Bilowgii 28:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 12:7 : 7 Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday.
  • Sab 39:12 : 12 Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
  • Sab 72:17 : 17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
  • Sab 105:6-9 : 6 Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow. 7 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan. 8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray, 9 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay, 10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya, 11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna, 12 Markay dad tiro yar ahaayeen, Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
  • Room 4:7-8 : 7 Waxaa barakaysan kuwa xadgudubyadooda la cafiyey, Oo dembiyadooda la daboolay. 8 Waxaa barakaysan ninkii Rabbigu uusan dembi u tirinayn.
  • Gal 3:8 : 8 Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan.
  • Gal 3:14 : 14 inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.
  • Ef 1:3 : 3 ¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada,
  • Cib 11:9-9 : 9 Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan. 10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay. 11 Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday. 12 Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin. 13 ¶ Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah.
  • Bil 13:14-17 : 14 Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba; 15 waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin. 16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa. 17 Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.
  • Bil 15:5-7 : 5 Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa. 6 Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo. 7 Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid.
  • Bil 15:18-21 : 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad: 19 reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon, 20 iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim, 21 iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.
  • Bil 17:6-8 : 6 Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan. 7 Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya. 8 Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.
  • Bil 22:17-18 : 17 inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda; 18 oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.
  • Bil 12:1-3 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac. 2 Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako; 3 oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan,

  • Bil 26:3-4
    2 aayado
    85%

    3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

    4Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;

  • Bil 28:13-14
    2 aayado
    84%

    13Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.

    14Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.

  • 12oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.

  • Bil 17:7-9
    3 aayado
    83%

    7Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.

    8Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.

    9Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.

  • 4oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.

  • Bil 22:17-18
    2 aayado
    81%

    17inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;

    18oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.

  • 14isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa.

  • Bil 12:2-3
    2 aayado
    79%

    2Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;

    3oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.

  • Bil 27:28-29
    2 aayado
    79%

    28Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan.

    29Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.

  • 15waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.

  • Yash 24:3-4
    2 aayado
    78%

    3Markaasaan awowgiin Ibraahim ka soo kexeeyey Webiga shishadiisa, oo aan dhex mariyey dalka Kancaan oo dhan, oo farcankiisiina waan badiyey, oo waxaan siiyey Isxaaq.

    4Isxaaqna waxaan siiyey Yacquub iyo Ceesaw; Ceesawna waxaan Buur Seciir u siiyey inuu hantiyo, oo Yacquub iyo carruurtiisiina waxay ku dhaadhaceen xagga dalka Masar.

  • 13Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

  • 24Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.

  • 4laakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq.

  • 18Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?

  • 12Waxaad igu tidhi, Hubaal wanaag baan kuu samayn doonaa, farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida cammuudda badda, taas oo aan la tirin karin farabadnaan aawadeed.

  • 25Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan.

  • 18Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,

  • 39Markaasaa aabbihiis Isxaaq u jawaabay oo ku yidhi, Bal eeg, rugtaadu waxay ahaan doontaa meel ka baxsan dhulka barwaaqadiisa Iyo sayaxa samada sare ka yimaada.

  • 17Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.

  • 19Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.

  • 7Rabbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa.

  • 18in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

  • 6Ceesawna wuxuu arkay in Isxaaq u duceeyey Yacquub oo u diray Fadan Araam, inuu halkaas naag ka guursado, iyo inuu markuu u duceeyey amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan;