Bilowgii 43:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

waxayna ku yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, markii hore waxaannu u soo dhaadhacnay inaannu cunto iibsanno,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 42:3 : 3 Markaasaa Yuusuf tobankiisii walaal waxay u tageen Masar inay hadhuudh ka soo iibsadaan.
  • Bil 42:10 : 10 Iyana waxay ku yidhaahdeen isagii, Maya, sayidkayagiiyow, laakiinse annagoo addoommadaada ah waxaannu u nimid inaannu cunto iibsanno.
  • Bil 42:27 : 27 Meeshay ku hoydeen markii uu midkood joonyaddiisii ugu furay inuu dameerkiisii cunto siiyo ayuu arkay lacagtiisii oo ku jirta joonyaddiisii afkeeda.
  • Bil 42:35 : 35 Oo waxay noqotay in markay joonyadahoodii hadhuudhkii ka shubeen, nin walba xidhmadiisii lacagta ahayd ay ugu jirtay joonyaddiisii, oo markii iyaga iyo aabbahood ay arkeen xidhmooyinkoodii lacagta ahaa ayay baqeen.
  • Bil 43:3 : 3 Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.
  • Bil 43:7 : 7 Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10Iyana waxay ku yidhaahdeen isagii, Maya, sayidkayagiiyow, laakiinse annagoo addoommadaada ah waxaannu u nimid inaannu cunto iibsanno.

  • Bil 43:21-26
    6 aayado
    82%

    21oo markii aannu meel aannu ku hoyanno gaadhnay ayaannu furnay joonyadahayagii, oo bal eeg, nin walba lacagtiisii waxay ugu jirtay joonyaddiisa afkeeda, waxay ahayd lacagtayadii oo miisaankeedii dhan yahay; oo haddana gacantayadaannu ku soo celinnay.

    22Oo lacag kale oo aannu cunto ku iibsannona waan la soo dhaadhacnay. Annagu garan mayno kii lacagtayadii ku riday joonyadahayagii.

    23Isna wuxuu yidhi, Nabad ha idiin ahaato, ee ha cabsanina. Ilaahiinna ah Ilaaha aabbihiin ayaa maal idiinku riday joonyadihiinnii. Anigu waan helay lacagtiinnii. Markaasuu Simecoon dibadda ugu soo bixiyey iyagii.

    24Oo ninkii baa nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf, oo biyo siiyey, kolkaasay cagamaydheen. Dameerradoodiina cuntuu siiyey.

    25Markaasay diyaariyeen hadiyaddii intuusan Yuusuf duhurkii iman; waayo, waxay maqleen inay halkaas wax ka cuni doonaan.

    26Oo markii Yuusuf gurigii yimid ayay gurigii ugu keeneen hadiyaddii gacantooda ku jirtay, markaasay u wada sujuudeen oo wejiga dhulka saareen.

  • Bil 43:17-19
    3 aayado
    81%

    17Markaasaa ninkii yeelay wixii Yuusuf ku amray; oo ninkii wuxuu nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf.

    18Nimankiina waa cabcabsadeen, maxaa yeelay, waxaa la soo geliyey gurigii Yuusuf; oo waxay isku yidhaahdeen, Lacagtii markii hore lagu soo celiyey joonyadaheenna weeye waxa laynoo soo xeraystay; wuxuu doonayaa inuu wax inoo qabsado, oo uu ina dhaco, oo uu ina addoonsado, dameerradeennana qaato.

    19Markaasay waxay u soo dhowaadeen wakiilkii guriga Yuusuf, oo waxay isagii kula hadleen albaabkii guriga,

  • Bil 43:1-4
    4 aayado
    80%

    1¶ Abaartuna dalka aad bay ugu xumayd.

    2Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

    3Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.

    4Haddaad walaalkayo na raacisid, waannu dhaadhacaynaa oo cuntaannu kuu soo iibinaynaa,

  • Bil 44:23-26
    4 aayado
    78%

    23Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan.

    24Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow.

    25Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya.

    26Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin.

  • Bil 42:2-3
    2 aayado
    77%

    2Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin.

    3Markaasaa Yuusuf tobankiisii walaal waxay u tageen Masar inay hadhuudh ka soo iibsadaan.

  • Bil 44:7-8
    2 aayado
    77%

    7Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno.

    8Bal eeg, lacagtii aannu ka dhex helnay joonyadahayaga afafkooda ayaannu kaaga soo celinnay dalkii Kancaan; de haddaba sidee baannu guriga sayidkaaga uga xadi karnaa lacag ama dahab?

  • 7Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena?

  • 15¶ Markaasaa nimankii waxay qaadeen hadiyaddii, lacag labanlaab ahna gacantooday ku qaadeen, Benyaamiinna way kaxeeyeen, wayna kaceen oo Masar tageen, oo waxay hor istaageen Yuusuf.

  • Bil 42:5-7
    3 aayado
    75%

    5Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday.

    6Yuusufna wuxuu ahaa taliyihii dalka, isaguna wuxuu ahaa kii wax ka iibin jiray dadka dalka oo dhan. Markaasay Yuusuf walaalihiis u yimaadeen isagii, oo intay u wada sujuudeen ayay wejiga dhulka wada saareen.

    7Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno.

  • Bil 47:18-19
    2 aayado
    75%

    18Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane.

    19De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.

  • Bil 44:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Markaasuu amray wakiilkii gurigiisa, oo ku yidhi, Nimanka joonyadahooda cunto uga buuxi, in alla intay qaadi karaan, nin walba lacagtiisana joonyaddiisa afkeeda ugu rid.

    2Kan ugu yar joonyaddiisa afkeedana waxaad ku riddaa koobkayga lacagta ah iyo lacagtiisii uu hadhuudhka ku doonayay. Markaasuu yeelay hadalkii Yuusuf kula hadlay.

  • 33Markaasaa ninkii sayidka u ahaa dalka wuxuu nagu yidhi, Inaad niman daacad ah tihiin tanaan idinku garan doonaaye; walaalihiin mid igaga taga, oo hadhuudh u qaada reerihiinna abaaraysan, oo iska taga,

  • 25Markaasaa Yuusuf wuxuu amray in joonyadahoodii hadhuudh looga buuxiyo, iyo in nin walba lacagtiisii loogu celiyo joonyaddiisii iyo in sahay jidka loo siiyo, oo sidii baana loo yeelay.

  • Bil 47:14-15
    2 aayado
    73%

    14Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon.

    15Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.

  • 10waayo, haddaannan raagin, hubaal hadda mar labaad waannu soo noqon lahayn.

  • 35Oo waxay noqotay in markay joonyadahoodii hadhuudhkii ka shubeen, nin walba xidhmadiisii lacagta ahayd ay ugu jirtay joonyaddiisii, oo markii iyaga iyo aabbahood ay arkeen xidhmooyinkoodii lacagta ahaa ayay baqeen.

  • 18Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada.

  • Bil 42:28-29
    2 aayado
    72%

    28Markaasuu walaalihiis ku yidhi, Lacagtaydii waa lay soo celiyey; oo waxay ku jirtaa joonyaddayda, markaasay qalbiga ka nexeen, oo ay isku jeesteen iyagoo gariiraya, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxakan Ilaah inagu sameeyey?

    29Markaasay aabbahood Yacquub ugu yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay isagii u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan, iyagoo leh,

  • 12gacantiinnana lacag labanlaab ah ku qaada, oo lacagtii joonyadihiinna afkooda lagu soo celiyeyna haddana gacantiinna ku qaada, waayo, mindhaa waa la soo qaldamay.

  • 31Oo waxaannu isagii ku nidhi, Annagu waxaannu nahay niman daacad ah; oo basaasyo ma aannu nihin.

  • 4Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.

  • 32Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.

  • 21Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday.

  • 14Markaasaa Yahuudah iyo walaalihiis waxay yimaadeen gurigii Yuusuf; oo isna weli halkaasuu joogay. Kolkaasay hortiisa dhulka isku tuureen.