Baxniintii 13:17
¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.
¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
18Laakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita.
5Oo waxaa loo sheegay boqorkii Masar inay dadkii carareen; markaasaa Fircoon iyo addoommadiisii qalbigoodii wuxuu u rogmaday xaggii dadka, oo waxay yidhaahdeen, Waxan aynu samaynay waa maxay, oo maxaynu reer binu Israa'iil uga sii daynay adeegiddii ay inoo adeegi jireen?
6Markaasuu wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo wuxuu watay dadkiisii;
21Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een.
22Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.
23Markaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan.
24Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta.
25Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.
26¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda.
8Markaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa.
9Markaasaa Masriyiintii iyagii raacdaysteen. Kulli Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo fardooleydiisii, iyo ciidankiisii ayaa raacdeeyey, oo waxay gaadheen iyagoo deggan meel badda u dhow, oo Fiihaahiirod dhinaceeda ah, kana horraysa Bacal Sefoon.
10Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.
11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?
12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.
13Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, War ha cabsanina, oo iska taagnaada, oo bal arka badbaadada uu Rabbigu maanta idiin samayn doono; waayo, Masriyiinta aad maanta aragteen, weligiin mar dambe ma arki doontaan.
3Oo Fircoon wuxuu wax ka sheegi doonaa reer binu Israa'iil, oo odhan doonaa, Dhulkaa murgiyey, oo cidladaa xidhay iyagii.
17Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno.
17waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.
27Laakiinse Rabbigu waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana u doonaynin inuu iyaga sii daayo.
3Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Ilaahii Cibraaniyada ayaa nala kulmay, haddaba waannu ku baryaynaaye, Na sii daa, aannu tagnee meel cidla ah oo saddex maalmood loo socdo oo aan allabari ugu bixinnee Rabbiga ah Ilaahayaga inuusan belaayo ama seef nagu soo dejin.
40Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.
6Haddaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin?
20Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.
21Rabbiguna inuu iyaga jidka tuso aawadeed ayuu maalintii hortooda socon jiray isagoo ku jira tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, inuu iyaga u iftiimiyo si ay u socdaan hadh iyo habeenba.
38Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
19¶ Waayo, Fircoon fardihiisii waxay baddii la galeen gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii, oo Rabbigu biyihii badda ayuu dushooda ku soo celiyey; laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah.
16Oo waxay kuu noqon doontaa calaamo gacantaada saaran, iyo wax ka laalaada indhahaaga dhexdooda; waayo, Rabbigu gacan xoog badan buu Masar nagaga soo bixiyey.
3Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?
16laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;
51Oo isla maalintaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga bixiyey dalkii Masar, siday guutooyinkoodii ahaayeen.
10Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu ha idinla jiro, haddaan idin sii daayo idinka iyo yaryarkiinnaba, laakiinse bal ogaada in wax xumu idinka horreeyaan.
11Sidaas ma aha; ee intiinna ragga ahu taga, oo Rabbiga u adeega; waayo, taasu waa wixii aad doonayseen. Kolkaasaa Fircoon hortiisa laga eryay iyagii.
17Oo bal ogow, anigu waxaan qallafin doonaa qalbiga Masriyiinta, oo iyagay daba geli doonaan; oo markaasaan ciso ka heli doonaa Fircoon, iyo ciidankiisa oo dhan, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.
16(waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen,
6Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?
28waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.
30Oo sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal.
21Oo anigu dadkan raalli baan uga yeeli doonaa Masriyiinta; oo waxay noqon doontaa in markii aad tagtaan aydnaan faromadhnaan ku tegin,
4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.
1¶ Reer binu Israa'iil sodcaalladoodii waa kuwan markay gacanta Muuse iyo Haaruun koox koox ugaga soo bexeen dalkii Masar.
18Oo codkaaga way maqli doonaan, markaas adiga iyo waayeellada reer binu Israa'iil waa inaad u tagtaan boqorka Masar, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa nala kulmay. Haddaba waan ku baryaynaaye, Iska kaaya daa aannu meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah tagnee, inaannu allabari u bixinno Rabbiga ah Ilaahayo.
13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.
14oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa,
1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
19Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii;
28Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi, Waan idin sii daynayaa inaad tagtaan inaad cidlada allabari ugu bixisaan Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiinse waa inaydnaan aad u fogaan. Iina soo duceeya.
8Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,
17¶ Bal xusuusta wixii ay reer Camaaleq idinku sameeyeen markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen,