Baxniintii 14:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Fircoon wuxuu wax ka sheegi doonaa reer binu Israa'iil, oo odhan doonaa, Dhulkaa murgiyey, oo cidladaa xidhay iyagii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 7:3-4 : 3 Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar. 4 Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.
  • Sharc 31:21 : 21 Oo markii masiibo iyo dhibaatooyin badanu ku soo degaan ayaa gabayganu hortooda ku markhaati furayaa, waayo, afka farcankoodu ma illoobi doono, maxaa yeelay, waan ogahay fikirkooda ay ku fikirayaan haddeertan intaanan iyaga geeyn dalkii aan ugu dhaartay ka hor.
  • Xaak 16:2 : 2 Oo waxaa dadkii reer Gaasa lagu yidhi, Samsoon halkanuu yimid. Oo intay hareereeyeen ayay habeenkii oo dhan magaalada iriddeeda ku gaadayeen, oo habeenkaas oo dhanna way aamusnaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Markuu waagu beryo ayaynu dili doonnaa.
  • 1 Sam 23:7 : 7 ¶ Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro.
  • 1 Sam 23:23 : 23 Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.
  • Sab 3:2 : 2 Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh, Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
  • Sab 71:11 : 11 Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey, Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
  • Sab 139:2 : 2 Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
  • Sab 139:4 : 4 Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay.
  • Yer 20:10-11 : 10 Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa. 11 Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.
  • Yex 38:10-11 : 10 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah, 11 oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo,
  • Yex 38:17 : 17 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu ma waxaad tahay kii aan waa hore addoommadaydii nebiyada reer binu Israa'iil ahaa kaga hadlay, kuwaas oo waayahaas sannado badan wax ku sii sheegayay inaan iyaga kugu soo kicin doono?
  • Fal 4:28 : 28 inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 14:1-2
    2 aayado
    82%

    1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi,

    2La hadal reer binu Israa'iil oo u sheeg inay dib u soo noqdaan oo ay degaan meel ka horraysa Fiihaahiirod, oo u dhaxaysa Migdol iyo badda, kana horraysa Bacal Sefoon. Horteeda oo meel badda agteeda ah waa inaad degtaan.

  • Bax 14:8-13
    6 aayado
    82%

    8Markaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa.

    9Markaasaa Masriyiintii iyagii raacdaysteen. Kulli Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo fardooleydiisii, iyo ciidankiisii ayaa raacdeeyey, oo waxay gaadheen iyagoo deggan meel badda u dhow, oo Fiihaahiirod dhinaceeda ah, kana horraysa Bacal Sefoon.

    10Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.

    11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

    12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

    13Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, War ha cabsanina, oo iska taagnaada, oo bal arka badbaadada uu Rabbigu maanta idiin samayn doono; waayo, Masriyiinta aad maanta aragteen, weligiin mar dambe ma arki doontaan.

  • Bax 14:4-6
    3 aayado
    79%

    4Oo anna waxaan qallafin doonaa Fircoon qalbigiisa, oo isna wuu soo raacdaysan doonaa iyaga; markaasaan Fircoon iyo ciidankiisaba ciso ka heli doonaa; Masriyiintuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga. Oo iyana sidii bay yeeleen.

    5Oo waxaa loo sheegay boqorkii Masar inay dadkii carareen; markaasaa Fircoon iyo addoommadiisii qalbigoodii wuxuu u rogmaday xaggii dadka, oo waxay yidhaahdeen, Waxan aynu samaynay waa maxay, oo maxaynu reer binu Israa'iil uga sii daynay adeegiddii ay inoo adeegi jireen?

    6Markaasuu wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo wuxuu watay dadkiisii;

  • Bax 14:15-18
    4 aayado
    79%

    15¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, War maxaad iigu qaylinaysaa? Reer binu Israa'iil u sheeg inay hore u socdaan.

    16Oo adigu ushaada kor u qaad, oo gacanta badda ku kor fidi, oo kala goo; oo reer binu Israa'iil waxay mari doonaan badda dhexdeeda oo ay ku socon doonaan dhul engegan.

    17Oo bal ogow, anigu waxaan qallafin doonaa qalbiga Masriyiinta, oo iyagay daba geli doonaan; oo markaasaan ciso ka heli doonaa Fircoon, iyo ciidankiisa oo dhan, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.

    18Oo Masriyiintu markaasay garan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, kolkii aan sharaf ka helo Fircoon, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.

  • Bax 14:21-26
    6 aayado
    78%

    21Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een.

    22Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

    23Markaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan.

    24Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta.

    25Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.

    26¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda.

  • Bax 13:17-18
    2 aayado
    78%

    17¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.

    18Laakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita.

  • Bax 14:29-31
    3 aayado
    76%

    29Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah, biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

    30Oo sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal.

    31Markaasaa reer binu Israa'iil waxay arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu ku sameeyey Masriyiintii, kolkaasay dadkii Rabbiga ka cabsadeen, oo waxay rumaysteen Rabbiga iyo addoonkiisii Muuse.

  • Tir 14:13-14
    2 aayado
    76%

    13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

    14Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah.

  • Bax 3:9-10
    2 aayado
    75%

    9Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.

    10Haddaba kaalay, oo waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer binu Israa'iil ah.

  • 10Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.

  • Bax 7:3-5
    3 aayado
    75%

    3Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar.

    4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

    5Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.

  • 19¶ Waayo, Fircoon fardihiisii waxay baddii la galeen gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii, oo Rabbigu biyihii badda ayuu dushooda ku soo celiyey; laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah.

  • 11Fircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan.

  • 20Markaasaa Rabbigu sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay tagaan.

  • Tir 33:7-8
    2 aayado
    73%

    7Oo haddana Eetaam bay ka guureen, oo waxay dib ugu noqdeen Fiihaahiirod oo ku hor taal Bacal Sefoon; kolkaasay degeen Migdol horteeda.

    8Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.

  • 40Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.

  • 13¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo amar buu u soo faray reer binu Israa'iil, iyo boqorkii Masar oo ahaa Fircoon, inay reer binu Israa'iil ka soo wadaan dalka Masar.

  • 20Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan.

  • 18Oo codkaaga way maqli doonaan, markaas adiga iyo waayeellada reer binu Israa'iil waa inaad u tagtaan boqorka Masar, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa nala kulmay. Haddaba waan ku baryaynaaye, Iska kaaya daa aannu meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah tagnee, inaannu allabari u bixinno Rabbiga ah Ilaahayo.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed xoogga Fircoon wuxuu idiin noqon doonaa ceeb, oo iskuhallayntii aad hooska Masar isku hallayseenna waxay idiin noqon doontaa sharafjab.

  • 4Wuxuu Fircoon gaadhifardoodkiisii iyo ciidankiisiiba ku tuuray badda dhexdeeda, Oo saraakiishiisii la doortayna waxay tiimbadeen Badda Cas dhexdeeda.

  • 14¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo.

  • 35Oo Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.

  • 3Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Ilaahii Cibraaniyada ayaa nala kulmay, haddaba waannu ku baryaynaaye, Na sii daa, aannu tagnee meel cidla ah oo saddex maalmood loo socdo oo aan allabari ugu bixinnee Rabbiga ah Ilaahayaga inuusan belaayo ama seef nagu soo dejin.

  • 13Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan,