Bilowgii 17:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 35:11 : 11 Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;
  • Bil 12:2 : 2 Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;
  • Bil 13:16 : 16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
  • Bil 16:10 : 10 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed.
  • Bil 22:17 : 17 inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;
  • Bil 25:1-9 : 1 ¶ Ibraahim wuxuu guursaday naag kale, magaceeduna wuxuu ahaa Qetuurah. 2 Oo waxay u dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah. 3 Yoqshaanna wuxuu dhalay Shebaa, iyo Dedaan. Wiilashii Dedaanna waxay ahaayeen Ashuurim, iyo Letushim, iyo Le'ummiim. 4 Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen carruurtii Qetuurah. 5 Ibraahimna wax alla wuxuu lahaa wuxuu siiyey Isxaaq. 6 Laakiinse naagihii addoommada ahaa oo Ibraahim haystay wuxuu wiilashoodii siiyey hadiyado, oo intuu isagu noolaa ayuu ka diray wiilkiisii Isxaaq, bari buuna u diray xagga dhulka bari. 7 Sannadihii Ibraahim noolaa oo cimrigiisu ahaa waa boqol iyo shan iyo toddobaatan sannadood. 8 Ibraahimna waa naf baxay, cimri wanaagsan buuna ku dhintay, isagoo duq ah, oo sannado badan jiray; oo wuxuu ku darmaday dadkiisii. 9 Markaasay wiilashiisii Isxaaq iyo Ismaaciil ku aaseen godkii Makfelah, oo ku dhex yiil berrinkii Cefroon ina Sohar oo ahaa reer Xeed oo ku hor yiil Mamre; 10 berrinkaas oo ahaa kii Ibraahim ka iibsaday reer Xeed. Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo naagtiisii Saarahba. 11 Ibraahim geeridiisii ka dib ayaa Ilaah barakeeyey wiilkiisii Isxaaq; Isxaaqna wuxuu ag degganaa Bi'ir Lahayroy. 12 ¶ Haddaba kuwanu waa farcankii Ismaaciil ina Ibraahim, kii Haagaar tii Masriyadda ahayd oo Saarah midiidinteedii ahayd ay u dhashay Ibraahim. 13 Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Ismaaciil, magacyadoodii sidii farcankoodii ahaa. Curadkii Ismaaciil wuxuu ahaa Nebayod; waxaana ku xigay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam, 14 iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa; 15 Hadar, iyo Tema, iyo Yetuur, iyo Nafish, iyo Qedemah. 16 Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil, kuwanuna waa magacyadoodii sidii ay tuulooyinkoodii iyo xeryahoodii ahaayeen; waxayna lahaayeen laba iyo toban amiir sidii ay qolooyinkoodii ahaayeen. 17 Sannadihii Ismaaciil noolaa waa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood, wuuna naf baxay, oo dhintay; wuxuuna ku darmaday dadkiisii. 18 Waxayna degganaayeen tan iyo Xawiilaah iyo Shuur tan ku hor taal Masar, haddaad u kacdo xagga Ashuur. Walaalihiis oo dhan hortooda ayuu degay.
  • Bil 32:12 : 12 Waxaad igu tidhi, Hubaal wanaag baan kuu samayn doonaa, farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida cammuudda badda, taas oo aan la tirin karin farabadnaan aawadeed.
  • Bil 36:1-9 : 1 ¶ Haddaba kuwanuna waa farcankii Ceesaw, isna waa Edom. 2 Ceesaw wuxuu gabdhihii reer Kancaan ka guursaday Caadah ina Eeloon kii reer Xeed, iyo Aaholiibaamah ina Canah, oo ahayd ina Sibecoon kii reer Xiwi, 3 iyo Basmad oo ahayd ina Ismaaciil, oo la dhalatay Nebayod. 4 Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel; 5 Aaholiibaamahna waxay u dhashay Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax; kuwanu waa wiilashii Ceesaw, oo isaga ugu dhashay dalkii Kancaan. 6 Markaasaa Ceesaw kaxaystay naagihiisii, iyo wiilashiisii iyo gabdhihiisii, iyo dadkii gurigiisa oo dhan, iyo lo'diisii, iyo xayawaankiisii oo dhan, iyo wixii uu lahaa oo dhan oo uu ku urursaday dalkii Kancaan; markaasuu tegey dal ka fog walaalkiis Yacquub. 7 Waayo, xoolahoodu aad bay u badnaayeen oo ma ay wada degi karin; dhulkii ay degganaan jireenna ma uu wada qaadi karin lo'dooda aawadeed. 8 Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom. 9 Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir. 10 Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd. 11 Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas. 12 Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd. 13 Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel: Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah; kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd. 14 Kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah oo ahayd ina Sibecoon; oo iyana waxay Ceesaw u dhashay Yacuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax. 15 Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas, 16 ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah. 17 Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel oo ahaa ina Ceesaw: ugaas Nahad, iyo ugaas Serax, iyo ugaas Shammah, iyo ugaas Misaah. Kuwanuna waa ugaasyadii uu Recuu'eel dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd. 18 Kuwanuna waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Aaholiibaamah ahayd: ugaas Yecuush, iyo ugaas Yaclaam, iyo ugaas Qorax. Kuwanuna waa ugaasyadii ay dhashay naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah. 19 Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii. 20 Kuwanuna waa wiilashii Seciir, kii reer Xor, oo ahaa kuwii dhulka degganaa, Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, 21 iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom. 22 Carruurtii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Heemaam, Lootaan walaashiisna waxay ahayd Timnac. 23 Kuwanuna waa carruurtii Shoobaal; Calwaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefo, iyo Oonaam. 24 Kuwanuna waa carruurtii Sibecoon; Ayah, iyo Canah. Kanu waa Canah kii cidlada ka helay ilaha biyaha oo kulul, markuu daajinayay dameerrada aabbihiis Sibecoon. 25 Kuwanuna waa carruurtii Canah; Dishon, iyo Aaholiibaamah, gabadhii Canah. 26 Kuwanuna waa carruurtii Dishon; Xemdaan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan. 27 Kuwanuna waa carruurtii Eeser; Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Caqaan. 28 Kuwanuna waa carruurtii Diishaan; Cuus iyo Araan. 29 Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor; ugaas Lootaan, iyo ugaas Shoobaal, iyo ugaas Sibecoon, iyo ugaas Canah, 30 ugaas Dishon, iyo ugaas Eeser, iyo ugaas Diishaan. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor siday ahaayeen ugaasyadoodii dalka Seciir joogay. 31 ¶ Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil. 32 Belac ina Becoor wuxuu xukumi jiray Edom, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Dinhaabah. 33 Markaasaa Belac dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa. 34 Yoobaabna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Xushaam oo ka yimid dhulkii reer Teemaan. 35 Xushaamna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadad ina Bedad, oo reer Midyaan ku laayay berrinkii Moo'aab, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid. 36 Markaasaa Hadadna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Samlah oo reer Masreqah ahaa. 37 Markaasaa Samlahna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Sha'uul oo reer Rexobod ahaa oo webiga ag degganaa. 38 Markaasaa Sha'uulna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Bacal Xaanaan ina Cakboor. 39 Bacal Xaanaan ina Cakboorna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadar, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Faacuu; naagtiisa magaceeduna wuxuu ahaa Meheetabeel, oo ay Matreed gabadha Meesaahaab dhashay. 40 Kuwanuna waa magacyadii ugaasyadii Ceesaw dhalay, siday ahaayeen qabiilooyinkoodii iyo magacyadii meelahoodii ay degganaan jireen, waana ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed, 41 iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon; 42 iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar; 43 iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood.
  • Bil 48:19 : 19 Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan.
  • Tir 1:1-9 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidladii Siinay, isagoo ku jira teendhadii shirka, bishii labaad maalinteedii kowaad, oo ah sannaddii labaad oo ay dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed, oo wuxuu ku yidhi, 2 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya qolo qolo iyo reer reer, sida ay tirada magacyadoodu tahay, nin kasta madax madax u tiriya. 3 Oo waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan. 4 Oo waa inuu idinla jiraa qabiil kasta nin ka mid ah oo reerka aabbihiis madax u ah. 5 Oo nimanka isla kiin taagi doona magacyadooduna waa kuwan: reer Ruubeen waxaa ka iman Eliisuur ina Shedeeyuur. 6 Reer Simecoonna waxaa ka iman Shelumii'eel ina Suuriishadday. 7 Reer Yahuudahna waxaa ka iman Naxshoon ina Cammiinaadaab. 8 Reer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar. 9 Reer Sebulunna waxaa ka iman Elii'aab ina Xeelon. 10 Oo kuwa reer Yuusufna waxaa reer Efrayim ka iman Eliishaamaac ina Cammiihuud: oo waxaa reer Manaseh ka iman Gamalii'eel ina Fedaahsuur. 11 Oo reer Benyaamiinna waxaa ka iman Abiidaan ina Gidconii. 12 Oo reer Daanna waxaa ka iman Axiiceser ina Cammiishadday. 13 Oo reer Aasheerna waxaa ka iman Fagcii'eel ina Cokraan. 14 Oo reer Gaadna waxaa ka iman Eliyaasaaf ina Decuu'eel. 15 Oo reer Naftaalina waxaa ka iman Axiirac ina Ceynaan. 16 Kuwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil. 17 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay kaxaysteen nimankaas la magacaabay, 18 oo shirkii oo dhan ayay isu soo ururiyeen bishii labaad maalinteedii kowaad, oo waxay u soo abtirsadeen qolo qolo iyo reer reer, oo ay madax madax u tiriyeen sida tirada magacyadoodu ay ahayd intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba. 19 Oo Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray. 20 ¶ Oo reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 21 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Ruubeen waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol. 22 ¶ Oo reer Simecoon farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, kuwii iyaga laga tiriyey sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 23 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Simecoon waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol. 24 ¶ Oo reer Gaadna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 25 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Gaad waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton. 26 ¶ Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 27 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol. 28 ¶ Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 29 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol. 30 ¶ Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 31 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Sebulun waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol. 32 ¶ Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 33 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilkii reer Efrayim waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol. 34 ¶ Oo reer Manasehna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 35 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Manaseh waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol. 36 ¶ Oo reer Benyaamiinna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 37 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Benyaamiin waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol. 38 ¶ Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 39 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Daan waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol. 40 ¶ Oo reer Aasheerna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 41 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Aasheer waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol. 42 ¶ Oo reer Naftaalina farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, 43 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Naftaali waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol. 44 ¶ Kuwaasu waa kuwii la tiriyey, oo ay tiriyeen Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil oo laba iyo toban nin ahaa oo midkood kastaba loo soocay reerkii aabbihiis. 45 Haddaba intii reer binu Israa'iil oo dhan ee reerihii aabbayaashood laga tiriyey, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan oo reer binu Israa'iil dhex joogtay, 46 xataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton. 47 ¶ Laakiinse qabiilkii reer Laawi reer reer looma tirin. 48 Waayo, Rabbigu waa la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi, 49 Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin, 50 laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan. 51 Oo markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa. 52 Oo reer binu Israa'iilna markay teendhooyinkooda dhistaan, nin waluba tiisa xeradiisa ha ka dhisto, oo nin waluba calankiisa ha uga ag dhisto sida ciidammadoodu yihiin. 53 Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga. 54 Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay wada yeeleen.
