Bilowgii 49:29
¶ Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed,
¶ Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed,
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
30kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah.
31Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas
32oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed.
33Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.
29Wakhtigii Israa'iil dhiman lahaana waa soo dhowaaday, markaasuu wiilkiisii Yuusuf u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Haddaba haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, gacantaada bowdadayda hoos geli, oo si raxmad leh oo daacad ah igu la dhaqan. Haddaba waan ku baryayaaye, Masar ha igu aasin,
30laakiinse meydkaygu ha la jiifo awowayaashay; waa inaad Masar iga qaaddaa oo aad igu aastaa meeshii lagu aasay awowayaashay. Markaasuu isna yidhi, Waan yeeli doonaa sidaad igu tidhi.
31Markaasuu ku yidhi, Ii dhaaro, isna wuu u dhaartay. Markaasaa Israa'iil sariirta madaxeedii ku foororsaday.
12Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga,
13maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.
14¶ Yuusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan.
8Wuuna la hadlay oo ku yidhi, Haddaad oggoshihiin inaan meydka naagtayda hortayda ka aaso, i maqla oo ii barya Cefroon ina Sohar,
9inuu i siiyo godka la yidhaahdo Makfelah oo uu haysto, oo ku yaal berrinkiisa geestiisa. Qiimo dhan ha iga siiyo, inay dhexdiinna ii noqoto meel xabaaleed oo hanti ah.
10Haddaba Cefroon wuxuu fadhiyey reer Xeed dhexdooda; oo Cefroon oo ahaa reer Xeed ayaa Ibraahim u jawaabay, iyadoo ay maqlayaan reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhammu, oo wuxuu ku yidhi,
11Maya, sayidkaygiiyow, i maqal, berrinka waan ku siinayaa, godka ku dhex yaalna waan ku siinayaa; waxaan kugu siinayaa ragga reerkayga hortooda, ee meydka ku aaso.
9Markaasay wiilashiisii Isxaaq iyo Ismaaciil ku aaseen godkii Makfelah, oo ku dhex yiil berrinkii Cefroon ina Sohar oo ahaa reer Xeed oo ku hor yiil Mamre;
10berrinkaas oo ahaa kii Ibraahim ka iibsaday reer Xeed. Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo naagtiisii Saarahba.
5Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa.
6Markaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey.
7Markaasaa Yuusuf tegey inuu aabbihiis soo aaso; oo waxaana isagii raacay addoommadii Fircoon oo dhan, iyo odayaashii reerkiisa, iyo odayaashii dalka Masar oo dhan,
3Markaasaa Ibraahim meydkii naagtiisa ka kacay, oo wuxuu la hadlay reer Xeed, isagoo ku leh,
4Waxaan ahay shisheeye sodcaal ah oo idin dhex jooga: ee dhexdiinna iga siiya meel xabaaleed oo hanti ah, si aan meydka naagtayda hortayda uga aaso.
5Oo reer Xeedna Ibraahim bay u jawaabeen, iyagoo ku leh,
6Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas.
13Markaasuu Cefroon la hadlay iyadoo ay dadkii waddanku maqlayaan, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, haddaad oggoshahay i maqal; waan ku siin qiimihii berrinka ee iga qaado, anna meydkaan meeshaas ku aasan.
14Cefroonna Ibraahim buu u jawaabay, isagoo ku leh,
15Sayidkaygiiyow, bal i maqal: meel dhul ah oo qiimihiisu yahay afar boqol oo sheqel oo lacag ah, waa maxay dhexdeenna? Haddaba meydka aaso.
19Markaas ka dib ayaa Ibraahim naagtiisii Saarah ku aasay godkii berrinkii Makfelah oo ku hor yiil Mamre, taas oo ah Xebroon oo dalka Kancaan ku tiil.
20Oo berrinkii iyo godkii ku dhex yiilba reer Xeed ayaa Ibraahim u xaqiijiyey inay meel xabaaleed oo hanti ah u noqdaan.
28¶ Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.
29Isxaaqna wuu naf baxay, wuuna dhintay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii, isagoo duq ah oo cimri weyn; markaasay wiilashiisii Ceesaw iyo Yacquub isagii aaseen.
15Laakiinse adigu nabad baad ugu tegi doontaa awowayaashaa, oo waxaa lagu xabaali doonaa adigoo cimri dheer gaadhay.
31Oo markuu aasay dabadeed ayuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, Markaan dhinto igu xabaala xabaashii ninkii Ilaah lagu xabaalay, oo lafahayga lafihiisa ag dhiga.
21Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa.
7Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam.