Ishacyaah 60:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 60:5 : 5 Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.
  • Muj 21:25-26 : 25 Oo irdaheedana sinaba looma xidhi doono maalinta (waayo, halkaas habeen ma jiri doono); 26 oo waxay iyada soo gelin doonaan ammaanta iyo cisada quruumaha;
  • Ish 60:18 : 18 Dalkaaga mar dambe dulmi lagama maqli doono, oo baabbi'id iyo halligaadna soohdimahaaga dhexdooda laguma arki doono, laakiinse derbiyadaada waxaad ugu yeedhi doontaa Badbaado, irdahaagana Ammaan.
  • Ish 62:10 : 10 ¶ Dhex mara, irdaha dhex mara, oo dadka jidkiisa hagaajiya. Jidka weyn dhisa, dhisa. Dhagaxyada ka wareejiya, oo dadyowga calan u taaga.
  • Nex 13:19 : 19 Oo sabtida ka hor markii irdihii Yeruusaalem soo madoobaanayeen, ayaan amray in albaabbada la xidho, oo waxaan kaloo amray inaan la furin jeeray sabtidu dhammaato; oo qaar midiidinnadaydii ah ayaan irdihii waardiye uga dhigay inaan maalinta sabtida waxba rar la soo gelin.
  • Sab 149:8 : 8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 60:9-10
    2 aayado
    82%

    9Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay.

    10Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.

  • 12Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa.

  • Ish 60:3-5
    3 aayado
    78%

    3Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada.

    4Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa.

    5Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.

  • Muj 21:24-26
    3 aayado
    77%

    24Oo quruumuhuna waxay ku dhex socon doonaan iftiinkeeda, oo boqorrada dhulkuna ammaantooda iyaday soo gelin doonaan.

    25Oo irdaheedana sinaba looma xidhi doono maalinta (waayo, halkaas habeen ma jiri doono);

    26oo waxay iyada soo gelin doonaan ammaanta iyo cisada quruumaha;

  • Ish 60:17-20
    4 aayado
    76%

    17Meeshii naxaasta dahab baan ka keeni doonaa, meeshii birtana lacag baan ka keeni doonaa, meeshii qorigana naxaas baan ka keeni doonaa, oo meeshii dhagaxantana bir baan ka keeni doonaa, oo saraakiishaadana waxaan ka dhigi doonaa kuwa nabdeed, oo kuwa kuu taliyana waxaan ka dhigi doonaa kuwa xaqa ah.

    18Dalkaaga mar dambe dulmi lagama maqli doono, oo baabbi'id iyo halligaadna soohdimahaaga dhexdooda laguma arki doono, laakiinse derbiyadaada waxaad ugu yeedhi doontaa Badbaado, irdahaagana Ammaan.

    19Mar dambe qorraxdu kuuma ahaan doonto iftiinkaaga maalinnimo, oo dayaxuna nuur dhalaalaya kuma siin doono, laakiinse Rabbiga ayaa iftiin weligiis ah kuu ahaan doona, oo Ilaahaaguna qurux buu kuu ahaan doonaa.

    20Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.

  • Ish 60:14-15
    2 aayado
    75%

    14Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

    15In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.

  • 2Irdaha fura, quruunta xaqa ah oo runta xajisa ha soo gashee.

  • Ish 62:6-7
    2 aayado
    74%

    6¶ Yeruusaalemay, derbiyadaada waxaan dul saaray waardiyayaal, oo iyana habeen iyo maalin toona ma ay aamusi doonaan. Kuwiinna Rabbiga xusuustow, ha aamusina,

    7oo isaga ha nasinina jeeruu Yeruusaalem dhiso oo ammaan dhulka kaga dhigo,

  • 13Bal eeg, dadkaaga ku dhex jooga waa dumar, oo irdaha dalkaaguna waa u bannaan yihiin cadaawayaashaada, oo qataaradaadiina dab baa baabbi'iyey.

  • 25markaas boqorro iyo amiirro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha magaaladan soo geli doona iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo amiirradooda, iyo dadka dalka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem degganba, oo magaaladanna weligeedba waa la sii degganaan doonaa.

  • 2Oo quruumuhu xaqnimadaaday arki doonaan, oo boqorrada oo dhammuna sharaftaaday arki doonaan, oo waxaa laguu bixin doonaa magac cusub oo Rabbiga afkiisu kugu magacaabi doono.

  • 2Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Albaabkanu waa xidhnaanayaa, oo lama furi doono, oo ciduna kama soo geli doonto, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa ka galay, oo sidaas daraaddeed buu u xidhnaanayaa.

