Xaakinnadii 6:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

ayaa Rabbigu reer binu Israa'iil u soo diray nebi; oo wuxuu ku yidhi iyagii, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Anaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idinka soo saaray gurigii addoonsiga;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 2:1-3 : 1 ¶ Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay ka soo kacday Gilgaal oo Bokiim timid, oo waxay tidhi, Anigaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idin keenay dalkii aan ugu dhaartay awowayaashiin, oo waxaan idhi, Anigu weligay jebin maayo axdigayga aan idinla dhigtay. 2 Idinkuna waa inaydnaan axdi la dhigan dadka dalkan deggan; oo waa inaad jejebisaan meelahooda allabariga. Laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii. De haddaba maxaad sidan u yeesheen? 3 Sidaas daraaddeed waxaa kaloo aan idhi, Hortiinna kama eryi doono iyaga, laakiinse waxay idinku noqon doonaan sida qodxan dhinacyada idinkaga jirta, oo ilaahyadooduna waxay idinku noqon doonaan dabin.
  • Nex 9:9-9 : 9 Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen; 10 oo weliba Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan, iyo kulli dadkii dalkiisa oo dhan waxaad tustay calaamooyin iyo yaabab, waayo, waad ogayd inay iyaga ku kibreen, oo halkaas magac baad ku heeshay siday maanta tahay. 11 Oo iyagii hortood ayaad baddii kala qaybisay, oo waxay mareen badda dhexdeedii, oo dhul engegan bay ku socdeen, oo kuwii iyaga eryanayayna sidii dhagax biyo xoog badan lagu dhex riday ayaad moolka ugu tuurtay. 12 Oo weliba maalintii waxaad ku hoggaamisay tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, si aad ugu iftiimiso jidkii ay marayeen.
  • Sab 136:10-16 : 10 Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. 11 Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. 12 Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. 13 Kan Badda Cas kala qaybiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. 14 Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. 15 Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. 16 Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
  • Ish 63:9-9 : 9 Dhibaatadoodii oo dhan ayuu isna ku dhibaatooday, oo waxaa iyagii badbaadisay malaa'igta hortiisa joogta, oo wuxuu iyagii ku soo furtay jacaylkiisii iyo naxdintiisii, oo isna wuu soo xambaaray, oo waayihii hore oo dhanna wuu siday. 10 Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray. 11 Markaas dadkiisii waxay soo xusuusteen waayihii hore ee Muuse, oo waxay yidhaahdeen, Meeh kii badda ka soo gudbiyey iyagii iyo adhijirkii idihiisa? Meeh kii Ruuxiisa Quduuska ah dhexdooda dhigay, 12 kii dhudhunkiisa ammaanta badan gacanta midigta ee Muuse raacsiiyey, oo biyaha hortooda ku kala qaybiyey, inuu magac weligiis ah samaysto? 13 Meeh kii moolka dhexdiisa ku soo hor kacay sidii faras cidlada dhex maraya si ayan u turunturoon? 14 Sidii lo' dooxada hoos ugu dhaadhacaysa ayaa Ruuxa Rabbigu iyaga u nasiyey. Oo sidaas oo kalaad dadkaagii u hoggaamisay inaad magac ammaan badan samaysatid.
  • Yex 20:5-9 : 5 oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waagii aan reer binu Israa'iil doortay, oo aan gacantayda kor ugu qaaday oo aan u dhaartay farcanka reer Yacquub, oo aan iyaga dalkii Masar dhexdiisa isku baray, oo aan ugu dhaartay anigoo ku leh, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, 6 waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan, 7 oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 8 Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro. 9 Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan iyaga isbaray, markaan dalkii Masar ka soo bixiyey. 10 Sidaas daraaddeed ayaan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey oo cidlada keenay. 11 Oo waxaan iyaga siiyey qaynuunnadaydii, xukummadaydiina waan tusay, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo. 12 Oo weliba waxaan siiyey sabtiyadayda inay ahaadaan calaamad aniga iyo iyaga noo dhexaysa, si ay u ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga iyaga quduus ka dhiga. 13 Laakiinse reer binu Israa'iil way igu caasiyoobeen intii ay cidlada dhex joogeen. Qaynuunnadaydii kuma ay socon, oo xukummadaydiina way diideen, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina si weyn bay nijaas ka dhigeen. Markaasaan idhi, Anigu waxaan korkooda ku shubi doonaa cadhadayda inta ay cidlada dhex joogaan si aan u baabbi'iyo. 14 Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey. 15 Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan, 16 maxaa yeelay, xukummadaydii way diideen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon oo sabtiyadaydii nijaas bay ka dhigeen, waayo, qalbigoodii wuxuu raacay sanamyadoodii. 17 Habase ahaatee ishaydii way u tudhay si aanan iyaga u baabbi'in, oo cidladiina kuma aanan dhex dhammayn. 18 Oo waxaan carruurtoodii ku idhi intii ay cidladii dhex joogeen, Qaynuunnada aabbayaashiin ha ku soconina, oo xukummadoodana ha dhawrina, oo sanamyadoodana ha isku nijaasaynina. 19 Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya, 20 oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. 21 Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda. 22 Habase ahaatee gacantaydii waan ka soo celiyey, oo magacayga daraaddiis baan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumaha hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey. 23 Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaartay cidlada dhexdeedii inaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku dhex firdhin doono, 24 maxaa yeelay, xukummadaydii ma ay samayn, laakiinse qaynuunnadaydii way diideen, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen, oo indhahooduna waxay raaceen sanamyadii awowayaashood. 25 Oo weliba iyagaan siiyey qaynuunno aan wanaagsanayn, iyo xukummo ayan ku noolaan karayn, 26 oo waxaan iyagii ku nijaaseeyey hadiyadahoodii, maxaa yeelay, dab bay u dhex marsiiyeen wixii maxal fura oo dhan, si aan iyaga cidla uga dhigo, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay. 27 ¶ Sidaas aawadeed Wiilka Aadamow, waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba taasay awowayaashiin igu caayeen, wayna igu xadgudbeen. 28 Waayo, markaan dalka keenay, kaasoo aan gacanta ugu qaaday oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siin doono ayay arkeen kur kasta oo dheer iyo geed kasta oo weyn, oo waxay halkaas ku bixiyeen allabaryadoodii, oo qurbaankoodii iga cadhaysiiyey ayay halkaas ku soo bixiyeen, oo weliba halkaasay caraftoodii udgoonayd ku sameeyeen, oo halkaasay qurbaannadoodii cabniinka ku daadiyeen. 29 Markaasaan ku idhi, Meesha sare oo aad tagtaan maxay tahay? Ilaa maantadan la joogo waxaa magaceeda la yidhaahdaa Baamaah. 30 ¶ Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad isu nijaasaysaan sidii awowayaashiin isu nijaaseeyeen oo kale? Oo ma waxaad ka daba gashaan waxyaalahooda karaahiyada ah sida naag ninkeed ka dhillowda oo kale? 31 Oo markaad hadiyadihiinna bixisaan, oo aad wiilashiinna dabka dhex marsiisaan ma waxaad isku nijaasaysaan sanamyadiinna oo dhan ilaa maantadan la joogo? Haddaba reer binu Israa'iilow, miyaan maqlaa waxaad i weyddiisanaysaan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Maqli maayo waxaad i weyddiisataan. 32 Oo waxa maankiinna soo galaana innaba ma ay ahaan doonaan, waayo, waxaad isku tidhaahdaan, Annagu waxaannu noqon doonnaa sida quruumaha kale, iyo sida qolooyinka waddammada deggan oo kale si aannu qoryo iyo dhagax ugu adeegno.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan.

  • 9waanan idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii kuwii idin dulmi jiray oo dhan, oo kulligood intaan hortiinna ka eryay ayaan dalkoodii idin siiyey;

  • 4Waayo, dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo guriga addoonsiga waan idinka soo furtay, oo waxaan idin hor mariyey Muuse, iyo Haaruun iyo Maryan.

  • 6¶ Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.

  • Bax 6:5-8
    4 aayado
    79%

    5Oo weliba waxaan maqlay cabaadka reer binu Israa'iil oo Masriyiintu addoonsiga ku sii hayaan, oo axdigaygii baan xusuustay.

    6Haddaba waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga, oo waan idinka soo bixin doonaa culaabta Masriyiintu idinku hoos hayaan, waanan idinka xorayn doonaa addoonsigooda, waanan idinku furan doonaa gacan fidsan iyo xukummo waaweyn,

    7oo waxaan idiin qaadan doonaa dad ahaan, oo aan idiin noqon doonaa Ilaah, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka bixinaya culaabtii Masriyiinta.

    8Oo waxaan idin geeyn doonaa dalkii aan ku dhaartay inaan siiyo Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo idinkaan dhaxal ahaan idiin siin doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga.

  • 13Oo Rabbigu reer binu Israa'iil nebi buu kaga soo bixiyey dalkii Masar, oo nebi baa iyagii lagu ilaashay.

  • 8Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey.

  • 13¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo amar buu u soo faray reer binu Israa'iil, iyo boqorkii Masar oo ahaa Fircoon, inay reer binu Israa'iil ka soo wadaan dalka Masar.

  • 10Oo weliba dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo afartan sannadood ayaan cidladii idinku hor kacayay, si aad u hantidaan dalkii reer Amor.

  • 2¶ Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

  • 11Markaasaa Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Miyaanan idinka badbaadin Masriyiintii, iyo reer Amor, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin?

  • Yash 24:5-6
    2 aayado
    76%

    5Oo markaasaan soo diray Muuse iyo Haaruun, oo Masarna belaayaan ku riday, sidii wixii aan dhexdooda ku sameeyey; oo dabadeedna waan idinka soo saaray.

    6Oo awowayaashiin waxaan ka soo saaray Masar, oo markaasaad timaadeen badda; oo Masriyiintiina awowayaashiin ayay ku sii eryadeen gaadhifardood, iyo fardooley, ilaa ay yimaadeen Badda Cas.

  • 12de markaas iska jira oo ha illoobina Rabbigii idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

  • 6Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Muuse iyo Haaruun waxaa doortay Rabbiga, oo isagaa awowayaashiin ka soo saaray dalkii Masar.

  • 8laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.

  • 7¶ Oo markii reer binu Israa'iil Rabbiga ugu qayshadeen reer Midyaan aawadood

  • Bax 3:8-10
    3 aayado
    75%

    8oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

    9Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.

    10Haddaba kaalay, oo waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer binu Israa'iil ah.

  • 17waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.

  • 21Markaas waxaad wiilkaaga ku tidhaahdaa, Annagu Fircoon baannu addoommo ugu ahaan jirnay dalka Masar, markaasaa Rabbigu Masar nagaga soo bixiyey gacan xoog badan,

  • 13Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo idiinka soo bixiyey dalkii Masar si aydaan u sii ahaan addoommadoodii. Qataarradii harqoodkiinna waan idinka jebiyey, oo waxaan idinka dhigay inaad madaxfurnaan ku socotaan.

  • 8Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,

  • 23Oo halkaas wuu naga soo bixiyey inuu na keeno oo na siiyo dalkii uu ugu dhaartay awowayaasheen.

  • 1¶ Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,

  • 13Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,

  • 7¶ Oo taasu way dhacday, maxaa yeelay, dadkii Israa'iil waxay ku dembaabi jireen Rabbiga Ilaahooda ah oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar oo ka soo hoos bixiyey gacantii Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo waxay ka cabsan jireen ilaahyo kale,

  • 55Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 6Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhaahdeen, Makhribka baad ogaan doontaan inuu Rabbigu idinka soo bixiyey dalkii Masar,

  • 33oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado aawadeed, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 10Sidaas daraaddeed ayaan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey oo cidlada keenay.

  • 17oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 7Dadka Israa'iilow, sow aniga ilama mid ahidin sida reer Itoobiya? ayaa Rabbigu leeyahay. Sow anigu reer binu Israa'iil kama soo bixin dalkii Masar? Reer Falastiinna sow kama soo bixin Kaftoor, reer Suuriyana sow kama soo bixin Qiir?

  • 28¶ Maalintii Rabbigu la hadlay Muuse oo dalka Masar jooga,

  • 1¶ Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay ka soo kacday Gilgaal oo Bokiim timid, oo waxay tidhi, Anigaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idin keenay dalkii aan ugu dhaartay awowayaashiin, oo waxaan idhi, Anigu weligay jebin maayo axdigayga aan idinla dhigtay.

  • 1¶ Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.

  • Bax 6:10-11
    2 aayado
    73%

    10¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,

    11Fircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan.

  • 18Laakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita.

  • 14¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey,

  • 51Oo isla maalintaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga bixiyey dalkii Masar, siday guutooyinkoodii ahaayeen.

  • 8Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.

  • 20Laakiinse Rabbigu wuu idin qaatay, oo wuxuu idinka soo bixiyey foornadii birta ee dalkii Masar, inaad isaga u noqotaan dad isaga keliyahu leeyahay, siday maantadan tahay.

  • 13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

  • 14uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

  • 4Idinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay.