Tirintii 20:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaannu Rabbiga u qayshannay, codkayagii wuu maqlay, oo wuxuu noo soo diray malaa'ig, oo Masarna wuu naga soo bixiyey, oo haddana waxaannu joognaa Qaadeesh oo ah magaalo ku taal soohdintaada darafkeeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 14:19 : 19 Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii;
  • Bax 23:20 : 20 ¶ Bal eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig, inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso.
  • Bax 33:2 : 2 Oo waxaan hortiinna ku soo diri doonaa malaa'ig, oo waan eryi doonaa reer Kancaan, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
  • Bax 2:23-24 : 23 ¶ Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed. 24 Ilaahna waa maqlay cabaadkoodii, markaasaa Ilaah xusuustay axdigiisii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.
  • Bax 3:2-9 : 2 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay uga muuqatay dab ololaya oo ka baxaya geed dhexdiis, kolkaasuu fiiriyey oo wuxuu arkay geedkii oo ololaya oo dabku gubayo, geedkuna ma basayn. 3 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Anigu waan ku leexan doonaa, waanan arki doonaa muuqashadan weyn, iyo waxa geedku u guban waayay. 4 Oo markuu Rabbigu arkay inuu ku soo leexday inuu arko ayaa Ilaah uga yeedhay geedka dhexdiisii, oo wuxuu ku yidhi, Muusow, Muusow. Markaasuu yidhi, Waa i kan. 5 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan ha u soo dhowaan, kabahana iska siib, waayo, meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah. 6 Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego. 7 Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda; 8 oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 9 Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.
  • Bax 6:5 : 5 Oo weliba waxaan maqlay cabaadka reer binu Israa'iil oo Masriyiintu addoonsiga ku sii hayaan, oo axdigaygii baan xusuustay.
  • Bax 14:10 : 10 Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 20:14-15
    2 aayado
    81%

    14¶ Markaasaa Muuse kuwa farriin wada Qaadeesh uga diray boqorkii reer Edom, oo wuxuu ku yidhi, Annagoo ah walaalahaa ilma Israa'iil waxaannu kugu leennahay, Waad garanaysaa dhibkii nagu soo dhacay oo dhan,

    15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

  • 17Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno.

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • Sharc 26:6-9
    4 aayado
    77%

    6Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.

    7Oo annana markaasaannu Rabbiga ah Ilaahii awowayaashayo u qayshannay, kolkaasaa Rabbigu codkayagii maqlay oo dhibkayagii iyo hawshayadii iyo dulmigayagii arkay.

    8Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,

    9oo meeshan buu na keenay, oo wuxuu na siiyey dalkan oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 17waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.

  • 76%

    16laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;

    17markaasaa reer binu Israa'iil waxay wargeeyayaal u direen boqorkii reer Edom, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno; laakiinse boqorkii reer Edom ma uu dhegaysan. Sidaas oo kalena waxay cid u direen boqorkii reer Moo'aab; laakiinse isna wuu diiday; oo reer binu Israa'iilna waxay iska joogeen Qaadeesh.

  • 23Oo halkaas wuu naga soo bixiyey inuu na keeno oo na siiyo dalkii uu ugu dhaartay awowayaasheen.

  • Bax 14:10-12
    3 aayado
    74%

    10Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.

    11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

    12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

  • 16(waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen,

  • 3Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?

  • 27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • 8Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey.

  • Tir 20:4-5
    2 aayado
    73%

    4Bal maxaad shirka Rabbiga cidladan u keenteen si aan annaga iyo lo'dayaduba halkan ugu wada dhimanno?

    5Oo maxaadse dalkii Masar nooga soo bixiseen, oo aad meeshan sharka ah noo keenteen? Waayo, meeshanu ma aha meel laga helo midho, ama berde, ama geedcanab, amase rummaanno; oo biyo la cabbona laguma arko.

  • 6Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?

  • Tir 16:13-14
    2 aayado
    73%

    13Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?

    14Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.

  • 13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

  • 3Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.

  • 7Oo markay Rabbiga u qayshadeen ayuu gudcur kala dhex dhigay idinka iyo Masriyiintii, oo badduu ku soo daayay oo ku daboolay; oo indhihiinnaad ku aragteen wixii aan ku sameeyey Masar; oo idinna maalmo badan ayaad cidlada degganaydeen.

  • Bax 3:17-18
    2 aayado
    72%

    17oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

    18Oo codkaaga way maqli doonaan, markaas adiga iyo waayeellada reer binu Israa'iil waa inaad u tagtaan boqorka Masar, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa nala kulmay. Haddaba waan ku baryaynaaye, Iska kaaya daa aannu meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah tagnee, inaannu allabari u bixinno Rabbiga ah Ilaahayo.

  • 4Oo markay malaa'igtii Rabbigu erayadan kula hadashay reer binu Israa'iil oo dhan ayay dadkii codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen.

  • 1¶ Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu ku wareegaynay Buur Seciir.

  • Bax 13:17-18
    2 aayado
    72%

    17¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.

    18Laakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita.

  • 28waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.

  • 10Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.

  • 3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

  • 8ayaa Rabbigu reer binu Israa'iil u soo diray nebi; oo wuxuu ku yidhi iyagii, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Anaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idinka soo saaray gurigii addoonsiga;

  • 21Markaas waxaad wiilkaaga ku tidhaahdaa, Annagu Fircoon baannu addoommo ugu ahaan jirnay dalka Masar, markaasaa Rabbigu Masar nagaga soo bixiyey gacan xoog badan,

  • 9Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen;

  • 11Bal eeg siday noogu abaalgudeen oo ay noogu soo baxeen iyagoo doonaya inay naga tuuraan hantidaadii aad dhaxal ahaan noo siisay.

  • 20¶ Bal eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig, inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso.

  • 27Meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah ayaannu tegaynaa, oo allabari ugu bixinaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, siduu nagu amri doono.

  • 19Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey.

  • 5iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen,

  • 20Laakiinse Rabbigu wuu idin qaatay, oo wuxuu idinka soo bixiyey foornadii birta ee dalkii Masar, inaad isaga u noqotaan dad isaga keliyahu leeyahay, siday maantadan tahay.

  • 18oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan.

  • 8Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.

  • 10Sidaas daraaddeed ayaan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey oo cidlada keenay.