Bilowgii 26:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ninkiina wuu weynaaday, oo hor u maray, ilaa uu noqday nin aad u weyn,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 24:35 : 35 Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro.
  • Sab 112:3 : 3 Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
  • Maah 10:22 : 22 Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Isxaaqna dhulkaasuu wax ku beertay, isla sannaddiina wuxuu helay boqol laab; Rabbiguna wuu barakeeyey isagii.

  • Bil 26:14-17
    4 aayado
    79%

    14wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen.

    15Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen.

    16Abimelegna wuxuu Isxaaq ku yidhi, Naga tag; waayo, aad baad nooga xoog badan tahay.

    17Markaasaa Isxaaq halkaas ka tegey, oo dooxadii Geraar degay, halkaasuuna joogay.

  • 43Ninkiina aad buu u xoolo batay, wuxuuna lahaa adhi badan, iyo naago addoommo ah, iyo niman addoommo ah, iyo geel, iyo dameerro.

  • Bil 26:1-4
    4 aayado
    72%

    1¶ Waxaa dhulkii ka dhacday abaar, oo aan ahayn tii hore oo waagii Ibraahim dhacday. Markaasaa Isxaaq u kacay xagga Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin xagga Geraar.

    2Rabbiguna wuu u muuqday isaga, oo wuxuu ku yidhi, Xagga Masar ha u dhaadhicin, laakiinse deg dhulka aan kuu sheegi doono.

    3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

    4Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;

  • 3Oo weliba xoolihiisuna waxay ahaayeen toddoba kun oo ido ah, iyo saddex kun oo geel ah, iyo shan boqol oo dibi oo laba laba ah, iyo shan boqol oo dameerood oo dhaddig ah, oo weliba wuxuu kaloo lahaa addoommo aad u badan, oo sidaas daraaddeed ninkaasu wuxuu ahaa kan ugu wada weyn dadka bariga oo dhan.

  • Bil 28:3-4
    2 aayado
    71%

    3Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan,

    4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

  • 14isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa.

  • Bil 24:35-36
    2 aayado
    71%

    35Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro.

    36Saarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan.

  • 2Oo Aabraam hodan buu ka ahaa xagga xoolaha iyo lacagta iyo dahabka.

  • 30Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?

  • 6Isxaaqna wuxuu degganaa Geraar:

  • 24Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.

  • Bil 26:22-24
    3 aayado
    70%

    22Kolkaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu qoday ceel kale; kaasna kulama ay diririn; magiciisiina wuxuu u bixiyey Rexobod, oo wuxuu yidhi, Haatan Rabbigu meel buu noo banneeyey, oo dalka waannu ku badnaynaa.

    23Markaasuu halkaas ka tegey, oo wuxuu u kacay Bi'ir Shebac.

    24Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.

  • 19¶ Kuwanuna waa farcankii Isxaaq ina Ibraahim. Ibraahim Isxaaq buu dhalay:

  • 7Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 2Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;

  • 2Ninkii taajirka ahaa wuxuu lahaa ido iyo lo' aad u badan,

  • 13oo lo'diinna iyo idihiinnu ay tarmaan, oo lacagtiinna iyo dahabkiinnuna ay bataan, oo waxaad haysataan oo dhammuna ay tarmaan,

  • 34¶ Ibraahimna wuxuu dhalay Isxaaq. Wiilashii Isxaaqna waxay ahaayeen Ceesaw iyo Israa'iil.

  • 2Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa.

  • 16Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.

  • 27Reer binu Israa'iilna waxay degeen dalka Masar, xagga dhulka Goshen; oo halkaas bay maal ka heleen, wayna bateen, oo aad iyo aad bay u tarmeen.

  • 12Waxaad igu tidhi, Hubaal wanaag baan kuu samayn doonaa, farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida cammuudda badda, taas oo aan la tirin karin farabadnaan aawadeed.

  • 18Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?

  • 14Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.

  • 6Dhulkuna ma uu qaadi karin iyagii, hadday wada degganaan lahaayeen: waayo, xoolahoodu way badnaayeen, oo sidaas daraaddeed ma ay wada degganaan karin.

  • 11Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;

  • 1¶ Ibraahimna waa da' weynaa, gabow buuna la dhacay. Rabbiguna Ibraahim buu ku barakeeyey wax walba.

  • 3Markaasaan awowgiin Ibraahim ka soo kexeeyey Webiga shishadiisa, oo aan dhex mariyey dalka Kancaan oo dhan, oo farcankiisiina waan badiyey, oo waxaan siiyey Isxaaq.

  • 17inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;

  • 6Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan.

  • 29Oo weliba wuxuu dhistay magaalooyin, oo wuxuu urursaday ido iyo lo' faro badan, waayo, Rabbigu wuxuu isaga siiyey maal aad u badan.