geeruud Kimhaam oo Beytlaxam ku ag yiil degeen, si ay u tagaan oo ay Masar u galaan reer Kaldayiin aawadood,
  • Yer 4:21 : 21 Ilaa goormaan calanka arkayaa, oo aan buunka dhawaaqiisa sii maqlayaa?
  • Bax 16:3 : 3 Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.
  • Ish 31:1 : 1 ¶ Waxaa iska hoogay kuwa Masar caawimaad ugu dhaadhaca, oo fardo ku kalsoonaada, oo gaadhifardoodyo isugu halleeya badidooda aawadeed, oo fardooleyna isugu halleeya xooggooda badan aawadiis, laakiinse aan Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil fiirin, oo aan Rabbigana innaba doondoonin.
  • Bax 17:3 : 3 Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?
  • Tir 11:4-5 : 4 ¶ Oo dadkii badnaa oo isku darsanaa oo iyaga ku dhex jirayna aad bay wax ugu jeeleen. Oo reer binu Israa'iilna mar kalay ooyeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya? 5 Annagu waxaannu xusuusan nahay kalluunkii aannu Masar lacagla'aan uga cuni jirnay, iyo khajaarkii, iyo batiikhii, iyo basashii cagaarka ahayd, iyo basashii guduudnayd, iyo toontii.
  • Tir 16:13 : 13 Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?
  • Sharc 29:19 : 19 oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo.
  • Ish 30:16 : 16 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdeen, Saas ma noqon doonto, waayo, fardaan ku carari doonnaa, haddaba sidaas daraaddeed waad carari doontaan. Oo waxaad tidhaahdeen, Waxaan fuuli doonnaa fardaha dheereeya, haddaba sidaas aawadeed kuwa idin eryanayaa waxay noqon doonaan kuwa aad u dheereeya.
  • Yer 43:7 : 7 Oo waxay yimaadeen dalkii Masar, waayo, ma ay addeecin codkii Rabbiga, oo waxay yimaadeen ilaa Taxfanxees.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,

  • Yer 42:15-19
    5 aayado
    84%

    15haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan,

    16markaas seefta aad ka cabsanaysaan ayaa dalka Masar idinku gaadhi doonta, oo abaarta aad ka baqaysaan ayaa dalka Masar idinku heli doonta, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.

    17Oo saasay wada noqon doonaan dadkii wejigooda ku qummaatiyaa inay Masar galaan oo ay halkaas degaan. Waxay ku dhiman doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo midkoodna kama hadhi doono, kamana baxsan doono masiibada aan korkooda ku soo dejin doono.

    18Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.

    19Kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, Rabbigu wuxuu idinku soo yidhi, Masar ha tegina. Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada inaan maanta idiin digay.

  • 2Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin.

  • Tir 14:3-4
    2 aayado
    75%

    3Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?

    4Oo markaasaa midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu madax doorannee oo aynu Masar isaga noqonnee.

  • Yer 44:12-14
    3 aayado
    75%

    12Oo waxaan qaadan doonaa kuwa dadka Yahuudah ka hadhay ee wejigooda ku qummaatiyey inay dalka Masar galaan oo ay halkaas degaan, oo kulligoodna way wada baabbi'i doonaan, oo waxay ku le'an doonaan dalka Masar. Waxaa baabba' ka dhigi doona seef iyo abaar, wayna wada dhiman doonaan, oo kan ugu yar ilaa kan ugu weyn waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo waxay wada noqon doonaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar iyo cay.

    13Waayo, kuwa dalka Masar deggan seef iyo abaar iyo belaayo ayaan ugu ciqaabi doonaa sidaan Yeruusaalem u ciqaabay oo kale.

    14Markaas dadka Yahuudah ee hadhay ee dalka Masar u tegey inay degaan midna kama baxsan doono ama kama hadhi doono si ay ugu noqdaan dalkii Yahuudah oo ay aad u jecel yihiin inay ku noqdaan oo ay halkaas degaan, waayo, kuwa baxsadaa mooyaane midkoodna kuma noqon doono.

  • 2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

  • Yer 44:16-17
    2 aayado
    75%

    16Annagu innaba kaa dhegaysan mayno eraygii aad nagula hadashay oo aad magaca Rabbiga noogu sheegtay.

