Bilowgii 22:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 15:5 : 5 Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa.
  • Bil 13:16 : 16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
  • Bil 24:60 : 60 Oo Rebeqah bay u duceeyeen oo ku yidhaahdeen, Walaashayoy, kumanyaal kun hooyadood noqo, farcankaaguna kuwa iyaga neceb iriddooda ha hantiyeen.
  • Bil 26:4 : 4 Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;
  • Yer 33:22 : 22 Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba.
  • Daan 2:44-45 : 44 Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa. 45 Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.
  • Miik 1:9 : 9 Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.
  • Luuk 1:68-75 : 68 Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil, Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay. 69 Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey Gurigii midiidinkiisa Daa'uud, 70 (Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray), 71 Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan, 72 Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen, Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto, 73 Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay, 74 Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno 75 Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.
  • 1 Kor 15:57 : 57 Laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Ef 1:3 : 3 ¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,
  • Muj 11:15 : 15 ¶ Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.
  • Bil 12:2 : 2 Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;
  • Bil 17:6 : 6 Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan.
  • Bil 27:28-29 : 28 Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan. 29 Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.
  • Bil 28:3 : 3 Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan,
  • Bil 28:14-22 : 14 Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan. 15 Oo bal eeg, waan kula jiraa, meel alla meeshii aad tagtidna waan kugu dhawri doonaa, dalkanna mar kalaan kugu soo celin doonaa; waayo, anigu kaa tegi maayo ilaa aan sameeyo wixii aan kugula hadlay. 16 Markaasuu Yacquub ka toosay hurdadiisii, oo wuxuu yidhi, Hubaal Rabbigaa halkan jooga, mana aan ogayn. 17 Wuuna cabsaday, oo wuxuu yidhi, Meeshanu cabsi badanaa! Tanu meel kale ma aha, gurigii Ilaah mooyaane, tanuna waa iriddii samada. 18 Yacquubna aroor horuu kacay, oo wuxuu qaaday dhagaxii uu barkaday, oo sidii tiir buu u qotomiyey, kolkaasuu saliid ku dul shubay. 19 Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Beytel: laakiinse markii hore magaalada magaceedu wuxuu ahaa Luus. 20 Yacquubna nidar buu nidray, oo wuxuu yidhi, Haddii Ilaah ila jiro, oo uu jidkan aan socdo igu dhawro, oo uu i siiyo wax aan cuno, iyo dhar aan xidho, 21 oo aan aniga oo nabad qaba ku soo noqdo gurigii aabbahay, markaas Rabbigu wuxuu ii noqon doonaa Ilaah, 22 oo dhagaxan aan sidii tiir u qotomiyey, wuxuu noqon doonaa guriga Ilaah: oo wax alla wixii aad i siisidna hubaal meel tobnaadka adigaan ku siin doonaa.
  • Bil 32:12 : 12 Waxaad igu tidhi, Hubaal wanaag baan kuu samayn doonaa, farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida cammuudda badda, taas oo aan la tirin karin farabadnaan aawadeed.
  • Bil 49:25-26 : 25 Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona, Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona Barakooyinka samada sare, Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa, Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka. 26 Barakooyinkii aabbahaa Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara; Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf, Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay.
  • Tir 24:17-19 : 17 Isagaan arkaa, haddase ma aha, Waan u jeedaa, mase dhowa, Reer Yacquub xiddig baa ka soo bixi doonta, Reer binu Israa'iil waxaa ka soo kici doonta ul boqortooyo, Oo waxay burburin doontaa rukummada Moo'aab, Oo waxay baabbi'in doontaa dadka Sheed oo dhan. 18 Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan. 19 Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.
  • Sharc 1:10 : 10 Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.
  • Sharc 21:19 : 19 markaas aabbihiis iyo hooyadiis waa inay isaga soo qabtaan, oo intay odayaasha magaaladiisa u soo bixiyaan ay iridda magaalada keenaan,
  • Sharc 28:2-9 : 2 Oo barakooyinkan oo dhammuna way idinku soo degi doonaan, wayna idin soo gaadhi doonaan, haddaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah dhegaysataan. 3 Waxaad ku barakaysnaan doontaan magaalada, oo waxaad ku barakaysnaan doontaan duurka. 4 Oo waxaa barakaysnaan doona midhaha jidhkiinna, iyo midhaha dhulkiinna, iyo midhaha xoolihiinna oo ah dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna. 5 Waxaa barakaysnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan. 6 Oo waad barakaysnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad barakaysnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan. 7 Oo cadaawayaashiinna idinku kaca Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in hortiinna lagu laayo. Jid qudha ayay idinkaga iman doonaan, oo hortiinna ayay toddoba jid ku kala carari doonaan. 8 Oo Rabbigu wuxuu ku amri doonaa inay barakadu idinku soo degto idinka, iyo maqsinnadiinna, iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba, oo wuxuu idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo. 9 Rabbigu wuxuu idinka dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan. 10 Oo dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan. 11 Oo Rabbigu wanaag buu idiinku badin doonaa midhaha jidhkiinna, iyo midhaha xoolihiinna, iyo midhaha dhulkiinna idinkoo jooga dalka Rabbigu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo. 12 Oo Rabbigu wuxuu idiin furi doonaa khasnaddiisa wanaagsan ee samada inuu dalkiinna roob siiyo xilligiisa, iyo inuu wada barakeeyo shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan, oo idinku quruumo badan baad wax deymin doontaan, waxbase ma amaahan doontaan. 13 Oo Rabbigu wuxuu idinka dhigayaa madaxa, idinkana dhigi maayo dabada, oo weligiin waxaad ahaanaysaan kuwa sarreeya, oo noqon maysaan kuwa hooseeya, haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, oo intaad xajisaan aad yeeshaan,
  • Yash 1:1-9 : 1 ¶ Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa markuu dhintay dabadeed, Rabbigu wuxuu la hadlay Yashuuca ina Nuun, oo Muuse midiidin u ahaa, oo wuxuu ku yidhi, 2 Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil. 3 Meel kasta oo aad cagta dhigtaanba waan idin siiyey, sidaan Muuse ugu sheegay. 4 Oo soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo. 5 Cimrigaaga oo dhan ninna isma kaa hor taagi kari doono. Sidaan Muuse ula jiray ayaan adigana kuula jiri doonaa. Kuma aan gabi doono, kumana aan dayrin doono. 6 Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo. 7 Xoog uun yeelo, oo aad u dhiirranow inaad dhawrtid oo aad yeeshid si waafaqsan sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan. Si aad ugu liibaantid meel kastoo aad tagtidba, sharcigaas ha uga leexan midigta iyo bidixda toona. 8 Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa. 9 Miyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba. 10 ¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,
  • 2 Sam 8:1-9 : 1 ¶ Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay, oo jebiyey, oo Daa'uudna wuxuu gacantii reer Falastiin ka qaaday magaalada la yidhaahdo Meteg Ammaah. 2 Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo intuu dhulka jiifiyey ayuu xadhig ku qiyaasay, oo markaasuu laba xadhig wuxuu u qiyaasay in la dilo, xadhig buuxana wuu la hadhay iyagoo nool. Oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen. 3 Daa'uudna wuxuu kaloo dilay boqorkii Soobaah, oo ahaa Hadadceser ina Rexob, intuu ku socday inuu dowladnimadiisii ku soo ceshado Webiga agtiisa. 4 Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun iyo toddoba boqol oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah; oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse iyagii boqol gaadhifaras buu uga reebay. 5 Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser, Daa'uud wuxuu reer Suuriya ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin. 6 Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba. 7 Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadadceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem. 8 Oo magaalooyinkii Hadadceser oo ahaa Betax, iyo Beerootay Boqor Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad iyo aad u badan. 9 Oo Tocii oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay ciidankii Hadadceser oo dhan, 10 ayaa Tocii wiilkiisii Yooraam u soo diray inuu soo salaamo Boqor Daa'uud oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadadceser; waayo, Hadadceser wuxuu la diriri jiray Tocii. Oo Yooraamna wuxuu keenay weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah iyo weelal naxaas ah, 11 oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu quduuska ka dhigay oo uu ka soo dhacay quruumihii uu jebiyey oo dhan; 12 kuwaas oo ahaa reer Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay. 13 Oo Daa'uudna magac buu isu yeelay markuu ka soo noqday layntii uu reer Suuriya Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo tobanka kun oo nin. 14 Oo wuxuu Edom dhex dhigay rugo askareed; oo Edom oo dhanna wuxuu dhex dhigay rugo askareed, oo reer Edom oo dhammuna Daa'uud bay addoommo u noqdeen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba. 15 ¶ Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey; oo Daa'uud wuxuu dadkiisii oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad. 16 Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay; oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud, 17 oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani; 18 Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen wasiiro.
  • 2 Sam 10:1-9 : 1 ¶ Taas dabadeedna boqorkii reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xaanuun ahaa. 2 Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu Xaanuun ina Naaxaash, waxaan ugu roonaan doonaa sidii aabbihiis iigu roonaaday oo kale. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray addoommadiisii inay ka soo tacsiyeeyaan aabbihiis. Oo addoommadii Daa'uudna waxay yimaadeen dalkii reer Cammoon. 3 Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay ku yidhaahdeen sayidkoodii Xaanuun, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Daa'uud sow uma soo dirin addoommadiisii inay magaalada baadhaan, oo ay soo basaasaan, oo ay dabadeedna afgembiyaan? 4 Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu gadhkoodii badh ka xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay. 5 Oo taas markii Daa'uud loo soo sheegay wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda. 6 Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayay u cid direen oo ka soo kiraysteen reer Suuriyihii Beytrexob degganaa, iyo reer Suuriyihii Soobaah degganaa labaatan kun oo nin oo lug ah, iyo boqorkii Macakaah oo isna wata kun nin, iyo raggii reer Toob oo iyana ahaa laba iyo toban kun oo nin. 7 Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan. 8 Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen. 9 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan. 10 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan. 11 Oo wuxuu yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan, waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan kuu iman doonaa oo waan ku soo caawin doonaa. 12 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan. 13 Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen. 14 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid. 15 Oo reer Suuriyana markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay dhammaantood isa soo wada urursadeen. 16 Markaasaa Hadarceser u cid diray oo soo wada kexeeyey reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey; oo waxay yimaadeen Xeelaam, iyagoo uu madax u yahay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser. 17 Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu ka soo gudbay Webi Urdun ayuu Xeelaam yimid. Markaasaa reer Suuriya isugu soo diyaariyeen inay Daa'uud la dagaallamaan, wayna la dirireen. 18 Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba boqol oo gaadhifaras raggoodii iyo afartan kun oo fardooley ah, oo wuxuu dilay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidankooda, halkaasuuna ku dhintay. 19 Oo markii boqorradii Hadarceser addoommada u ahaa oo dhammu ay arkeen in iyaga reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen reer binu Israa'iil, wayna u adeegeen. Oo saas aawadeed reer Suuriya way ka cabsadeen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.
  • 1 Boq 9:26 : 26 ¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom.
  • Sab 2:8-9 : 8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa. 9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
  • Sab 72:8-9 : 8 Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad, Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa. 9 Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan; Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
  • Yer 32:22 : 22 Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 26:3-4
    2 aayado
    88%

    3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

    4Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;

  • 18oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.

  • Bil 28:13-14
    2 aayado
    84%

    13Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.

    14Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.

  • 12Waxaad igu tidhi, Hubaal wanaag baan kuu samayn doonaa, farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida cammuudda badda, taas oo aan la tirin karin farabadnaan aawadeed.

  • 14isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa.

  • Bil 13:15-16
    2 aayado
    81%

    15waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.

    16Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.

  • Bil 12:2-3
    2 aayado
    80%

    2Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;

    3oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.

  • Bil 28:3-4
    2 aayado
    80%

    3Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan,

    4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

  • 2Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa.

  • Bil 17:6-9
    4 aayado
    79%

    6Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan.

    7Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.

    8Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.

    9Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.

  • 18Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?

  • 4oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.

  • 5Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa.

  • 13Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

  • Bil 17:19-20
    2 aayado
    78%

    19Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.

    20Xagga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeg, isaga waan barakeeyey, waanan badin doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa, oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa.

  • Bil 35:11-12
    2 aayado
    77%

    11Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;

    12oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.

  • 10Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed.

  • 16Oo iyadaan barakayn doonaa, oo weliba wiil baan kaa siin doonaa; iyadaan barakayn doonaa, oo waxay noqon doontaa quruumo hooyadood; boqorrada dadyowguna iyaday ka iman doonaan.

  • 13wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.

  • 25Oo weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono, Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa.

  • 60Oo Rebeqah bay u duceeyeen oo ku yidhaahdeen, Walaashayoy, kumanyaal kun hooyadood noqo, farcankaaguna kuwa iyaga neceb iriddooda ha hantiyeen.

  • 19oo farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.

  • 23Oo carruurtoodiina waxaad u badisay sida xiddigaha samada oo kale, oo iyagii waxaad keentay dalkii aad awowayaashood ku tidhi, Iyagu waa inay galaan si ay u hantiyaan.

  • 4Bal eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa.

  • 25Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan.

  • 13Wiilka addoontana waxaan ka dhigi doonaa quruun, waayo, isna waa farcankaaga.

  • 24Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.