  • 29Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu ku leeyahay kan uu subkaday oo ah Kuuros, oo uu gacantiisa midig hayay inuu hortiisa quruumo ku hoosaysiiyo, oo uu boqorro dhexdooda guntiga ka furo, inuu hortiisa albaabbada ka furo, albaabbadaasna aanay mar dambe xidhmin:

  • 6Irdihii webiyaashu way furmeen, oo gurigii boqorkuna waa baabba'ay.

  • 12Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.

  • Ish 61:4-6
    3 aayado
    71%

    4Iyagu waxay dhisi doonaan burburkii hore, oo waxay kor u taagi doonaan wixii waa hore dumay, oo waxay cusboonayn doonaan magaalooyinkii burburay iyo wixii qarniyo badan baabba' ahaan jiray.

    5Oo shisheeyayaalna halkaasay joogi doonaan adhigiinnay daajin doonaan, oo kuwa qariibka ahuna waxay idiin noqon doonaan beerfalayaal iyo kuwa beercanabka ka shaqeeya.

    6Laakiinse idinka waxaa laydinku magacaabi doonaa wadaaddadii Rabbiga, oo dadku waxay idiinku yeedhi doonaan midiidinnadii Ilaahayaga. Waxaad cuni doontaan maalka quruumaha, oo sharaftooda ayaad ku faani doontaan.

  • 11Waxaa iman doona wakhti derbiyadiinna la dhisi doono, oo wakhtigaas ayaa soohdintiinna la ballaadhin doonaa.

  • 10¶ Dhex mara, irdaha dhex mara, oo dadka jidkiisa hagaajiya. Jidka weyn dhisa, dhisa. Dhagaxyada ka wareejiya, oo dadyowga calan u taaga.

  • Yex 46:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Barxadda gudaha iriddeeda xagga bari u sii jeeddaa waa inay lixda maalmood ee la shaqeeyo xidhnaataa, laakiinse maalinta sabtida waa inay furnaataa, oo maalinta bishu dhalatona waa inay furnaataa.

    2Oo amiirku waa inuu ka soo galaa jidka balbalada oo iridda dibadda, oo waa inuu iridda tiirkeeda ag istaagaa, oo wadaaddadu waa inay qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiinada diyaariyaan, oo waa inuu iridda marinkeeda ku sujuudaa, oo markaas waa inuu dibadda u baxaa, laakiinse iridda tan iyo fiidkii waa inaan la xidhin.

  • 11Oo hadday jawaab nabdeed idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan.

  • 12Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.

  • Yex 38:11-12
    2 aayado
    70%

    11oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo,

    12inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.

  • 7sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.

  • Yer 17:19-20
    2 aayado
    70%

    19¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.

    20Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.

  • Ish 25:2-3
    2 aayado
    70%

    2Waayo, waxaad magaalo ka dhigtay meel tuulan, oo magaalo deyr lehna burbur, oo daartii weynayd ee shisheeyahana waxaad ka dhigtay wax aan magaalo ahayn, oo mar dambena lama dhisi doono.

    3Sidaas daraaddeed dadka xoogga badanu way ku ammaani doonaan, oo magaalada quruumaha laga cabsadona way ka cabsan doontaa.

  • 12Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.

  • 9Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

  • 10Oo fardihiisa badan aawadood ayaa boodhkoodu ku qarin doonaa, oo derbiyadaaduna waxay la gariiri doonaan ragga fardooleyda buuqooda, iyo giraangiraha iyo gaadhifardoodyada gurdankooda, markuu irdahaaga u soo galo sida rag u soo galo magaalo dhinac laga faruuray oo kale.

  • 19Oo sabtida ka hor markii irdihii Yeruusaalem soo madoobaanayeen, ayaan amray in albaabbada la xidho, oo waxaan kaloo amray inaan la furin jeeray sabtidu dhammaato; oo qaar midiidinnadaydii ah ayaan irdihii waardiye uga dhigay inaan maalinta sabtida waxba rar la soo gelin.

  • 7Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

  • 26Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.

  • 7Oo waxay noqotay in dooxooyinkaagii ugu wacanaa gaadhifardoodyo ka buuxsameen, ragga fardooleyda ahuna waxay isku diyaariyeen iridda horteeda.

  • 22Oo furihii guriga Daa'uudna garbihiisaan saari doonaa, oo wuu furi doonaa, oo ninna ma xidhi doono, wuu xidhi doonaa, oo ninna ma furi doono.