Bilowgii 44:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Est 8:6 : 6 Waayo, bal sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko belaayada dadkayga ku dhacaysa? Amase sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko baabbi'inta dadkayga?
  • Ayuub 31:29 : 29 Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,
  • Sab 116:3 : 3 Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.
  • Sab 119:143 : 143 Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
  • Yer 52:10-11 : 10 Oo boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii hortiisuu ku laayay, oo weliba amiirradii dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu ku wada laayay Riblaah. 11 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo boqorkii Baabuloon wuxuu ku xidhxidhay silsilado oo wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo xabsi buu ku riday ilaa maalintii dhimashadiisa.
  • Bax 18:8 : 8 Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.
  • 1 Sam 2:33-34 : 33 Oo haddii la helo nin kaa ah ee aanan meeshayda allabariga ka gooyn, kaasu indhahaaguu gubi doonaa oo qalbigaaguu murugayn doonaa, oo dadkii reerkaaga ka dhashaana dhallinyaronimada ayay ku dhiman doonaan dhammaantood. 34 Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamo, waana waxa ku dhici doona labadaada wiil ee ah Hofnii iyo Fiinexaas, oo labadooduba isku maalin bay dhiman doonaan.
  • 2 Taar 34:28 : 28 Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan ku soo dejin doono meeshan iyo dadka degganba. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 44:19-33
    15 aayado
    87%

    19Sayidkaygiiyow, annagoo ah addoommadaada, ayaad wax na weyddiisay oo nagu tidhi, Aabbe ama walaal ma leedihiin?

    20Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, Sayidkaygiiyow, waxaannu leennahay aabbe duq ah, iyo wiil yar oo uu dhalay markuu gaboobay, oo walaalkiisna waa dhintay, oo keligiis baa ka hadhay bahdoodii, aabbihiisna waa jecel yahay isaga.

    21Oo adigu waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Bal ii keena isaga, aan indhahayga saaree.

    22Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, sayidkaygiiyow, Yarku aabbihiis kama tegi karo; waayo, hadduu ka tago aabbihiis, de markaas aabbihiis waa dhiman lahaa.

    23Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan.

    24Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow.

    25Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya.

    26Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin.

    27Markaasaa addoonkaagii aabbahay ahaa wuxuu nagu yidhi, Waad og tihiin in naagtaydu ii dhashay laba wiil;

    28oo uu midkood iga baxay, oo waxaan idhi, Hubaal cadcad baa loo kala jeexjeexay, tan iyo waagaasna ma aanan arkin isagii.

    29Oo haddaad kanna iga kaxaysataan, oo belaayo ku dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

    30Haddaba sidaas daraaddeed markii aan u tago aabbahay oo addoonkaagii ah, haddii uusan wiilku nala jirin, de naftiisu waxay ku xidhan tahay nafta wiilka,

    31oo wuu dhiman doonaa markuu arko inuusan yarkii nala jirin; oo annagoo ah addoommadaada ayaannu aabbahayaga addoonkaaga ah cirradiisa caloolxumo qabriga la gelin doonnaa.

    32Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow.

    33Haddaba sidaas daraaddeed, waan ku baryayaaye, aniga oo ah addoonkaagii, aan wiilka meeshiisii kuu joogo oo aan addoon kuu noqdo, sayidkaygiiyow; wiilkuna walaalihiis ha iska raaco.

  • Bil 42:36-38
    3 aayado
    82%

    36Markaasaa aabbahood Yacquub wuxuu iyagii ku yidhi, Gablan baad iga dhigteen, bal eeg, Yuusuf ma joogo, oo Simecoon ma joogo, oo haddana waxaad kaxayn doontaan Benyaamiin; waxyaalahan oo dhammu waa iga gees.

    37Markaasaa Ruubeen aabbihiis la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Haddii aan isaga kuu keeni waayo, dil labadayda wiil. Aniga ii dhiib isaga, oo anna waan kuu soo celin doonaa.

    38Markaasuu yidhi, Wiilkaygu idinla dhaadhici maayo; waayo, walaalkiis waa dhintay, oo keligiis baa hadhay. Haddii jidka aad sii maraysaan belaayo kaga dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

  • Bil 43:8-9
    2 aayado
    79%

    8Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi aabbihiis Israa'iil, Wiilka i raaci, oo markaas waannu kici oo waannu tegi doonnaa, inaynu noolaanno, oo aynaan dhiman, annaga, iyo adiga, iyo dhallaankayaguba.

    9Anigaa dammiin u noqon doona oo anaad i weyddiisan doontaa isaga. Haddii aan kuu keeni waayo isaga oo aan hortaada soo joojin waayo, aniga eeddu ha i saarnaato weligay,

  • 17Markaasuu yidhi, Yaanay noqon inaan saas yeelo. Ninkii gacantiisa koobka laga helay ayaa addoon ii noqon doona; laakiinse idinku kaca oo nabdoonaan aabbihiin ugu taga.

  • 14oo Ilaaha Qaadirka ahu naxariis ha idinka siiyo ninka hortiisa, inuu idiin sii daayo walaalkiinnii kale iyo Benyaamiin. Oo haddaan carruurtayda ka gablamo, anaa gablamay.

  • 5Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa.

  • 30Markaasuu walaalihiis ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Yarkii ma joogo, haddaba anigu xaggee baan tagaa?

  • 12Mindhaa aabbahay waa i taaban doonaa, oo markaasaan ula ekaan doonaa khaa'in, oo habaar baan isu soo jiidi doonaa, ducose ma heli doono.

  • Bil 24:38-40
    3 aayado
    76%

    38Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.

    39Markaasaan sayidkaygii ku idhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu i soo raaci doonin.

    40Oo wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay,

  • 31Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

  • 5Addoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa?

  • 13Idinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena.

  • 5oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan arkay wejigii aabbihiin inuusan sidii hore ii ahayn, laakiinse Ilaaha aabbahay baa ila jiray.

  • 7Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno.

  • 5laakiinse haddaadan isaga dirin, annagu dhaadhici mayno; waayo, ninkii wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.

  • 35Kolkaasaa wiilashiisii oo dhan iyo gabdhihiisii oo dhammu u kaceen inay isaga qalbi qaboojiyaan, laakiinse wuu diiday inuu qalbi qaboobo, oo wuxuu yidhi, Anigoo barooranaya ayaan qabriga geli doonaa oo wiilkaygii u tegi doonaa. Aabbihiisna wuu u ooyay isagii.

  • 4Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.

  • 13Markaasuu ku yidhi isagii, Sayidkaygiiyow, waad og tahay in carruurtu ay tabar daranyihiin, adhiga iyo lo'dana waa la nuugaa; oo haddii maalin keliya aad loo sii kaxeeyo, de adhigu waa wada dhimanayaa.

  • 45oo uu ka illoobayo wixii aad ku samaysay: dabadeedna waan kuu soo cid diri doonaa, oo halkaasaan kaa soo kaxayn doonaa. Maxaan labadiinnaba isku maalin idiin waayayaa?

  • 9Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin;

  • 4Laakiinse Benyaamiin oo ahaa Yuusuf walaalkiis Yacquub ma uu raacinin walaalihiis; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo belaayo ku dhacdaa.