  • Tir 26:1-9 : 1 ¶ Oo belaayadii dabadeed ayaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii, oo wuxuu ku yidhi, 2 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya reer reer, intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn, kuwaas oo ah inta reer binu Israa'iil ee dagaal u bixi karta oo dhan. 3 Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda. 4 Oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka inta labaatan sannadood jirta iyo inta ka sii weyn soo tiriya, sidii Rabbigu ku amray Muuse iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dalkii Masar ka soo baxay. 5 ¶ Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Israa'iil, oo waxaa reer Ruubeen ka soo farcamay Xanoog oo dhalay qabiilka reer Xanoog, iyo Falluu oo dhalay qabiilka reer Falluu, 6 iyo Xesroon oo dhalay qabiilkii reer Xesroon, iyo Karmii oo dhalay qabiilkii reer Karmii. 7 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Ruubeen, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo soddon. 8 Reer Falluu waxaa ka dhashay Elii'aab. 9 Wiilashii Elii'aabna waxay ahaayeen Nemuu'eel iyo Daataan iyo Abiiraam. Daataankan iyo Abiiraamkanu waa kuwii shirka ururin jiray oo la diriray Muuse iyo Haaruun oo ku jiray kooxdii Qorax markii ay Rabbiga la dirireen, 10 oo uu dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo Qorax markii kooxdaasu ay dhinteen, kolkii dabku baabbi'iyey labada boqol iyo kontonka nin oo ay calaamad noqdeen. 11 Habase yeeshee Qorax wiilashiisii ma ay dhiman. 12 ¶ Wiilashii Simecoon iyo qabiilooyinkoodii ka soo farcamay waa kuwan: Nemuu'eel oo dhalay qabiilka reer Nemuu'eel, iyo Yaamiin oo dhalay qabiilka reer Yaamiin, iyo Yaakiin oo dhalay qabiilkii reer Yaakiin, 13 iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul. 14 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Simecoon, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol. 15 ¶ Wiilashii Gaad iyo qabiilooyinkii ka soo farcamay waa kuwan: Sefoon oo dhalay qabiilka reer Sefoon, iyo Xaggii oo dhalay qabiilka reer Xaggii, iyo Shuunii oo dhalay qabiilka reer Shuunii, 16 iyo Aasnii oo dhalay qabiilka reer Aasnii, iyo Ceerii oo dhalay qabiilka reer Ceerii, 17 iyo Arood oo dhalay qabiilka reer Arood, iyo Areelii oo dhalay qabiilka reer Areelii. 18 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Gaad, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol. 19 ¶ Oo wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer iyo Oonaan; oo Ceer iyo Oonaanna waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. 20 Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax. 21 Feres wiilashiisiina waxay ahaayeen: Xesroon oo dhalay qabiilka reer Xesroon, iyo Xaamuul oo dhalay qabiilka reer Xaamuul. 22 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Yahuudah oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo toddobaatan kun iyo shan boqol. 23 ¶ Oo wiilashii Isaakaar iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Toolac oo dhalay qabiilka reer Toolac, iyo Fuwaah oo dhalay qabiilka reer Fuwaah, 24 iyo Yaashuub oo dhalay qabiilka reer Yaashuub, iyo Shimroon oo dhalay qabiilka reer Shimroon. 25 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol. 26 ¶ Oo wiilashii Sebulun iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Sered oo dhalay qabiilka reer Sered, iyo Eeloon oo dhalay qabiilka reer Eeloon, iyo Yaxle'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxle'eel. 27 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Sebulun, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lixdan kun iyo shan boqol. 28 ¶ Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim. 29 Oo wiilashii Manaseh waa kuwan: Maakiir oo dhalay qabiilka reer Maakiir, oo Maakiirna wuxuu dhalay Gilecaad, Gilecaadna waxaa ka soo farcamay qabiilka reer Gilecaad. 30 Wiilashii Gilecaad waa kuwan: Iiceser oo dhalay qabiilka reer Iiceser, iyo Xeeleq oo dhalay qabiilka reer Xeeleq, 31 iyo Asrii'eel oo dhalay qabiilka reer Asrii'eel, iyo Shekem oo dhalay qabiilka reer Shekem, 32 iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer. 33 Oo Selaafexaad oo ahaa ina Heefer wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane. Oo Selaafexaad gabdhihiisa magacyadoodu waxay ahaayeen Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah. 34 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol. 35 ¶ Oo wiilashii Efrayim iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Shuutelax oo dhalay qabiilka reer Shuutelax, iyo Beker oo dhalay qabiilka reer Beker, iyo Tahan oo dhalay qabiilka reer Tahan. 36 Intanuna waa wiilashii Shuutelax: Ceeraan oo dhalay qabiilka reer Ceeraan. 