Sabuurradii 105:24
Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.
8¶ Haddaba Masar waxaa ka kacay boqor cusub oo aan Yuusuf aqoonin.
9Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin.
10Kaalaya, aynu si caqli ah ula macaamiloonnee; waaba intaasoo ay tarmaan, oo ay markuu dagaal dhaco cadaawayaasheenna inoogu darmadaan, oo intay inala diriraan ay dalka ka baxaane.
25Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan, Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
12Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen.
13Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan,
21Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa, Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
22Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
23Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar, Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
20Haddaba Ilaah si wanaagsan buu u sameeyey umulisooyinkii, dadkiina waa tarmay, oo aad bay u xoogaysteen.
27Reer binu Israa'iilna waxay degeen dalka Masar, xagga dhulka Goshen; oo halkaas bay maal ka heleen, wayna bateen, oo aad iyo aad bay u tarmeen.
13Ninkiina wuu weynaaday, oo hor u maray, ilaa uu noqday nin aad u weyn,
14wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen.
3Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.
43Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan, Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
44Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha, Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
23Oo carruurtoodiina waxaad u badisay sida xiddigaha samada oo kale, oo iyagii waxaad keentay dalkii aad awowayaashood ku tidhi, Iyagu waa inay galaan si ay u hantiyaan.
43Ninkiina aad buu u xoolo batay, wuxuuna lahaa adhi badan, iyo naago addoommo ah, iyo niman addoommo ah, iyo geel, iyo dameerro.
17¶ Laakiin markuu soo dhowaaday wakhtigii ballankii Ilaah kula ballamay Ibraahim, ayay dadkii ku soo kordheen oo ku bateen Masar,
10laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.
36Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan, Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
24Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay, Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub, (Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)
38Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
23Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa, Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,
36oo Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay, oo sidaas daraaddeed way u daayeen inay qaataan wixii ay weyddiisteenba. Oo iyana Masriyiintii way dheceen.
5Oo waxaa loo sheegay boqorkii Masar inay dadkii carareen; markaasaa Fircoon iyo addoommadiisii qalbigoodii wuxuu u rogmaday xaggii dadka, oo waxay yidhaahdeen, Waxan aynu samaynay waa maxay, oo maxaynu reer binu Israa'iil uga sii daynay adeegiddii ay inoo adeegi jireen?
8Markaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa.
38Oo weliba iyaga wuu barakeeyaa, sidaas daraaddeed aad bay u tarmaan, Oo weliba uma uu oggolaado in xoolahoodu yaraadaan.
42Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
18Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.
15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.
12Markay dad tiro yar ahaayeen, Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,