Baxniintii 1:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 1:9 : 9 Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin.
  • Ayuub 5:2 : 2 Waayo, ninkii nacas ah xanaaqiisaa dila, Oo kii doqon ahna ciilkiisaa dila.
  • Sab 105:24 : 24 Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
  • Maah 21:30 : 30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
  • Maah 27:4 : 4 Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
  • Yoox 12:19 : 19 Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.
  • Fal 4:2-4 : 2 iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay. 3 Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd. 4 Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.
  • Fal 5:28-33 : 28 oo yidhi, Waxaannu aad idiinku amarnay inaydnaan magacan wax ku barin; laakiin bal eega, waxaad Yeruusaalem ka buuxiseen waxbariddiinnii, oo weliba waxaad damacsan tihiin inaad ninkan dhiiggiisii dusha naga saartaan. 29 Laakiin Butros iyo rasuulladii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaannu Ilaah addeecno intaannu dad addeeci lahayn. 30 Ilaahii awowayaashayo ayaa soo sara kiciyey Ciisihii aad geedka ku deldesheen oo disheen. 31 Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo. 32 Waxyaalahaas annagaa ka marag ah, waxaa kaloona ka marag ah Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah siiyey kuwa addeeca isaga. 33 ¶ Laakiin markay taas maqleen, way ka xanaaqeen, oo waxay ku tashadeen inay laayaan.
  • Room 8:28 : 28 Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.
  • Cib 12:6-9 : 6 Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo. 7 U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin? 8 Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin. 9 Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyaynan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn? 10 Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno quduusnimadiisa. 11 Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 1:7-11
    5 aayado
    83%

    7Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.

    8¶ Haddaba Masar waxaa ka kacay boqor cusub oo aan Yuusuf aqoonin.

    9Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin.

    10Kaalaya, aynu si caqli ah ula macaamiloonnee; waaba intaasoo ay tarmaan, oo ay markuu dagaal dhaco cadaawayaasheenna inoogu darmadaan, oo intay inala diriraan ay dalka ka baxaane.

    11Haddaba sidaas daraaddeed ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses.

  • Bax 1:13-14
    2 aayado
    83%

    13Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan,

    14oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto, oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen.

  • 6Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.

  • 24Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.

  • Bax 2:23-24
    2 aayado
    74%

    23¶ Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed.

    24Ilaahna waa maqlay cabaadkoodii, markaasaa Ilaah xusuustay axdigiisii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.

  • 15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.

  • Bax 1:19-20
    2 aayado
    73%

    19Markaasaa umulisooyinkii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Maxaa yeelay, naagaha Cibraaniyaduhu la mid ma aha naagaha Masriga, oo waa ka dhaqso badan yihiin, oo intii aan umulisooyinku u iman bay umulaan.

    20Haddaba Ilaah si wanaagsan buu u sameeyey umulisooyinkii, dadkiina waa tarmay, oo aad bay u xoogaysteen.

  • Bax 5:14-15
    2 aayado
    73%

    14Oo saraakiishii reer binu Israa'iil, oo Fircoon kuwiisa dadka hawsha ku cadaadiyaa ay dadka madaxda uga dhigeen, waa la garaacay, oo waxaa lagu yidhi, War maxaad shalay iyo maantaba hawshiinna u dhammayn weydeen oo aad lebenkii ugu samayn weydeen sidii hore?

    15Markaasay saraakiishii reer binu Israa'iil waxay u tageen oo u cataabeen Fircoon, waxayna ku yidhaahdeen, War maxaad addoommadaada sidan ugula macaamilootaa?

  • 9Muusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.

  • 10Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.

  • 27Reer binu Israa'iilna waxay degeen dalka Masar, xagga dhulka Goshen; oo halkaas bay maal ka heleen, wayna bateen, oo aad iyo aad bay u tarmeen.

  • 19Oo saraakiishii reer binu Israa'iil waxay arkeen in xaalkoodii xun yahay, markii lagu yidhi, Waa inaydnaan waxba dhimin lebenkii aad maalin walba samayn jirteen.

  • 17¶ Laakiin markuu soo dhowaaday wakhtigii ballankii Ilaah kula ballamay Ibraahim, ayay dadkii ku soo kordheen oo ku bateen Masar,

  • 5Oo waxaa loo sheegay boqorkii Masar inay dadkii carareen; markaasaa Fircoon iyo addoommadiisii qalbigoodii wuxuu u rogmaday xaggii dadka, oo waxay yidhaahdeen, Waxan aynu samaynay waa maxay, oo maxaynu reer binu Israa'iil uga sii daynay adeegiddii ay inoo adeegi jireen?

  • 9Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.

  • 36oo Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay, oo sidaas daraaddeed way u daayeen inay qaataan wixii ay weyddiisteenba. Oo iyana Masriyiintii way dheceen.

  • 8Markaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa.

  • 12Sidaa daraaddeed ayaa dadku ku kala firdhay dalkii Masar oo dhan inay jirrido jajab ah soo ururiyaan meeshii cawska laga siin jiray.

  • 3Oo Fircoon wuxuu wax ka sheegi doonaa reer binu Israa'iil, oo odhan doonaa, Dhulkaa murgiyey, oo cidladaa xidhay iyagii.

  • 4Markaasaa boqorkii Masar wuxuu ku yidhi iyagii, Muuse iyo Haaruunow, maxaad dadka uga joojinaysaan shuqulladooda? Orda oo hawlihiinna culculus qabsada.