    17Laakiinse sida xaqiiqada ah waxaannu samayn doonnaa wax alla wixii afkayaga ka soo baxay, inaannu foox u shidno boqoradda samada, oo aannu iyada u daadinno qurbaanno cabniin ah, sidii annaga iyo awowayaashayo iyo boqorradayadii iyo amiirradayadiiba aannu ugu samayn jirnay magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, waayo, waagaas waxaannu haysannay cunto faro badan, oo waannu nabdoonayn, oo innaba masiibo ma aannu arki jirin.

  • Bax 14:11-12
    2 aayado
    74%

    11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

    12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

  • 19De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.

  • 14Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.

  • 9Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.

  • 2ayaa waxaa hadlay Casaryaah ina Hooshacyaah, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo raggii kibirsanaa oo dhan, oo waxay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Been baad sheegaysaa. Rabbiga Ilaaheenna ahu kuuma soo dirin inaad tidhaahdid, Masar ha tegina inaad halkaas joogtaan,

  • 6Hadduu wanaag yahay iyo hadduu shar yahayba, annagu waannu addeeci doonnaa codka Rabbiga Ilaahayaga ah, kaasoo aannu kuu dirnay, si aannu u nabdoonaanno aawadeed markaannu addeecno codka Rabbiga Ilaahayaga ah.

  • 12Rabbiga way dafireen, oo waxay yidhaahdeen, Isagu ma jiro. Masiibo nagu dhici mayso, oo seef iyo abaar midna arki mayno.

  • 13Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.

  • 17laakiinse annaga qudhayadu diyaar baannu ahaanaynaa annagoo hub leh, oo reer binu Israa'iil baannu hor kacaynaa ilamaa aannu iyaga geeyno meeshoodii, oo kuwa dhulka deggan aawadood dhallaankayagu waxay deganaanayaan magaalooyinka deyrarka leh.

  • 22Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada in meesha aad doonaysaan inaad tagtaan oo aad sii joogtaan aad seef iyo abaar iyo belaayo ugu dhiman doontaan.

  • 16Laakiinse idinku waxaad tidhaahdeen, Saas ma noqon doonto, waayo, fardaan ku carari doonnaa, haddaba sidaas daraaddeed waad carari doontaan. Oo waxaad tidhaahdeen, Waxaan fuuli doonnaa fardaha dheereeya, haddaba sidaas aawadeed kuwa idin eryanayaa waxay noqon doonaan kuwa aad u dheereeya.

  • 4Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.

  • 7Oo waxay yimaadeen dalkii Masar, waayo, ma ay addeecin codkii Rabbiga, oo waxay yimaadeen ilaa Taxfanxees.

  • 9Laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo ha ka cabsanina dadka dalka deggan, waayo, waxay inoo yihiin sida kibis oo kale. Daafacoodii korkooda waa laga qaaday, oo Rabbigu innaguu inala jiraaye; iyaga ha ka cabsanina.

  • 17¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.

  • 6Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?

  • 2Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.

  • 2Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

  • 11Laakiinse markii Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu dalka yimid ayaannu isnidhi, Ina keena aynu Yeruusaalem u guurnee, waana cabsida aannu ciidanka reer Kaldayiin, iyo ciidanka reer Suuriya ka cabsannay aawadeed, oo sidaas daraaddeed ayaannu Yeruusaalem ku deggan nahay.

  • 42Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.

  • 8Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi aabbihiis Israa'iil, Wiilka i raaci, oo markaas waannu kici oo waannu tegi doonnaa, inaynu noolaanno, oo aynaan dhiman, annaga, iyo adiga, iyo dhallaankayaguba.

  • 6Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.

  • 15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

  • 32intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal cunto iyo beerocanab leh, oo ah dal saliid saytuun iyo malab leh inaad noolaataan oo aydnaan dhiman. Oo Xisqiyaah ha maqlina markuu idinku sasabayo oo idin leeyahay, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa.

  • 17Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno.

  • 4Markaasay Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo saraakiishii ciidammada oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba addeeci waayeen codkii Rabbiga inay dalkii Yahuudah degganaadaan.