8Markaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa.
9Markaasaa Masriyiintii iyagii raacdaysteen. Kulli Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo fardooleydiisii, iyo ciidankiisii ayaa raacdeeyey, oo waxay gaadheen iyagoo deggan meel badda u dhow, oo Fiihaahiirod dhinaceeda ah, kana horraysa Bacal Sefoon.
10Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.
11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?
12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.