Bilowgii 43:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 42:1-2 : 1 ¶ Haddaba Yacquub wuxuu arkay in hadhuudh laga helo Masar, markaasuu Yacquub wiilashiisii ku yidhi, War maxaa midkiinba midka kale u fiirinayaa? 2 Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin.
  • Bil 43:4 : 4 Haddaad walaalkayo na raacisid, waannu dhaadhacaynaa oo cuntaannu kuu soo iibinaynaa,
  • Bil 43:20 : 20 waxayna ku yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, markii hore waxaannu u soo dhaadhacnay inaannu cunto iibsanno,
  • Maah 15:16 : 16 Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.
  • Maah 16:18 : 18 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.
  • Maah 31:16 : 16 Iyadu waxay ka fikirtaa beer, wayna soo iibsataa, Oo midhaha gacmaheeda ayay beercanab ku beerataa.
  • 1 Tim 5:8 : 8 Laakiin qof hadduusan dadkiisa dhaqaalayn, khusuusan kuwa gurigiisa jooga, kaasu iimaankuu ka hor yimid, wuuna ka sii liitaa mid aan rumaysanayn.
  • 1 Tim 6:6-8 : 6 ¶ Laakiin cibaadadu waa faa'iido weyn markii waxa la haysto raalli lagu yahay; 7 waayo, dunida waxba ma aynu keenin, waxbana ka qaadan kari mayno. 8 Laakiinse haddaynu haysanno dhar iyo dhuuni, way inagu filnaan doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 44:23-26
    4 aayado
    88%

    23Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan.

    24Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow.

    25Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya.

    26Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin.

  • 1¶ Abaartuna dalka aad bay ugu xumayd.

  • Bil 42:1-3
    3 aayado
    84%

    1¶ Haddaba Yacquub wuxuu arkay in hadhuudh laga helo Masar, markaasuu Yacquub wiilashiisii ku yidhi, War maxaa midkiinba midka kale u fiirinayaa?

    2Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin.

    3Markaasaa Yuusuf tobankiisii walaal waxay u tageen Masar inay hadhuudh ka soo iibsadaan.

  • Bil 43:3-4
    2 aayado
    82%

    3Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.

    4Haddaad walaalkayo na raacisid, waannu dhaadhacaynaa oo cuntaannu kuu soo iibinaynaa,

  • 5Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday.

  • 20waxayna ku yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, markii hore waxaannu u soo dhaadhacnay inaannu cunto iibsanno,

  • Bil 43:6-8
    3 aayado
    79%

    6Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin?

    7Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena?

    8Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi aabbihiis Israa'iil, Wiilka i raaci, oo markaas waannu kici oo waannu tegi doonnaa, inaynu noolaanno, oo aynaan dhiman, annaga, iyo adiga, iyo dhallaankayaguba.

  • Fal 7:11-12
    2 aayado
    78%

    11Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen.

    12Laakiin markii Yacquub maqlay in Masar sarreen jiro, ayuu markii ugu horraysay awowayaasheen diray.

  • 25Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub.

  • 29Markaasay aabbahood Yacquub ugu yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay isagii u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan, iyagoo leh,

  • 33Markaasaa ninkii sayidka u ahaa dalka wuxuu nagu yidhi, Inaad niman daacad ah tihiin tanaan idinku garan doonaaye; walaalihiin mid igaga taga, oo hadhuudh u qaada reerihiinna abaaraysan, oo iska taga,

  • 55Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela.

  • 25Markaasaa Yuusuf wuxuu amray in joonyadahoodii hadhuudh looga buuxiyo, iyo in nin walba lacagtiisii loogu celiyo joonyaddiisii iyo in sahay jidka loo siiyo, oo sidii baana loo yeelay.

  • Bil 43:12-13
    2 aayado
    76%

    12gacantiinnana lacag labanlaab ah ku qaada, oo lacagtii joonyadihiinna afkooda lagu soo celiyeyna haddana gacantiinna ku qaada, waayo, mindhaa waa la soo qaldamay.

    13Walaalkiinna kaxeeya, oo kaca, oo bal haddana ninkii u taga,

  • 15¶ Markaasaa nimankii waxay qaadeen hadiyaddii, lacag labanlaab ahna gacantooday ku qaadeen, Benyaamiinna way kaxeeyeen, wayna kaceen oo Masar tageen, oo waxay hor istaageen Yuusuf.

  • 7Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno.

  • Bil 47:12-13
    2 aayado
    76%

    12Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.

    13¶ Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen.

  • Bil 45:17-18
    2 aayado
    76%

    17Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca;

    18oo waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka.

  • 22Oo lacag kale oo aannu cunto ku iibsannona waan la soo dhaadhacnay. Annagu garan mayno kii lacagtayadii ku riday joonyadahayagii.

  • 35Oo waxay noqotay in markay joonyadahoodii hadhuudhkii ka shubeen, nin walba xidhmadiisii lacagta ahayd ay ugu jirtay joonyaddiisii, oo markii iyaga iyo aabbahood ay arkeen xidhmooyinkoodii lacagta ahaa ayay baqeen.

  • 10Iyana waxay ku yidhaahdeen isagii, Maya, sayidkayagiiyow, laakiinse annagoo addoommadaada ah waxaannu u nimid inaannu cunto iibsanno.

  • 25Kolkaasay u fadhiisteen inay wax cunaan; dabadeedna indhahay kor u taageen oo wax bay fiiriyeen, oo waxay arkeen safar reer Ismaaciil ah oo ka soo socda xagga Gilecaad, oo awrtooda ay ugu raran yihiin xawaash, iyo beeyo, iyo malmal, waxayna u socdeen xagga Masar.

  • 23Oo aabbihiisna sidan buu wax ugu diray, toban dameer oo ay ku raran yihiin waxyaalihii wanwanaagsanaa ee Masar, iyo toban dameerood oo hadhuudh iyo cunto ku raran yihiin, iyo sahaydii aabbihiis jidka ku soo mari lahaa.

  • 5Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.

  • 57Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.

  • 15Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.