Bilowgii 47:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 12:17 : 17 Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.
  • Daan 6:5-7 : 5 Markaasay nimankaasu waxay isku yidhaahdeen, Sabab ku heli mayno Daanyeelkan, haddaynan ku helin xagga sharciga ku saabsan Ilaahiisa. 6 Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii la shireen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Boqor Daariyusow, weligaaba noolow. 7 Madaxweynayaashii boqortooyada oo dhan, iyo taliyayaashii, iyo amiirradii, iyo waaniyayaashii, iyo saraakiishii, waxay ku tashadeen inay dhisaan qaynuun boqornimo iyo amar leh, Ku alla kii intii soddon maalmood ah wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, Boqorow, waa in lagu rido bohosha libaaxyada.
  • 1 Kor 10:32 : 32 Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah,
  • Fil 4:8 : 8 ¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Wax kasta oo run ah, iyo wax kasta oo sharaf leh, iyo wax kasta oo xaq ah, iyo wax kasta oo daahir ah, iyo wax kasta oo door ah, iyo wax kasta oo wanaag laga sheego, haddii wanaag ku jiro iyo haddii ammaanu ku jirto, waxyaalahan ka fiirsada.
  • Kol 4:5 : 5 Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 47:12-15
    4 aayado
    85%

    12Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.

    13¶ Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen.

    14Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon.

    15Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.

  • Bil 47:17-20
    4 aayado
    84%

    17Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay.

    18Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane.

    19De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.

    20Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaa yeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon.

  • 25Markaasaa Yuusuf wuxuu amray in joonyadahoodii hadhuudh looga buuxiyo, iyo in nin walba lacagtiisii loogu celiyo joonyaddiisii iyo in sahay jidka loo siiyo, oo sidii baana loo yeelay.

  • Bil 45:17-18
    2 aayado
    75%

    17Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca;

    18oo waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka.

  • Bil 41:54-57
    4 aayado
    75%

    54Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay.

    55Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela.

    56Oo abaartuna waxay ka dhacday dhulka dushiisa oo dhan. Markaasaa Yuusuf wada furay maqsinnadii oo dhan, oo wuxuu hadhuudhkii ka iibiyey Masriyiintii, abaartuna aad bay ugu xumayd dalka Masar.

    57Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.

  • Bil 44:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Markaasuu amray wakiilkii gurigiisa, oo ku yidhi, Nimanka joonyadahooda cunto uga buuxi, in alla intay qaadi karaan, nin walba lacagtiisana joonyaddiisa afkeeda ugu rid.

    2Kan ugu yar joonyaddiisa afkeedana waxaad ku riddaa koobkayga lacagta ah iyo lacagtiisii uu hadhuudhka ku doonayay. Markaasuu yeelay hadalkii Yuusuf kula hadlay.

  • 2Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin.

  • 32Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.

  • 6Dalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Oo haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya.

  • 4Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.

  • 23Markaasaa Yuusuf wuxuu dadkii ku yidhi, Bal eega, maantaan Fircoon idiin iibiyey idinka iyo dhulkiinnaba; haddaba abuurkan qaata oo dhulka ku beera.

  • Bil 45:10-11
    2 aayado
    72%

    10oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba;

    11oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba.

  • 36Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in.

  • 9Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

  • 31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

  • 5Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday.

  • 24Oo ninkii baa nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf, oo biyo siiyey, kolkaasay cagamaydheen. Dameerradoodiina cuntuu siiyey.

  • Bil 45:20-21
    2 aayado
    71%

    20Oo alaabtiinnana ha ka fikirina, waayo, waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar oo dhan idinkaa iska leh.

    21Markaasaa wiilashii Israa'iil saas yeeleen, Yuusufna wuxuu iyagii siiyey gaadhifardood, sidii Fircoon amarkiisu ahaa, sahayna jidkuu u siiyey.

  • 1¶ Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen.

  • 2Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.