1 Samuu'eel 10:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 6:8-9 : 8 ayaa Rabbigu reer binu Israa'iil u soo diray nebi; oo wuxuu ku yidhi iyagii, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Anaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idinka soo saaray gurigii addoonsiga; 9 waanan idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii kuwii idin dulmi jiray oo dhan, oo kulligood intaan hortiinna ka eryay ayaan dalkoodii idin siiyey;
  • Nex 9:9-9 : 9 Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen; 10 oo weliba Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan, iyo kulli dadkii dalkiisa oo dhan waxaad tustay calaamooyin iyo yaabab, waayo, waad ogayd inay iyaga ku kibreen, oo halkaas magac baad ku heeshay siday maanta tahay. 11 Oo iyagii hortood ayaad baddii kala qaybisay, oo waxay mareen badda dhexdeedii, oo dhul engegan bay ku socdeen, oo kuwii iyaga eryanayayna sidii dhagax biyo xoog badan lagu dhex riday ayaad moolka ugu tuurtay. 12 Oo weliba maalintii waxaad ku hoggaamisay tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, si aad ugu iftiimiso jidkii ay marayeen.
  • Nex 9:27-28 : 27 Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay. 28 Laakiin markay nasteen ayay wax shar ah hortaada ku sameeyeen, oo sidaas daraaddeed waxaad u daysay gacantii cadaawayaashooda, oo iyana way addoonsadeen iyagii; illowse markay kuu soo noqdeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo marar badan ayaad naxariistaada aawadeed ku samatabbixisay;
  • Xaak 2:1 : 1 ¶ Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay ka soo kacday Gilgaal oo Bokiim timid, oo waxay tidhi, Anigaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idin keenay dalkii aan ugu dhaartay awowayaashiin, oo waxaan idhi, Anigu weligay jebin maayo axdigayga aan idinla dhigtay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 6:8-9
    2 aayado
    85%

    8ayaa Rabbigu reer binu Israa'iil u soo diray nebi; oo wuxuu ku yidhi iyagii, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Anaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idinka soo saaray gurigii addoonsiga;

    9waanan idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii kuwii idin dulmi jiray oo dhan, oo kulligood intaan hortiinna ka eryay ayaan dalkoodii idin siiyey;

  • 82%

    11Markaasaa Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Miyaanan idinka badbaadin Masriyiintii, iyo reer Amor, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin?

    12Oo weliba reer Siidoon, iyo reer Camaaleq, iyo reer Maacoonba way idin dulmeen, oo waad ii qayshateen, oo markaasaan idinka badbaadiyey gacantoodii.

  • 6Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Muuse iyo Haaruun waxaa doortay Rabbiga, oo isagaa awowayaashiin ka soo saaray dalkii Masar.

  • Bax 6:6-7
    2 aayado
    77%

    6Haddaba waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga, oo waan idinka soo bixin doonaa culaabta Masriyiintu idinku hoos hayaan, waanan idinka xorayn doonaa addoonsigooda, waanan idinku furan doonaa gacan fidsan iyo xukummo waaweyn,

    7oo waxaan idiin qaadan doonaa dad ahaan, oo aan idiin noqon doonaa Ilaah, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka bixinaya culaabtii Masriyiinta.

  • 33oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado aawadeed, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 2¶ Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

  • 10Oo weliba dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo afartan sannadood ayaan cidladii idinku hor kacayay, si aad u hantidaan dalkii reer Amor.

  • 6¶ Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.

  • 19Laakiinse idinku maanta waad diiddeen Ilaahiinnii idinka badbaadshay belaayooyinkiinnii iyo dhibaatooyinkiinnii oo dhan, oo waxaad isagii ku tidhaahdeen, Maya, laakiinse boqor noo yeel. Haddaba Rabbiga hortiisa ku soo ururiya qabiilooyinkiinna, iyo kumanyaalkiinna.

  • 17waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.

  • 13Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo idiinka soo bixiyey dalkii Masar si aydaan u sii ahaan addoommadoodii. Qataarradii harqoodkiinna waan idinka jebiyey, oo waxaan idinka dhigay inaad madaxfurnaan ku socotaan.

  • 10Markaasaa Yetroo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbigii idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii Fircoon; oo kaasu waa kii dadka ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta hoosteeda.

  • 1¶ Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,

  • 4Waayo, dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo guriga addoonsiga waan idinka soo furtay, oo waxaan idin hor mariyey Muuse, iyo Haaruun iyo Maryan.

  • 55Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Bax 3:8-10
    3 aayado
    75%

    8oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

    9Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.

    10Haddaba kaalay, oo waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer binu Israa'iil ah.

  • 10Sidaas daraaddeed ayaan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey oo cidlada keenay.

  • 8Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,

  • 4Idinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay.

  • 7¶ Oo taasu way dhacday, maxaa yeelay, dadkii Israa'iil waxay ku dembaabi jireen Rabbiga Ilaahooda ah oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar oo ka soo hoos bixiyey gacantii Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo waxay ka cabsan jireen ilaahyo kale,

  • 41Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 17¶ Ilaaha dadkan reer binu Israa'iil wuxuu doortay awowayaasheen, dadkana buu sarraysiiyey markay dhulka Masar degganaayeen, oo gacan taagan buuna kaga soo saaray iyagii.

  • 13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

  • 17oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 8Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey.

  • 13¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo amar buu u soo faray reer binu Israa'iil, iyo boqorkii Masar oo ahaa Fircoon, inay reer binu Israa'iil ka soo wadaan dalka Masar.

  • 20Laakiinse Rabbigu wuu idin qaatay, oo wuxuu idinka soo bixiyey foornadii birta ee dalkii Masar, inaad isaga u noqotaan dad isaga keliyahu leeyahay, siday maantadan tahay.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 8laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.

  • 21Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn.

  • 38Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inaan idin siiyo dalka Kancaan oo aan Ilaah idiin noqdo aawadeed.

  • 18Laakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita.

  • 7Dadka Israa'iilow, sow aniga ilama mid ahidin sida reer Itoobiya? ayaa Rabbigu leeyahay. Sow anigu reer binu Israa'iil kama soo bixin dalkii Masar? Reer Falastiinna sow kama soo bixin Kaftoor, reer Suuriyana sow kama soo bixin Qiir?

  • Yash 24:5-6
    2 aayado
    74%

    5Oo markaasaan soo diray Muuse iyo Haaruun, oo Masarna belaayaan ku riday, sidii wixii aan dhexdooda ku sameeyey; oo dabadeedna waan idinka soo saaray.

    6Oo awowayaashiin waxaan ka soo saaray Masar, oo markaasaad timaadeen badda; oo Masriyiintiina awowayaashiin ayay ku sii eryadeen gaadhifardood, iyo fardooley, ilaa ay yimaadeen Badda Cas.

  • 51Oo isla maalintaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga bixiyey dalkii Masar, siday guutooyinkoodii ahaayeen.

  • 13Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,

  • 10Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.

  • 14¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey,

  • Yex 20:5-6
    2 aayado
    73%

    5oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waagii aan reer binu Israa'iil doortay, oo aan gacantayda kor ugu qaaday oo aan u dhaartay farcanka reer Yacquub, oo aan iyaga dalkii Masar dhexdiisa isku baray, oo aan ugu dhaartay anigoo ku leh, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah,

    6waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan,

  • 6Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhaahdeen, Makhribka baad ogaan doontaan inuu Rabbigu idinka soo bixiyey dalkii Masar,

  • 13Oo Rabbigu reer binu Israa'iil nebi buu kaga soo bixiyey dalkii Masar, oo nebi baa iyagii lagu ilaashay.

  • 5Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.

  • 21Markaas waxaad wiilkaaga ku tidhaahdaa, Annagu Fircoon baannu addoommo ugu ahaan jirnay dalka Masar, markaasaa Rabbigu Masar nagaga soo bixiyey gacan xoog badan,