Bilowgii 43:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 44:23 : 23 Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan.
  • Bil 43:5 : 5 laakiinse haddaadan isaga dirin, annagu dhaadhici mayno; waayo, ninkii wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.
  • Bil 42:15-20 : 15 Haddaba tan baa laydinku tijaabin doonaa; nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaydaan halkan ka tegi doonin, in walaalkiinnii yaraa halkan yimaado mooyaane. 16 Mid idinka mid ah dira, oo ha keeno walaalkiin, idinkuna waad xidhnaan doontaan, in la tijaabiyo hadalkiinna, bal inay runi idinku jirto iyo in kale, haddii kalese hubaal nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaad basaasyo tihiin. 17 Markaasuu kulligood muddo saddex maalmood ah wada xabbisay. 18 Kolkaasaa maalintii saddexaad Yuusuf iyagii ku yidhi, Tan yeela, oo waad noolaan doontaan, waayo, anigu Ilaah baan ka cabsadaa. 19 Haddaad niman daacad ah tihiin, walaalihiinna midkood ha ku xidhnaado guriga xabsigiinna; laakiinse idinku taga, oo hadhuudh u geeya reerihiinna abaaraysan. 20 Walaalkiinna idiinku wada yar ii keena; sidaasuu hadalkiinnu ku rumoobi doonaa, mana aad dhiman doontaan. Iyana sidii bay yeeleen.
  • Bil 42:33-34 : 33 Markaasaa ninkii sayidka u ahaa dalka wuxuu nagu yidhi, Inaad niman daacad ah tihiin tanaan idinku garan doonaaye; walaalihiin mid igaga taga, oo hadhuudh u qaada reerihiinna abaaraysan, oo iska taga, 34 oo ii keena walaalkiinnii idiinku wada yaraa, markaasaan garan doonaa inaydaan basaasyo ahayn, laakiinse inaad tihiin niman daacad ah. Markaasaan walaalkiin idin siin doonaa, dalkana waad ka baayacmushtari doontaan.
  • 2 Sam 3:13 : 13 Markaasuu yidhi, Waa hagaag; heshiis baan kula dhiganayaa, laakiinse wax baan kaa doonayaa, taasuna waxaa weeyaan, markaad ii timaadid waa inaadan i hor iman adoo marka hore Miikaal oo ah ina Saa'uul i soo hor taaga mooyaane.
  • 2 Sam 14:24 : 24 Markaasaa boqorkii yidhi, Gurigiisii ha ku noqdo, laakiinse yuusan wejigayga arkin. Saas aawadeed Absaaloom wuxuu ku noqday gurigiisii, mana uu arkin boqorka wejigiisii.
  • 2 Sam 14:28 : 28 ¶ Oo Absaaloomna Yeruusaalem laba sannadood oo dhan ayuu degganaa, mana uu arag wejigii boqorka.
  • 2 Sam 14:32 : 32 Absaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.
  • Fal 7:34 : 34 Dadkayga Masar jooga rafaadkooda waan arkay, taahoodana waan maqlay, oo waxaan u imid inaan samatabbixiyo; haddaba kaalay, Masar baan kuu diri doonaaye.
  • Fal 20:25 : 25 ¶ Hadda, bal eega, waxaan ogahay in dhammaantiin oo aan ku dhex wareegi jiray oo aan boqortooyada ku wacdiyi jiray aydnaan mar dambe wejigayga arki doonin.
  • Fal 20:38 : 38 iyagoo sida badan ka caloolxun hadalkuu ku hadlay oo ahaa inayan mar dambe wejigiisa arki doonin. Markaasay sii ambabbixiyeen isagii ilaa doonnidii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 43:4-9
    6 aayado
    90%

    4Haddaad walaalkayo na raacisid, waannu dhaadhacaynaa oo cuntaannu kuu soo iibinaynaa,

    5laakiinse haddaadan isaga dirin, annagu dhaadhici mayno; waayo, ninkii wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.

    6Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin?

    7Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena?

    8Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi aabbihiis Israa'iil, Wiilka i raaci, oo markaas waannu kici oo waannu tegi doonnaa, inaynu noolaanno, oo aynaan dhiman, annaga, iyo adiga, iyo dhallaankayaguba.

    9Anigaa dammiin u noqon doona oo anaad i weyddiisan doontaa isaga. Haddii aan kuu keeni waayo isaga oo aan hortaada soo joojin waayo, aniga eeddu ha i saarnaato weligay,

  • Bil 44:21-27
    7 aayado
    87%

    21Oo adigu waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Bal ii keena isaga, aan indhahayga saaree.

    22Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, sayidkaygiiyow, Yarku aabbihiis kama tegi karo; waayo, hadduu ka tago aabbihiis, de markaas aabbihiis waa dhiman lahaa.

    23Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan.

    24Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow.

    25Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya.

    26Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin.

    27Markaasaa addoonkaagii aabbahay ahaa wuxuu nagu yidhi, Waad og tihiin in naagtaydu ii dhashay laba wiil;

  • Bil 42:33-34
    2 aayado
    78%

    33Markaasaa ninkii sayidka u ahaa dalka wuxuu nagu yidhi, Inaad niman daacad ah tihiin tanaan idinku garan doonaaye; walaalihiin mid igaga taga, oo hadhuudh u qaada reerihiinna abaaraysan, oo iska taga,

    34oo ii keena walaalkiinnii idiinku wada yaraa, markaasaan garan doonaa inaydaan basaasyo ahayn, laakiinse inaad tihiin niman daacad ah. Markaasaan walaalkiin idin siin doonaa, dalkana waad ka baayacmushtari doontaan.

  • 2Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

  • 15Haddaba tan baa laydinku tijaabin doonaa; nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaydaan halkan ka tegi doonin, in walaalkiinnii yaraa halkan yimaado mooyaane.

  • Bil 43:13-15
    3 aayado
    77%

    13Walaalkiinna kaxeeya, oo kaca, oo bal haddana ninkii u taga,

    14oo Ilaaha Qaadirka ahu naxariis ha idinka siiyo ninka hortiisa, inuu idiin sii daayo walaalkiinnii kale iyo Benyaamiin. Oo haddaan carruurtayda ka gablamo, anaa gablamay.

    15¶ Markaasaa nimankii waxay qaadeen hadiyaddii, lacag labanlaab ahna gacantooday ku qaadeen, Benyaamiinna way kaxeeyeen, wayna kaceen oo Masar tageen, oo waxay hor istaageen Yuusuf.

  • Bil 42:20-21
    2 aayado
    77%

    20Walaalkiinna idiinku wada yar ii keena; sidaasuu hadalkiinnu ku rumoobi doonaa, mana aad dhiman doontaan. Iyana sidii bay yeeleen.

    21Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday.

  • Bil 45:12-13
    2 aayado
    75%

    12Oo bal eega, indhihiinnu waa arkaan, iyo indhaha walaalkay Benyaamiinba, inuu afkaygii yahay kan idinla hadlaya.

    13Idinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena.

  • 32Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow.

  • Bil 44:18-19
    2 aayado
    74%

    18¶ Markaasaa Yahuudah u soo dhowaaday oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, anigoo addoonkaaga ah waxaan kaa baryayaa inaan hadal yar kugula hadlo, sayidkaygiiyow, oo ha ii cadhoon anigoo ah addoonkaaga; waayo, waxaad la mid tahay sida Fircoon oo kale.

    19Sayidkaygiiyow, annagoo ah addoommadaada, ayaad wax na weyddiisay oo nagu tidhi, Aabbe ama walaal ma leedihiin?

  • 28¶ Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen.

  • 34Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.

  • 26Markaasuu Yahuudah ku yidhi walaalihiis, Maxaa faa'iido inoogu jirta, haddaynu walaalkeen dilno oo aynu dhiiggiisa qarinno?