Baxniintii 32:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 12:7 : 7 Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday.
  • Bil 22:16 : 16 oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay
  • Cib 6:13 : 13 ¶ Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay,
  • Bil 15:18 : 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad:
  • Bil 15:5 : 5 Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa.
  • Bil 15:7 : 7 Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid.
  • Bil 35:11-12 : 11 Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro; 12 oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.
  • Bil 48:16 : 16 iyo malaa'igtii iga soo samatabbixisay xumaato oo dhan, wiilasha ha barakeeyeen; oo magacayga ha lagu magacaabo iyaga, iyo magicii aabbahay Isxaaq, iyo kii awowgay Ibraahim; oo dad faro badan dhulka ha ku noqdeen.
  • Laaw 26:42 : 42 ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa.
  • Sharc 7:8 : 8 laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.
  • Sharc 9:27 : 27 Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda,
  • Luuk 1:54-55 : 54 Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey Inuu xusuusto inuu u naxariisto 55 Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay).
  • Bil 13:15-16 : 15 waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin. 16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
  • Bil 12:2 : 2 Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;
  • Bil 26:3-4 : 3 Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim. 4 Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;
  • Bil 28:13-14 : 13 Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga. 14 Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 26:3-4
    2 aayado
    82%

    3Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

    4Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;

  • Bil 35:11-12
    2 aayado
    80%

    11Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;

    12oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.

  • 27Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda,

  • Bil 13:15-16
    2 aayado
    79%

    15waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.

    16Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.

  • Bil 28:13-14
    2 aayado
    79%

    13Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.

    14Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.

  • 13inuu maanta dad idinka dhigto iyo inuu Ilaah idiin noqdo, siduu idiin sheegay oo uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.

  • 8Oo waxaan idin geeyn doonaa dalkii aan ku dhaartay inaan siiyo Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo idinkaan dhaxal ahaan idiin siin doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga.

  • 42ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa.

  • Bil 22:16-18
    3 aayado
    78%

    16oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay

    17inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;

    18oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.

  • 4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

  • 12Waxaad igu tidhi, Hubaal wanaag baan kuu samayn doonaa, farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida cammuudda badda, taas oo aan la tirin karin farabadnaan aawadeed.

  • Bil 17:7-9
    3 aayado
    77%

    7Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.

    8Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.

    9Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.

  • 4oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.

  • 3Markaasaan awowgiin Ibraahim ka soo kexeeyey Webiga shishadiisa, oo aan dhex mariyey dalka Kancaan oo dhan, oo farcankiisiina waan badiyey, oo waxaan siiyey Isxaaq.

  • 23Oo carruurtoodiina waxaad u badisay sida xiddigaha samada oo kale, oo iyagii waxaad keentay dalkii aad awowayaashood ku tidhi, Iyagu waa inay galaan si ay u hantiyaan.

  • 22Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tag, oo halkan ka socda, adiga iyo dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisayba, oo waxaad u kacdaan dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo aan mid walba ku idhi, Farcankaagaan siin doonaa.

  • 11Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,

  • 8Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

  • 18Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,

  • 4Oo weliba axdigaygii waan la dhigtay iyaga inaan siiyo dalka reer Kancaan oo ah dalkii geeddinimadooda oo ay qariibka ku ahaayeen.

  • 42Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.

  • 13Markaasuu wuxuu ku yidhi Aabraam, Ogow in hubaal farcankaagu ay dad qalaad ku ahaan doonaan dal aan kooda ahayn, oo ay u adeegi doonaan, oo afar boqol oo sannadood waa la dhibi doonaa;

  • 6Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.

  • 11¶ Oo markii Rabbigu ku geeyo dalka reer Kancaan siduu ugu dhaartay adiga iyo awowayaashaaba, oo uu ku siiyo,

  • 24Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.

  • 8oo dabadeedna ogaaday in qalbigiisu hortaada aamin ku yahay, oo isagii axdi kula dhigtay inaad isaga siinaysid dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Girgaash, xataa inaad dalkaas siinaysid farcankiisa; oo erayadaadiina waad oofisay, maxaa yeelay, xaq baad tahay.

  • 18Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad:

  • 16Bal tag, oo isu soo ururi waayeellada reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii muuqday, isagoo leh, Hubaal waan idin soo booqday, oo waan arkay waxa laydinku sameeyey Masar dhexdeeda,

  • 3oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.

  • 16Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,