37 Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii. 38 ¶ Oo wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Belac oo dhalay qabiilka reer Belac, iyo Ashbeel oo dhalay qabiilka reer Ashbeel, iyo Axiiraam oo dhalay qabiilka reer Axiiraam, 39 iyo Shefuufaan oo dhalay qabiilka reer Shefuufaan, iyo Xuufaam oo dhalay qabiilka reer Xuufaam. 40 Oo wiilashii Belac waxay ahaayeen Ared iyo Nacamaan. Oo Ared wuxuu dhalay qabiilka reer Ared, Nacamaanna wuxuu dhalay qabiilka reer Nacamaan. 41 Intaasu waa wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodii, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol. 42 ¶ Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen. 43 Oo qabiilooyinkii reer Shuuxaam oo dhan intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo afar boqol. 44 ¶ Oo wiilashii Aasheer iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Yimnaah oo dhalay qabiilka reer Yimnaah, iyo Yishwii oo dhalay qabiilka reer Yishwii, iyo Beriicaah oo dhalay reer Beriicaah. 45 Oo wiilashii Beriicaah waxaa ka soo farcamay: Xeber oo dhalay qabiilka reer Xeber, iyo Malkii'eel oo dhalay qabiilka reer Malkii'eel. 46 Oo Aasheer gabadhiisii magaceediina wuxuu ahaa Serax. 47 Oo intaasu waa qabiilooyinkii reer Aasheer, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol. 48 ¶ Oo wiilashii Naftaali iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Yaxse'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxse'eel, iyo Guunii oo dhalay qabiilka reer Guunii; 49 iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem. 50 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Naftaali sidii ay qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo afar boqol. 51 ¶ Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon. 52 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 53 Kuwan ayaa dalka dhaxal ahaan loogu qaybin doonaa sida ay tahay tirada magacyadoodu. 54 Kuwii badan waa inaad siisaa dhaxal badan oo kuwii yarna waa inaad siisaa dhaxal yar. Oo mid kasta sida kuwii laga tiriyey ay ahaayeen dhaxalka ha loo siiyo. 55 Habase yeeshee dhulka waa in saami loo ritaa marka la qaybsanayo. Sida magacyada qabiilooyinka awowayaashoodu ahaayeen ha u dhaxleen. 56 Oo kuwa badan iyo kuwa yarba dhaxalkooda saami ha lagu kala qaybiyo. 57 ¶ Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii. 58 Intanu waa qabiilooyinkii reer Laawi: qabiilkii reer Libnii, iyo qabiilkii reer Xebroon, iyo qabiilkii reer Maxlii, iyo qabiilkii reer Mushii, iyo qabiilkii reer Qorax. Oo Qohaadna wuxuu dhalay Camraam. 59 Oo Camraam naagtiisu waxay ahayd Yookebed ina Laawi, taasoo Laawi ugu dhalatay dalkii Masar. Oo iyana waxay Camraam u dhashay Haaruun iyo Muuse iyo walaashood Maryan. 60 Oo Haaruun waxaa u dhashay Naadaab iyo Abiihuu iyo Elecaasaar iyo Iitaamaar. 61 Oo Naadaab iyo Abiihuu way dhinteen markay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad. 62 Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda. 63 ¶ Kuwaasu waa kuwii ay tiriyeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa oo ku tiriyey reer binu Israa'iil bannaankii Moo'aab oo webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda. 64 Laakiinse kuwaas nin keliyuhu kagama jirin kuwii ay Muuse iyo wadaadkii Haaruun ahaa tiriyeen markay reer binu Israa'iil ku tiriyeen cidladii Siinay. 65 Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.
  • Room 4:11-18 : 11 oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga, 12 iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa. 13 ¶ Waayo, ballankii lagula ballamay Ibraahim ama farcankiisii inuu ku noqdo kii dunida dhaxli lahaa, uguma iman sharciga, laakiinse wuxuu ugu yimid xaqnimada rumaysadka. 14 Waayo, haddii kuwa sharciga leh ay noqdaan kuwa dhaxalka leh, de markaas rumaysadkii waxaa laga dhigay wax aan waxtar lahayn, ballankiina waa la buriyey, 15 maxaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro. 16 ¶ Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen, 17 (sida qoran, Quruumo badan baan aabbe kaaga dhigay) Ilaaha uu rumaystay hortiisa, kan nooleeya kuwii dhintay oo u yeedha waxyaalaha aan jirin sida iyagoo jira. 18 Ibraahim rajuu wax ku rumaystay iyadoo aan rajo jirin inuu aabbe u noqdo quruumo badan, sida waxyaalihii lagula hadlay leeyihiin, Farcankaagu sidaasuu noqon doonaa.
  • Gal 3:28-29 : 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix. 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 17:5-10
    6 aayado
    86%

    5Magacaagana mar dambe lama odhan doono Aabraam, laakiinse magacaagu wuxuu noqon doonaa Ibraahim; waayo, waxaan kaa dhigay quruumo badan aabbahood.

    6Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan.

    7Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.

    8Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.

    9Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.

    10Kanu waa axdigayga aad xajin doontaan, oo inoo dhexeeya aniga iyo adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba; mid kasta oo lab oo idinku jira waa in la gudaa.

  • Bil 17:2-3
    2 aayado
    84%

    2Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa.

    3Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh,

  • Bil 17:19-21
    3 aayado
    81%

    19Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.

    20Xagga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeg, isaga waan barakeeyey, waanan badin doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa, oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa.

    21Laakiin axdigayga waxaan ku adkayn doonaa Isxaaq kan Saarah kuu dhali doonto sannadda soo socota xilligan oo kale.

  • Bil 12:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac.

    2Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;

    3oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.

  • Bil 26:3-4
    2 aayado
    77%

    3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

    4Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;

  • Bil 17:15-16
    2 aayado
    77%

    15Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.

    16Oo iyadaan barakayn doonaa, oo weliba wiil baan kaa siin doonaa; iyadaan barakayn doonaa, oo waxay noqon doontaa quruumo hooyadood; boqorrada dadyowguna iyaday ka iman doonaan.

  • Room 4:16-18
    3 aayado
    76%

    16¶ Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen,

    17(sida qoran, Quruumo badan baan aabbe kaaga dhigay) Ilaaha uu rumaystay hortiisa, kan nooleeya kuwii dhintay oo u yeedha waxyaalaha aan jirin sida iyagoo jira.

    18Ibraahim rajuu wax ku rumaystay iyadoo aan rajo jirin inuu aabbe u noqdo quruumo badan, sida waxyaalihii lagula hadlay leeyihiin, Farcankaagu sidaasuu noqon doonaa.

  • 18Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?

  • 4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

  • 14isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa.

  • Bil 22:16-18
    3 aayado
    75%

    16oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay

    17inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;

    18oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.

  • 24Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.

  • 4oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.

  • Bil 15:3-5
    3 aayado
    73%

    3Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya.

    4Oo bal eeg, ereygii Rabbigaa u yimid, isagoo leh, Ninkanu kuma dhaxli doono: laakiinse waxaa ku dhaxli doona wiil aad dhali doontid.

    5Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa.

  • 11Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;

  • 14Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.

  • 9Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

  • 16Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

  • Bil 21:23-24
    2 aayado
    72%

    23Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.

    24Ibraahimna wuxuu yidhi, Waan kuu dhaaran doonaa.

  • 4Oo weliba axdigaygii waan la dhigtay iyaga inaan siiyo dalka reer Kancaan oo ah dalkii geeddinimadooda oo ay qariibka ku ahaayeen.

  • 2Bal eega aabbihiin Ibraahim, iyo Saarahdii idin dhashay, waayo, markuu mid qudha ahaa ayaan u yeedhay, waanan barakeeyey, oo tarmiyey.

  • 15waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.

  • 18in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

  • 25Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan.