Bilowgii 50:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 16:14 : 14 Oo waa lagu aasay qabriyadiisii uu ka qotay magaaladii Daa'uud, oo waxaa lagu jiifiyey sariir ay ka buuxaan cadar udgoon iyo uunsi kala cayn cayn ah oo lagu hagaajiyey sancada kuwa cadarka sameeya, oo waxaa loo sameeyey dabshid aad u weyn.
  • Ish 22:16 : 16 Waadiga qabrigaagii halkan ka qotay, oo xabaashaadiina meel sare ka qotay, oo dhagaxana hoy ka samaystay, bal maxaad halkan ku samaynaysaa? Oo yaad halkan ku haysataa?
  • Mat 27:60 : 60 oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.
  • Bil 47:29-31 : 29 Wakhtigii Israa'iil dhiman lahaana waa soo dhowaaday, markaasuu wiilkiisii Yuusuf u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Haddaba haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, gacantaada bowdadayda hoos geli, oo si raxmad leh oo daacad ah igu la dhaqan. Haddaba waan ku baryayaaye, Masar ha igu aasin, 30 laakiinse meydkaygu ha la jiifo awowayaashay; waa inaad Masar iga qaaddaa oo aad igu aastaa meeshii lagu aasay awowayaashay. Markaasuu isna yidhi, Waan yeeli doonaa sidaad igu tidhi. 31 Markaasuu ku yidhi, Ii dhaaro, isna wuu u dhaartay. Markaasaa Israa'iil sariirta madaxeedii ku foororsaday.
  • Bil 48:21 : 21 Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa.
  • Bil 49:29-30 : 29 ¶ Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed, 30 kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah.
  • Bil 50:24 : 24 Oo Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa, oo dalkan idinka kaxayn doonaa, oo wuxuu idin geeyn doonaa dalkii uu ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.
  • Sharc 4:22 : 22 laakiinse anigu waa inaan dalkan ku dhintaa, oo waa inaanan Webi Urdun ka gudbayn, laakiinse idinku waad gudbi doontaan, waanad hantiyi doontaan dalkaas wanaagsan.
  • 1 Sam 14:43 : 43 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Bal ii sheeg waxaad samaysay. Oo Yoonaataan wuu u sheegay oo ku yidhi, Xaqiiqa in yar oo malab ah ayaan ku dhadhamiyey ushii gacanta iigu jirtay caaraddeedii; haddaba waa inaan dhintaa.
  • Ayuub 30:23 : 23 Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
  • Sab 79:3 : 3 Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin.
  • Wacd 6:3 : 3 Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.
  • Wacd 12:5 : 5 Waxa sarreeya ayay ka baqi doonaan, oo jidadka dhexdoodana waxyaalo cabsi ah ayaa jiri doona, oo geedka yicibtu waa ubxin doonaa, oo koronkorraduna way isculaysin doonaan, oo damacuna wuu baabbi'i doonaa, maxaa yeelay, binu-aadmigu wuxuu tagaa hoygiisa daa'imka ah, oo kuwa baroortaana jidadkay warwareegaan.
  • Wacd 12:7 : 7 iyo intaan ciiddu dhulka ku noqon siday horeba ahayd, oo ruuxuna ku noqon Ilaahii horeba siiyey.
  • Luuk 9:59-60 : 59 Mid kalena ayuu ku yidhi, I soo raac. Laakiin isagu wuxuu ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso. 60 Laakiin wuxuu ku yidhi, Iska daa, meydadku ha aaseen meydadkooda, laakiin adigu bax oo boqortooyadii Ilaah ku naadi.
  • Mat 8:21-22 : 21 Mid kale oo xertiisa ah ayaa ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso. 22 Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda.
  • Bil 3:19 : 19 Wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 50:6-8
    3 aayado
    91%

    6Markaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey.

    7Markaasaa Yuusuf tegey inuu aabbihiis soo aaso; oo waxaana isagii raacay addoommadii Fircoon oo dhan, iyo odayaashii reerkiisa, iyo odayaashii dalka Masar oo dhan,

    8iyo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii.

  • Bil 50:12-17
    6 aayado
    84%

    12Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga,

    13maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.

    14¶ Yuusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan.

    15¶ Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan.

    16Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi,

    17Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.

  • Bil 47:29-31
    3 aayado
    84%

    29Wakhtigii Israa'iil dhiman lahaana waa soo dhowaaday, markaasuu wiilkiisii Yuusuf u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Haddaba haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, gacantaada bowdadayda hoos geli, oo si raxmad leh oo daacad ah igu la dhaqan. Haddaba waan ku baryayaaye, Masar ha igu aasin,

    30laakiinse meydkaygu ha la jiifo awowayaashay; waa inaad Masar iga qaaddaa oo aad igu aastaa meeshii lagu aasay awowayaashay. Markaasuu isna yidhi, Waan yeeli doonaa sidaad igu tidhi.

    31Markaasuu ku yidhi, Ii dhaaro, isna wuu u dhaartay. Markaasaa Israa'iil sariirta madaxeedii ku foororsaday.

  • Bil 50:24-26
    3 aayado
    82%

    24Oo Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa, oo dalkan idinka kaxayn doonaa, oo wuxuu idin geeyn doonaa dalkii uu ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.

    25Yuusuf wuxuu dhaariyey reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaaye, idinkuna waa inaad lafahayga halkan ka qaaddaan.

    26Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.

  • Bil 46:30-31
    2 aayado
    81%

    30Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay.

    31Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

  • Bil 45:9-10
    2 aayado
    79%

    9Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin;

    10oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba;

  • 4¶ Oo markii maalmihii loo ooyayay isaga ay dhammaadeen ayaa Yuusuf la hadlay reerkii Fircoon oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye haddaad haatan raalli iga tihiin, Fircoon iila hadla oo waxaad ku tidhaahdaan,

  • 21Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa.

  • 29¶ Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed,

  • Bil 50:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Markaasaa Yuusuf ku dhacay wejigii aabbihiis, wuuna ooyay oo dhunkaday.

    2Kolkaasaa Yuusuf wuxuu addoommadiisii dhakhtarrada ahaa ku amray inay aabbihiis meydkiisa dawo mariyaan, markaasay dhakhtarradii Israa'iil dawo mariyeen.

  • 34Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.

  • 4Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.

  • 19Markaasaa Muuse wuxuu qaaday lafihii Yuusuf; waayo, Yuusuf aad buu ugu dhaartay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa; ee lafahayga waa inaad halkan ka qaaddaan.

  • 5Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.

  • Bil 45:17-18
    2 aayado
    76%

    17Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca;

    18oo waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka.

  • 13Idinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena.

  • 25Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub.

  • 32Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow.

  • 22Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, sayidkaygiiyow, Yarku aabbihiis kama tegi karo; waayo, hadduu ka tago aabbihiis, de markaas aabbihiis waa dhiman lahaa.

  • 38Markaasuu yidhi, Wiilkaygu idinla dhaadhici maayo; waayo, walaalkiis waa dhintay, oo keligiis baa hadhay. Haddii jidka aad sii maraysaan belaayo kaga dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

  • 35Kolkaasaa wiilashiisii oo dhan iyo gabdhihiisii oo dhammu u kaceen inay isaga qalbi qaboojiyaan, laakiinse wuu diiday inuu qalbi qaboobo, oo wuxuu yidhi, Anigoo barooranaya ayaan qabriga geli doonaa oo wiilkaygii u tegi doonaa. Aabbihiisna wuu u ooyay isagii.

  • 28Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Igu filan mar haddii wiilkaygii Yuusuf weli nool yahay; haddaba waan tegi doonaa, oo waan arki doonaa isaga intaanan dhiman.