Bilowgii 41:36

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 47:13-25 : 13 ¶ Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen. 14 Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon. 15 Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay. 16 Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa. 17 Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay. 18 Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane. 19 De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in. 20 Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaa yeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon. 21 Dadkiina wuxuu u wareejiyey magaalooyinka dhulka Masar darafkiisa ilaa darafka kale. 22 Wuxuusan iibsan dhulkii wadaaddada oo keliya, waayo, wadaaddadu qayb bay ku lahaan jireen Fircoon, oo waxay cuni jireen qaybtii Fircoon siin jiray, oo sidaas daraaddeed ma ay iibsan dhulkoodii. 23 Markaasaa Yuusuf wuxuu dadkii ku yidhi, Bal eega, maantaan Fircoon idiin iibiyey idinka iyo dhulkiinnaba; haddaba abuurkan qaata oo dhulka ku beera. 24 Markii aad wax soo goosataan, waxaad Fircoon siisaan shan meelood meel, afarta kalena waxay idiin ahaan doonaan abuur aad beerta ku abuurtaan iyo cuntadiinna iyo cuntadii reerihiinna iyo cuntadii dhallaankiinnaba. 25 Markaasay iyana waxay yidhaahdeen, Adigu noloshayada waad badbaadisay, haddaba, sayidkayagiiyow, naga raalli ahow, oo annana waxaannu Fircoon u noqon doonnaa addoommo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 41:33-35
    3 aayado
    89%

    33Haddaba Fircoonow, waxaad doontaa nin caqli iyo xigmad leh, oo u sarraysii dalka Masar oo dhan.

    34Tan yeel oo waxaad doorataa niman dalka u sarreeya, oo waxa toddobada sannadood oo barwaaqada ah dhulka ka baxa inta shanaad ha ururiyeen.

    35Oo cuntada oo dhan sannadahan wanaagsan oo imanaya ha ururiyeen, hadhuudhkana ha kugu hoos kaydiyeen, Fircoonow, oo intay cunto ahaan magaalooyinka u dhigaan, ha ilaaliyeen.

  • Bil 41:27-31
    5 aayado
    87%

    27Toddobada sac oo weyd ah oo foosha xun, oo ka soo daba baxay waa toddoba sannadood, oo haddana toddobada sabuul oo madhan, oo dabayshii bari qallajisay waxay noqon doonaan toddoba sannadood oo abaar ah.

    28Taasu waa wixii aan kugula hadlay, Fircoonow. Waxa Ilaah samaynayo ayuu ku tusay.

    29Oo bal eeg, waxaa dalka Masar oo dhan imanaya toddoba sannadood oo barwaaqo ah,

    30oo dabadoodna waxaa dhici doona toddoba sannadood oo abaar ah; oo barwaaqadii oo dhanna waa laga illoobi doonaa dalka Masar, markaasay abaartu dhulka dhammayn doontaa,

    31barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun.

  • Bil 41:53-57
    5 aayado
    84%

    53Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd ay dalkii Masar ka dhammaadeen.

    54Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay.

    55Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela.

    56Oo abaartuna waxay ka dhacday dhulka dushiisa oo dhan. Markaasaa Yuusuf wada furay maqsinnadii oo dhan, oo wuxuu hadhuudhkii ka iibiyey Masriyiintii, abaartuna aad bay ugu xumayd dalka Masar.

    57Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.

  • Bil 41:47-48
    2 aayado
    83%

    47Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd waxaa dhulkii ka soo baxay wax aad u badan.

    48Markaasuu ururiyey cuntadii toddobadii sannadood baxday oo dalka Masar oo dhan tiil, oo cuntadii wuxuu ku kaydiyey magaalooyinka. Cuntadii beerihii ku wareegsanaa magaalo kastana isku meel buu ku kaydiyey.

  • 6Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin.

  • Bil 47:13-15
    3 aayado
    78%

    13¶ Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen.

    14Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon.

    15Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.

  • 11oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba.

  • 1¶ Abaartuna dalka aad bay ugu xumayd.

  • 2Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin.

  • 11Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen.

  • 37Waxaasuna Fircoon way la wanaagsanaayeen, isaga iyo addoommadiisiiba.

  • 19De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.

  • 5Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday.