Falimaha Rasuullada 7:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 105:16 : 16 Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo, Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
  • Bil 41:54-57 : 54 Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay. 55 Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela. 56 Oo abaartuna waxay ka dhacday dhulka dushiisa oo dhan. Markaasaa Yuusuf wada furay maqsinnadii oo dhan, oo wuxuu hadhuudhkii ka iibiyey Masriyiintii, abaartuna aad bay ugu xumayd dalka Masar. 57 Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.
  • Bil 42:5 : 5 Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday.
  • Bil 43:1 : 1 ¶ Abaartuna dalka aad bay ugu xumayd.
  • Bil 45:5-6 : 5 Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo. 6 Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin.
  • Bil 45:11 : 11 oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba.
  • Bil 47:13-15 : 13 ¶ Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen. 14 Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon. 15 Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Laakiin markii Yacquub maqlay in Masar sarreen jiro, ayuu markii ugu horraysay awowayaasheen diray.

  • Bil 43:1-2
    2 aayado
    81%

    1¶ Abaartuna dalka aad bay ugu xumayd.

    2Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

  • Bil 47:12-13
    2 aayado
    81%

    12Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.

    13¶ Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen.

  • Bil 41:53-57
    5 aayado
    79%

    53Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd ay dalkii Masar ka dhammaadeen.

    54Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay.

    55Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela.

    56Oo abaartuna waxay ka dhacday dhulka dushiisa oo dhan. Markaasaa Yuusuf wada furay maqsinnadii oo dhan, oo wuxuu hadhuudhkii ka iibiyey Masriyiintii, abaartuna aad bay ugu xumayd dalka Masar.

    57Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.

  • 10laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.

  • Bil 41:29-31
    3 aayado
    78%

    29Oo bal eeg, waxaa dalka Masar oo dhan imanaya toddoba sannadood oo barwaaqo ah,

    30oo dabadoodna waxaa dhici doona toddoba sannadood oo abaar ah; oo barwaaqadii oo dhanna waa laga illoobi doonaa dalka Masar, markaasay abaartu dhulka dhammayn doontaa,

    31barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun.

  • 5Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday.

  • 36Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in.

  • 10¶ Kolkaasaa dhulkii abaari ka dhacday: markaasuu Aabraam Masar tegey; inuu halkaas qariib ku ahaado, waayo, abaartii aad bay dhulkii ugu xumayd.

  • 15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

  • 15Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.

  • Bil 42:2-3
    2 aayado
    75%

    2Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin.

    3Markaasaa Yuusuf tobankiisii walaal waxay u tageen Masar inay hadhuudh ka soo iibsadaan.

  • Fal 7:17-19
    3 aayado
    73%

    17¶ Laakiin markuu soo dhowaaday wakhtigii ballankii Ilaah kula ballamay Ibraahim, ayay dadkii ku soo kordheen oo ku bateen Masar,

    18tan iyo intii boqor kale oo aan Yuusuf oqooni Masar ka kacay.

    19Isaguna waa khiyaaneeyey dadkeenna, awowayaasheenna wuu xumeeyey, oo wuxuuna ku qasbay inay ilmahoodii yaryaraa iska tuuraan si ayan u sii noolaan.

  • 4Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.

  • Sharc 26:6-7
    2 aayado
    73%

    6Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.

    7Oo annana markaasaannu Rabbiga ah Ilaahii awowayaashayo u qayshannay, kolkaasaa Rabbigu codkayagii maqlay oo dhibkayagii iyo hawshayadii iyo dulmigayagii arkay.

  • 11oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba.

  • 6Laakiinse haatan naftayadii way cunta nacday, oo waxba ma jiraan, oo maannadan ma ahaane wax kaloo aan fiirsanno ma haysanno.

  • 15Markaasaa Yacquub Masar tegey. Isaga qudhiisii waa dhintay iyo awowayaasheenba;

  • 18Oo waxay ka ambabbexeen Midyaan, oo Faaraan tageen; oo rag bay Faaraan ka sii kaxaysteen, oo waxay yimaadeen dalkii Masar, kolkaasay u tageen Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo isna wuxuu siiyey guri, cuntona joogtuu uga dhigay, dhulna wuu siiyey.

  • 8Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey.

  • 19De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.