19¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.
20Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.
21Rabbigu wuxuu leeyahay, Isdhawra, oo maalinta sabtida innaba rar ha qaadina, oo irdaha Yeruusaalemna ha soo gelinina,
22oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.