Bilowgii 42:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Yuusuf wuxuu amray in joonyadahoodii hadhuudh looga buuxiyo, iyo in nin walba lacagtiisii loogu celiyo joonyaddiisii iyo in sahay jidka loo siiyo, oo sidii baana loo yeelay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 But 3:9 : 9 Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,
  • Bil 44:1-2 : 1 ¶ Markaasuu amray wakiilkii gurigiisa, oo ku yidhi, Nimanka joonyadahooda cunto uga buuxi, in alla intay qaadi karaan, nin walba lacagtiisana joonyaddiisa afkeeda ugu rid. 2 Kan ugu yar joonyaddiisa afkeedana waxaad ku riddaa koobkayga lacagta ah iyo lacagtiisii uu hadhuudhka ku doonayay. Markaasuu yeelay hadalkii Yuusuf kula hadlay.
  • Bil 45:21 : 21 Markaasaa wiilashii Israa'iil saas yeeleen, Yuusufna wuxuu iyagii siiyey gaadhifardood, sidii Fircoon amarkiisu ahaa, sahayna jidkuu u siiyey.
  • Ish 55:1 : 1 ¶ Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada, oo wax cuna, kaalaya oo khamri iyo caano lacagla'aan iyo iibla'aan ku qaata.
  • Mat 5:44 : 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,
  • Mat 6:33 : 33 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.
  • Room 12:17-21 : 17 Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa. 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan. 19 Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay. 20 Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah. 21 Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 44:1-4
    4 aayado
    87%

    1¶ Markaasuu amray wakiilkii gurigiisa, oo ku yidhi, Nimanka joonyadahooda cunto uga buuxi, in alla intay qaadi karaan, nin walba lacagtiisana joonyaddiisa afkeeda ugu rid.

    2Kan ugu yar joonyaddiisa afkeedana waxaad ku riddaa koobkayga lacagta ah iyo lacagtiisii uu hadhuudhka ku doonayay. Markaasuu yeelay hadalkii Yuusuf kula hadlay.

    3Oo markii waagii beryay ayaa nimankii la diray, iyagii iyo dameerradoodiiba.

    4Oo markay magaaladii dibadda uga baxeen, oo ayan weli fogaan, ayaa Yuusuf ku yidhi wakiilkiisii, Kac oo ka daba tag nimankii, oo markaad gaadhid, waxaad ku tidhaahdaa, Maxaad wanaag xumaan noogu abaalguddeen?

  • Bil 42:26-28
    3 aayado
    83%

    26Markaasay hadhuudhkoodii dameerradoodii ku rarteen, wayna ka tageen halkaas.

    27Meeshay ku hoydeen markii uu midkood joonyaddiisii ugu furay inuu dameerkiisii cunto siiyo ayuu arkay lacagtiisii oo ku jirta joonyaddiisii afkeeda.

    28Markaasuu walaalihiis ku yidhi, Lacagtaydii waa lay soo celiyey; oo waxay ku jirtaa joonyaddayda, markaasay qalbiga ka nexeen, oo ay isku jeesteen iyagoo gariiraya, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxakan Ilaah inagu sameeyey?

  • Bil 42:33-35
    3 aayado
    81%

    33Markaasaa ninkii sayidka u ahaa dalka wuxuu nagu yidhi, Inaad niman daacad ah tihiin tanaan idinku garan doonaaye; walaalihiin mid igaga taga, oo hadhuudh u qaada reerihiinna abaaraysan, oo iska taga,

    34oo ii keena walaalkiinnii idiinku wada yaraa, markaasaan garan doonaa inaydaan basaasyo ahayn, laakiinse inaad tihiin niman daacad ah. Markaasaan walaalkiin idin siin doonaa, dalkana waad ka baayacmushtari doontaan.

    35Oo waxay noqotay in markay joonyadahoodii hadhuudhkii ka shubeen, nin walba xidhmadiisii lacagta ahayd ay ugu jirtay joonyaddiisii, oo markii iyaga iyo aabbahood ay arkeen xidhmooyinkoodii lacagta ahaa ayay baqeen.

  • Bil 43:21-24
    4 aayado
    80%

    21oo markii aannu meel aannu ku hoyanno gaadhnay ayaannu furnay joonyadahayagii, oo bal eeg, nin walba lacagtiisii waxay ugu jirtay joonyaddiisa afkeeda, waxay ahayd lacagtayadii oo miisaankeedii dhan yahay; oo haddana gacantayadaannu ku soo celinnay.

    22Oo lacag kale oo aannu cunto ku iibsannona waan la soo dhaadhacnay. Annagu garan mayno kii lacagtayadii ku riday joonyadahayagii.

    23Isna wuxuu yidhi, Nabad ha idiin ahaato, ee ha cabsanina. Ilaahiinna ah Ilaaha aabbihiin ayaa maal idiinku riday joonyadihiinnii. Anigu waan helay lacagtiinnii. Markaasuu Simecoon dibadda ugu soo bixiyey iyagii.

    24Oo ninkii baa nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf, oo biyo siiyey, kolkaasay cagamaydheen. Dameerradoodiina cuntuu siiyey.

  • 15¶ Markaasaa nimankii waxay qaadeen hadiyaddii, lacag labanlaab ahna gacantooday ku qaadeen, Benyaamiinna way kaxeeyeen, wayna kaceen oo Masar tageen, oo waxay hor istaageen Yuusuf.

  • 24Markaasuu ka sii jeestay iyagii, wuuna ooyay; oo haddana intuu ku soo noqday ayuu la hadlay, oo wuxuu kala dhex baxay Simecoon, wuuna xidhay isagii iyagoo arkaya.

  • Bil 43:17-18
    2 aayado
    78%

    17Markaasaa ninkii yeelay wixii Yuusuf ku amray; oo ninkii wuxuu nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf.

    18Nimankiina waa cabcabsadeen, maxaa yeelay, waxaa la soo geliyey gurigii Yuusuf; oo waxay isku yidhaahdeen, Lacagtii markii hore lagu soo celiyey joonyadaheenna weeye waxa laynoo soo xeraystay; wuxuu doonayaa inuu wax inoo qabsado, oo uu ina dhaco, oo uu ina addoonsado, dameerradeennana qaato.

  • Bil 45:21-23
    3 aayado
    78%

    21Markaasaa wiilashii Israa'iil saas yeeleen, Yuusufna wuxuu iyagii siiyey gaadhifardood, sidii Fircoon amarkiisu ahaa, sahayna jidkuu u siiyey.

    22Dhammaantoodna wuxuu nin kasta siiyey dhar iskujoog ah; laakiinse Benyaamiin wuxuu siiyey saddex boqol oo xabbadood oo lacag ah, iyo shan iskujoog.

    23Oo aabbihiisna sidan buu wax ugu diray, toban dameer oo ay ku raran yihiin waxyaalihii wanwanaagsanaa ee Masar, iyo toban dameerood oo hadhuudh iyo cunto ku raran yihiin, iyo sahaydii aabbihiis jidka ku soo mari lahaa.

  • 12gacantiinnana lacag labanlaab ah ku qaada, oo lacagtii joonyadihiinna afkooda lagu soo celiyeyna haddana gacantiinna ku qaada, waayo, mindhaa waa la soo qaldamay.

  • 2Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

  • Bil 47:16-17
    2 aayado
    76%

    16Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa.

    17Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay.

  • 11Markaasay degdegeen, oo nin waluba joonyaddiisii buu dhulka dhigay, dabadeedna nin waluba joonyaddiisii buu furay.

  • 14Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon.

  • Bil 42:2-3
    2 aayado
    76%

    2Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin.

    3Markaasaa Yuusuf tobankiisii walaal waxay u tageen Masar inay hadhuudh ka soo iibsadaan.

  • 12Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.

  • 17Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca;

  • 19Haddaad niman daacad ah tihiin, walaalihiinna midkood ha ku xidhnaado guriga xabsigiinna; laakiinse idinku taga, oo hadhuudh u geeya reerihiinna abaaraysan.

  • Bil 42:5-6
    2 aayado
    74%

    5Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday.

    6Yuusufna wuxuu ahaa taliyihii dalka, isaguna wuxuu ahaa kii wax ka iibin jiray dadka dalka oo dhan. Markaasay Yuusuf walaalihiis u yimaadeen isagii, oo intay u wada sujuudeen ayay wejiga dhulka wada saareen.

  • 8Bal eeg, lacagtii aannu ka dhex helnay joonyadahayaga afafkooda ayaannu kaaga soo celinnay dalkii Kancaan; de haddaba sidee baannu guriga sayidkaaga uga xadi karnaa lacag ama dahab?