Bilowgii 37:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu Yahuudah ku yidhi walaalihiis, Maxaa faa'iido inoogu jirta, haddaynu walaalkeen dilno oo aynu dhiiggiisa qarinno?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 37:20 : 20 Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.
  • Bil 4:10 : 10 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye.
  • Bil 25:32 : 32 Markaasaa Ceesaw yidhi, Bal eeg, geeri baan ku dhowahay; haddaba curadnimadu maxay ii taraysaa?
  • Sharc 17:8 : 8 ¶ Oo haddii dhexdiinna ka kaco xaal garsoorid ah oo idinku adag oo ku saabsan dhiig, ama gar, ama dhaawac, oo xaalalkaas irdihiinna gudahooda lagaga murmo, kolkaas waa inaad kacdaan oo tagtaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo.
  • 2 Sam 1:16 : 16 Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagaa kugu marag furay, oo waxaad tidhi, Rabbiga kiisa subkan ayaan dilay.
  • Ayuub 16:18 : 18 Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin, Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
  • Sab 30:9 : 9 Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta? Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
  • Yer 41:8 : 8 Laakiinse waxaa dhexdoodii laga helay toban nin oo Ismaaciil ku tidhi, Ha na dilin, waayo, annagu waxaannu leennahay kayd sarreen iyo shaciir iyo saliid iyo malab ah oo duurka ku dhex qarsoon, sidaas daraaddeed iyagii wuu iska dhaafay oo walaalahood lama uu layn.
  • Yex 24:7 : 7 Waayo, dhiiggeedii dhexdeeduu yaal. Waxay kor saartay dhagax diiran, oo dhulkana kuma ay daadin si ay ciid ugu daboosho aawadeed.
  • Mat 16:26 : 26 Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? Ama nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda?
  • Room 6:21 : 21 Haddaba wakhtigaas maxaad midho ku haysateen waxyaalaha aad haatan ka xishoonaysaan? Waayo, waxyaalahaas ugu dambaystoodu waa dhimashada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 27Kaalaya, aynu reer Ismaaciil ka iibinnee, oo yeynan isaga far saarin, maxaa yeelay, isagu waa walaalkeen, waana jidhkeenna. Walaalihiisna way maqleen isagii.

  • Bil 42:21-22
    2 aayado
    75%

    21Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday.

    22Markaasaa Ruubeen u jawaabay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Miyaanan idinla hadlin oo idinku odhan, Wiilka ha ku dembaabina, oo sow ima aydin maqli waayin? Haddaba bal eega, dhiiggiisii baa laydin weyddiistaye.

  • Bil 37:20-22
    3 aayado
    74%

    20Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.

    21Oo Ruubeen baa taas maqlay, isagiina wuu ka samatabbixiyey gacantoodii; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Yeynan naftiisa ka qaadin.

    22Kolkaasaa Ruubeen ku yidhi iyagii, Dhiig ha daadinina, ee isaga ku tuura ceelkan cidlada ku yaal, laakiinse far ha saarina. Oo wuxuu taas u yeelay inuu isaga ka samatabbixiyo gacantooda oo uu u celiyo aabbihiis.

  • Bil 43:6-8
    3 aayado
    74%

    6Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin?

    7Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena?

    8Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi aabbihiis Israa'iil, Wiilka i raaci, oo markaas waannu kici oo waannu tegi doonnaa, inaynu noolaanno, oo aynaan dhiman, annaga, iyo adiga, iyo dhallaankayaguba.

  • Bil 43:3-4
    2 aayado
    74%

    3Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.

    4Haddaad walaalkayo na raacisid, waannu dhaadhacaynaa oo cuntaannu kuu soo iibinaynaa,

  • 16Markaasaa Yahuudah ku yidhi, Maxaannu kuugu jawaabnaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaannu ku hadalnaa? Ama sidee baannu ku eed baxnaa? Ilaah waa soo saaray dembigayagii annagoo ah addoommadaada; bal eeg, sayidkaygiiyow, waxaannu nahay addoommadaada, annaga iyo kii gacantiisa koobka laga helayba.

  • 25Kolkaasay u fadhiisteen inay wax cunaan; dabadeedna indhahay kor u taageen oo wax bay fiiriyeen, oo waxay arkeen safar reer Ismaaciil ah oo ka soo socda xagga Gilecaad, oo awrtooda ay ugu raran yihiin xawaash, iyo beeyo, iyo malmal, waxayna u socdeen xagga Masar.

  • 7Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno.

  • 31Kolkaasay shuluggii Yuusuf qaadeen oo intay orgi gowraceen ayay shuluggii dhiiggii geliyeen.