Tirintii 20:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 46:6 : 6 Oo waxay kaxaysteen xoolahoodii, iyo alaabtoodii ay ka heleen dalkii Kancaan, oo waxayna yimaadeen Masar, Yacquub iyo farcankiisii la socday oo dhammuba;
  • Bax 12:40 : 40 Reer binu Israa'iil intay dalka Masar qariib ku ahaayeen waxay ahayd afar boqol iyo soddon sannadood.
  • Sharc 26:6 : 6 Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.
  • Fal 7:15 : 15 Markaasaa Yacquub Masar tegey. Isaga qudhiisii waa dhintay iyo awowayaasheenba;
  • Bil 15:13 : 13 Markaasuu wuxuu ku yidhi Aabraam, Ogow in hubaal farcankaagu ay dad qalaad ku ahaan doonaan dal aan kooda ahayn, oo ay u adeegi doonaan, oo afar boqol oo sannadood waa la dhibi doonaa;
  • Fal 7:19 : 19 Isaguna waa khiyaaneeyey dadkeenna, awowayaasheenna wuu xumeeyey, oo wuxuuna ku qasbay inay ilmahoodii yaryaraa iska tuuraan si ayan u sii noolaan.
  • Tir 11:5 : 5 Annagu waxaannu xusuusan nahay kalluunkii aannu Masar lacagla'aan uga cuni jirnay, iyo khajaarkii, iyo batiikhii, iyo basashii cagaarka ahayd, iyo basashii guduudnayd, iyo toontii.
  • Tir 16:13 : 13 Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?
  • Bax 1:11-14 : 11 Haddaba sidaas daraaddeed ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses. 12 Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen. 13 Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan, 14 oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto, oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen.
  • Bax 1:16 : 16 oo wuxuu ku yidhi, Markii aad umulinaysaan naagaha Cibraaniyadaha, oo aad aragtaan iyagoo gambarka umusha fadhiya, haddii uu wiil yahay, waa inaad dishaan, haddayse gabadh tahay, ha iska noolaato.
  • Bax 1:22 : 22 Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.
  • Bax 5:14 : 14 Oo saraakiishii reer binu Israa'iil, oo Fircoon kuwiisa dadka hawsha ku cadaadiyaa ay dadka madaxda uga dhigeen, waa la garaacay, oo waxaa lagu yidhi, War maxaad shalay iyo maantaba hawshiinna u dhammayn weydeen oo aad lebenkii ugu samayn weydeen sidii hore?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sharc 26:5-8
    4 aayado
    83%

    5Oo markaas waa inaad jawaabtaa oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa ka tidhaahdaa, Aabbahay wuxuu ahaa mid reer Suuriya ah oo warwareega. Wuxuu ku dhaadhacay Masar, oo halkaasuu degay, isagoo reerkiisu yar yahay, oo halkaas wuxuu ku noqday quruun weyn oo xoog badan oo tiro badan.

    6Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.

    7Oo annana markaasaannu Rabbiga ah Ilaahii awowayaashayo u qayshannay, kolkaasaa Rabbigu codkayagii maqlay oo dhibkayagii iyo hawshayadii iyo dulmigayagii arkay.

    8Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,

  • 16Oo markaannu Rabbiga u qayshannay, codkayagii wuu maqlay, oo wuxuu noo soo diray malaa'ig, oo Masarna wuu naga soo bixiyey, oo haddana waxaannu joognaa Qaadeesh oo ah magaalo ku taal soohdintaada darafkeeda.

  • 14¶ Markaasaa Muuse kuwa farriin wada Qaadeesh uga diray boqorkii reer Edom, oo wuxuu ku yidhi, Annagoo ah walaalahaa ilma Israa'iil waxaannu kugu leennahay, Waad garanaysaa dhibkii nagu soo dhacay oo dhan,

  • Bax 14:10-12
    3 aayado
    78%

    10Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.

    11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

    12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

  • 8Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey.

  • 16(waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen,

  • 15Markaasay saraakiishii reer binu Israa'iil waxay u tageen oo u cataabeen Fircoon, waxayna ku yidhaahdeen, War maxaad addoommadaada sidan ugula macaamilootaa?

  • Fal 7:11-12
    2 aayado
    76%

    11Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen.

    12Laakiin markii Yacquub maqlay in Masar sarreen jiro, ayuu markii ugu horraysay awowayaasheen diray.

  • 39¶ Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan,

  • Bax 1:12-13
    2 aayado
    76%

    12Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen.

    13Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan,

  • 5Oo waxaa loo sheegay boqorkii Masar inay dadkii carareen; markaasaa Fircoon iyo addoommadiisii qalbigoodii wuxuu u rogmaday xaggii dadka, oo waxay yidhaahdeen, Waxan aynu samaynay waa maxay, oo maxaynu reer binu Israa'iil uga sii daynay adeegiddii ay inoo adeegi jireen?

  • 17waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.

  • 75%

    21Markaas waxaad wiilkaaga ku tidhaahdaa, Annagu Fircoon baannu addoommo ugu ahaan jirnay dalka Masar, markaasaa Rabbigu Masar nagaga soo bixiyey gacan xoog badan,

    22oo Rabbigu annagoo u jeedna ayuu Masar iyo Fircoon iyo reerkiisii oo dhan ku sameeyey calaamooyin iyo yaabab waaweyn oo adadag.

  • 15Markaasaa Yacquub Masar tegey. Isaga qudhiisii waa dhintay iyo awowayaasheenba;

  • 3Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?

  • Bax 5:20-21
    2 aayado
    75%

    20Oo markay Fircoon ka soo bexeen waxay ka hor yimaadeen Muuse iyo Haaruun oo jidka taagtaagan,

    21oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu ha idin fiiriyo oo ha idin xukumo, waayo, waxaad naga dhigteen wax u ura Fircoon iyo addoommadiisii si ay noo nacaan oo ay intay seefo noo qaataan noo laayaan.

  • 23¶ Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed.

  • 14Oo dabadeedto markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Waxanu waa maxay? waa inaad ku tidhaahdaa isaga, Gacan xoog badan baa Rabbigu nagaga soo bixiyey Masar oo ahaa gurigii addoonsiga;

  • 9Muusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.

  • 9Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen;

  • 9Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.

  • 19Isaguna waa khiyaaneeyey dadkeenna, awowayaasheenna wuu xumeeyey, oo wuxuuna ku qasbay inay ilmahoodii yaryaraa iska tuuraan si ayan u sii noolaan.

  • 33Oo Masriyiintuna waxay dadka ku deddejiyeen inay dhaqso uga saaraan dalka; waayo, waxay yidhaahdeen, Kulligeen waxaynu nahay dad go'ay.

  • 8Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.

  • 7Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay. Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada, Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.

  • 40Reer binu Israa'iil intay dalka Masar qariib ku ahaayeen waxay ahayd afar boqol iyo soddon sannadood.

  • 3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

  • 4Markaasaa boqorkii Masar wuxuu ku yidhi iyagii, Muuse iyo Haaruunow, maxaad dadka uga joojinaysaan shuqulladooda? Orda oo hawlihiinna culculus qabsada.

  • 5Oo markaasaan soo diray Muuse iyo Haaruun, oo Masarna belaayaan ku riday, sidii wixii aan dhexdooda ku sameeyey; oo dabadeedna waan idinka soo saaray.

  • 7Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda;

  • Tir 20:4-5
    2 aayado
    73%

    4Bal maxaad shirka Rabbiga cidladan u keenteen si aan annaga iyo lo'dayaduba halkan ugu wada dhimanno?

    5Oo maxaadse dalkii Masar nooga soo bixiseen, oo aad meeshan sharka ah noo keenteen? Waayo, meeshanu ma aha meel laga helo midho, ama berde, ama geedcanab, amase rummaanno; oo biyo la cabbona laguma arko.

  • 6Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.

  • 27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • 13Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?

  • 19Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey.