Tirintii 20:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Muuse kuwa farriin wada Qaadeesh uga diray boqorkii reer Edom, oo wuxuu ku yidhi, Annagoo ah walaalahaa ilma Israa'iil waxaannu kugu leennahay, Waad garanaysaa dhibkii nagu soo dhacay oo dhan,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 11:16-17 : 16 laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh; 17 markaasaa reer binu Israa'iil waxay wargeeyayaal u direen boqorkii reer Edom, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno; laakiinse boqorkii reer Edom ma uu dhegaysan. Sidaas oo kalena waxay cid u direen boqorkii reer Moo'aab; laakiinse isna wuu diiday; oo reer binu Israa'iilna waxay iska joogeen Qaadeesh.
  • Sharc 23:7 : 7 ¶ Waa inaydaan karhin mid reer Edom ah, maxaa yeelay, waa walaalkiin. Waana inaydaan karhin mid Masri ah, maxaa yeelay, dalkiisaad qariib ku ahaan jirteen.
  • Yash 9:9 : 9 Kolkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan,
  • Coba 1:10-12 : 10 Xumaantii aad walaalihiin reer Yacquub ku samayseen aawadeed ayaa ceebu idiinku degi doonta, oo weligiin baad go'naan doontaan. 11 Waayo, wakhtigii aad ag taagnaydeen oo iska fiirinayseen, markay shisheeyayaashu maalkooda qaadanayeen, oo dadka qalaad irdihooda soo gelayeen, oo ay Yeruusaalem saamiga u ridanayeen, xataa idinku iyagoo kalaad ahaydeen. 12 Laakiinse ha fiirina wakhtiga walaalihiin cidhiidhiga ku jiraan, oo ha ku farxina wakhtiga reer Yahuudah baabba'ooda, oo hana u faanina wakhtiga cidhiidhiga.
  • Mal 1:2 : 2 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin jeclaaday, laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, War sidee baad noo jeclaatay? Ceesaw sow Yacquub walaalkiis ma ahayn? ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse Yacquub waan jeclaaday,
  • Bil 32:3-4 : 3 ¶ Yacquubna wuxuu iska hor mariyey kuwo farriin wada oo wuxuu u diray walaalkiis Ceesaw oo degganaa dalkii Seciir oo ahaa duurkii Edom. 4 Wuuna amray, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaan sayidkayga Ceesaw, Addoonkaagii Yacquub wuxuu yidhi, Waxaan qariib ahaan ula degay Laabaan, oo ilaa haatanna waan la joogay,
  • Bil 36:31-39 : 31 ¶ Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil. 32 Belac ina Becoor wuxuu xukumi jiray Edom, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Dinhaabah. 33 Markaasaa Belac dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa. 34 Yoobaabna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Xushaam oo ka yimid dhulkii reer Teemaan. 35 Xushaamna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadad ina Bedad, oo reer Midyaan ku laayay berrinkii Moo'aab, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid. 36 Markaasaa Hadadna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Samlah oo reer Masreqah ahaa. 37 Markaasaa Samlahna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Sha'uul oo reer Rexobod ahaa oo webiga ag degganaa. 38 Markaasaa Sha'uulna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Bacal Xaanaan ina Cakboor. 39 Bacal Xaanaan ina Cakboorna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadar, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Faacuu; naagtiisa magaceeduna wuxuu ahaa Meheetabeel, oo ay Matreed gabadha Meesaahaab dhashay.
  • Bax 18:8 : 8 Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.
  • Sharc 2:4-9 : 4 Oo adigu waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan u digtoonaada, 5 hana la diririna, waayo, dalkooda idinka siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey reer Ceesaw. 6 Wax aad cuntaan lacag kaga iibsada, oo weliba biyo aad cabtaanna lacag kaga iibsada. 7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idinku wada barakeeyey shuqulkii gacantiinna oo dhan, oo isagu wuu yiqiin socodkiinnii aad cidladan soo dhex marteen. Afartankan sannadood ayaa Rabbiga Ilaahinna ahu idinla jiray, oo waxba uma aydaan baahan. 8 Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab. 9 ¶ Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Reer Moo'aab ha dhibin, dagaalna ha kula diririn, waayo, dalkooda waxba hanti idiinka siin maayo, maxaa yeelay, Caar waxaan hanti u siiyey reer Luud. 10 (Waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Eymiim oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq. 11 Oo kuwaasna sida reer Canaaq ayaa waxaa la odhan jiray Refaa'iim, laakiinse reer Moo'aab waxay iyaga ku magacaabaan reer Eymiim. 12 Oo reer Xorna waagii hore waxay degganaan jireen Seciir, laakiinse reer Ceesaw ayaa daba hantiyey oo hortooda ka baabbi'iyey, oo meeshoodii degay, sida reer binu Israa'iil ay ku sameeyeen dalkii ay hantiyeen oo Rabbigu iyaga siiyey.) 13 Haddaba kaca oo ka gudba durdurka Sered. Oo markaasaynu ka gudubnay durdurkii Sered. 14 Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay. 15 Oo weliba gacantii Rabbigu iyaga gees bay ka ahayd, si iyaga looga wada baabbi'iyo xerada dhexdeeda jeeray wada baabba'aan. 16 ¶ Markii dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhammu ay wada baabbe'een oo ay dadka dhexdiisii ka wada le'deen, 17 ayuu Rabbigu ila hadlay oo igu yidhi, 18 Maanta waa inaad ka gudubtaa Caar oo ah soohdinta dalka Moo'aab, 19 oo markaad u soo dhowaato reer Cammoon, iyaga ha dhibin hana la diririn, waayo, waxba hanti idiinka siin maayo dalka reer Cammoon, maxaa yeelay, halkaas waxaan hanti u siiyey reer Luud. 20 (Weliba dalkaasna waxaa lagu tiriyaa inuu yahay dalkii reer Refaa'iim, maxaa yeelay, waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Refaa'iim, laakiinse reer Cammoon waxay iyaga ku magacaabaan Samsummiim, 21 oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq, laakiinse Rabbiga ayaa hortooda ka baabbi'iyey, kolkaasay daba hantiyeen oo meeshoodii degeen, 22 siduu reer Ceesaw oo Buur Seciir deggan u sameeyey markuu hortooda ka baabbi'iyey reer Xor oo ay daba hantiyeen oo ay meeshoodii degeen ilaa maantadan la joogo. 23 Oo reer Caw oo degganaa tuulooyin tan iyo Gaasa yiil waxaa wada baabbi'iyey oo meeshoodii degay reer Kaftoriim oo ka soo baxay Kaftoor.) 24 ¶ Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga la dagaallantaa. 25 Maanta waxaan bilaabayaa inaan cabsidaada iyo baqdintaada ku soo dejiyo dadyowga samada ka hooseeya oo dhan, oo waxay maqli doonaan warkaaga, kolkaasay gariiri doonaan oo kaa nixi doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 20:15-18
    4 aayado
    81%

    15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

    16Oo markaannu Rabbiga u qayshannay, codkayagii wuu maqlay, oo wuxuu noo soo diray malaa'ig, oo Masarna wuu naga soo bixiyey, oo haddana waxaannu joognaa Qaadeesh oo ah magaalo ku taal soohdintaada darafkeeda.

    17Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno.

    18Markaasaa boqorkii Edom wuxuu ku yidhi, Dalkayga waa inaanad soo dhex marin yaanan seef kuula soo bixine.

  • 79%

    16laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;

    17markaasaa reer binu Israa'iil waxay wargeeyayaal u direen boqorkii reer Edom, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno; laakiinse boqorkii reer Edom ma uu dhegaysan. Sidaas oo kalena waxay cid u direen boqorkii reer Moo'aab; laakiinse isna wuu diiday; oo reer binu Israa'iilna waxay iska joogeen Qaadeesh.

  • Tir 20:20-23
    4 aayado
    74%

    20Oo isna wuxuu yidhi, Dalkayga soo dhex mari maysaan. Markaasaa boqorkii Edom wuxuu u soo baxay reer binu Israa'iil isagoo gacan xoog leh dad badan ku wata.

    21Oo sidaasuu boqorkii Edom ugu diiday reer binu Israa'iil inay soohdintiisa soo dhex maraan, oo saas aawadeed reer binu Israa'iil isagii way ka leexdeen.

    22¶ Oo Qaadeesh way ka guureen, oo reer binu Israa'iil xataa shirkii oo dhammu waxay yimaadeen Buur Xor.

    23Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun kula hadlay Buur Xor oo ku ag taal soohdinta dalka Edom oo wuxuu ku yidhi,

  • Bax 14:11-12
    2 aayado
    73%

    11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

    12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

  • 8Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.

  • 16(waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen,

  • 8Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.

  • 13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

  • 6Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin?

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • 2¶ Markaasaa Muuse u wada yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waad wada aragteen wixii Rabbigu markaad Masar joogteen hortiinna ku sameeyey Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan iyo dalkiisii oo dhan,

  • 4¶ Oo Buur Xor waxay uga guureen xagga jidka loo maro Badda Cas inay hareer ka maraan dalka reer Edom. Markaasay dadku aad u qalbi jabeen jidkii daraaddiis.

  • 22¶ Markaasaa Muuse mar kale Rabbiga u jeestay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad dadkan si xun ugula macaamilootay? Oo maxaad aniga ii soo dirtay?

  • 19Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo boqor u ahaa Xeshboon; oo reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen Siixon, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno si aannu ugu gudubno meeshayadii.

  • 13Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?

  • 26¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 21¶ Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 8Oo isna wuxuu yidhi, War jidkee baynu maraynaa? Markaasuu ugu jawaabay, Jidka cidlada Edom.

  • 27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • 6Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.

  • Bax 6:9-10
    2 aayado
    70%

    9Muusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.

    10¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,

  • 3¶ Yacquubna wuxuu iska hor mariyey kuwo farriin wada oo wuxuu u diray walaalkiis Ceesaw oo degganaa dalkii Seciir oo ahaa duurkii Edom.

  • 39Markaasaa Muuse hadalkaas reer binu Israa'iil oo dhan u sheegay, kolkaasaa dadkii aad u baroorteen.

  • 15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 13Kuwanu waa biyihii Meriibaah, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil way la dirireen Rabbiga, oo wuxuu iyaga tusay inuu quduus yahay.

  • 2Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno!

  • 4Bal maxaad shirka Rabbiga cidladan u keenteen si aan annaga iyo lo'dayaduba halkan ugu wada dhimanno?

  • 8Aabbayaashiinna sidaasay yeeleen markaan iyaga ka diray Qaadeesh Barneeca inay dalka soo arkaan aawadeed.

  • 29¶ Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil.

  • 4Oo adigu waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan u digtoonaada,

  • Bax 17:2-3
    2 aayado
    69%

    2Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan?

    3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

  • 40Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi,