Yeremyaah 17:24
Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,
Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
19¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.
20Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.
21Rabbigu wuxuu leeyahay, Isdhawra, oo maalinta sabtida innaba rar ha qaadina, oo irdaha Yeruusaalemna ha soo gelinina,
22oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.
23Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan.
27Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.
15¶ Oo waagaas waxaan dalka Yahuudah ku arkay kuwo maalinta Sabtida macsarada canabka ku tumanaya, oo xidhmooyin soo ururinaya, oo dameerro raraya, iyo weliba khamri iyo canab, iyo berde iyo rar cayn kasta ah oo Yeruusaalem la soo gelinaya maalinta sabtida; oo anna iyagii waan uga digay maalintii ay cuntada iibiyeen.
16Oo halkaas waxaa kaloo degganaa dad reer Turos ah oo keeni jiray kalluun iyo alaab cayn kasta ah, oo maalinta ayay ka iibin jireen dadka dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem gudaheeda.
17Markaasaan la diriray kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah oo waxaan ku idhi, War waa maxay waxan sharka ah oo aad samaysaan oo aad ku nijaasaysaan maalinta sabtida ah?
18War sow awowayaashiin saasoo kale ma yeelin, sow Ilaah belaayadan oo dhan taas aawadeed inooguma soo dejin innaga iyo magaaladaba? Oo weliba markaad sabtida nijaasaysaan waxaad reer binu Israa'iil ku soo dejisaan cadho kale oo badan.
19Oo sabtida ka hor markii irdihii Yeruusaalem soo madoobaanayeen, ayaan amray in albaabbada la xidho, oo waxaan kaloo amray inaan la furin jeeray sabtidu dhammaato; oo qaar midiidinnadaydii ah ayaan irdihii waardiye uga dhigay inaan maalinta sabtida waxba rar la soo gelin.
13Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,
3¶ Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.
25markaas boqorro iyo amiirro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha magaaladan soo geli doona iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo amiirradooda, iyo dadka dalka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem degganba, oo magaaladanna weligeedba waa la sii degganaan doonaa.
2Waxaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn.
10laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;
6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.
21Markaasaan iyagii u digay oo ku idhi, War maxaad derbiga hareerihiisa ugu hoyataan? Haddaad mar dambe saas yeeshaan gacan baan idin saarayaa. Oo ayaantaas ka dib mar dambe ma ay iman maalin sabti ah.
4Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,
4Waayo, sida xaqiiqada ah idinku haddaad waxyaalahan samaysaan, markaas boqorro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha gurigan soo geli doona, iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo addoommadooda iyo dadkooduba.
31iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno.
12¶ Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray.
3Oo maalmaha sabtida iyo maalmaha biluhu dhashaanba dadka dalka degganu waa inay albaabka iriddaas Rabbiga hortiisa ku sujuudaan.
17War miyaadan arkayn waxay ku dhex sameeyaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba?
4Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga,
2Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.
1¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Barxadda gudaha iriddeeda xagga bari u sii jeeddaa waa inay lixda maalmood ee la shaqeeyo xidhnaataa, laakiinse maalinta sabtida waa inay furnaataa, oo maalinta bishu dhalatona waa inay furnaataa.
14Haddaba waa inaad dhawrtaan sabtida, waayo, waa idiin quduus, oo mid kasta oo ka dhiga wax aan quduus ahayn hubaal waa in la dilaa, waayo, ku alla kii maalintaas shaqeeya, de qofkaas waa in laga gooyaa dadkiisa.
15Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho ah oo Rabbiga quduus u ah; oo ku alla kii maalinta sabtidaa shuqul qabta hubaal waa in la dilaa.
16Sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay sabtida dhawraan, iyagoo ka ab ka ab sabtida u dhawra axdi weligiis ah aawadiis.
30Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
14laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.
7Oo labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan.
2Guriga Rabbiga iriddiisa istaag, oo waxaad halkaas ka naadisaa eraygan, oo waxaad tidhaahdaa, Kuwiinna dadka Yahuudah oo irdahan u gala inaad Rabbiga caabuddaanow, kulligiin bal erayga Rabbiga maqla.
3Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.
15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
21Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan.
31Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
2oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla.
13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?
8¶ Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.
25Oo maalinta toddobaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.
2Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Albaabkanu waa xidhnaanayaa, oo lama furi doono, oo ciduna kama soo geli doonto, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa ka galay, oo sidaas daraaddeed buu u xidhnaanayaa.
2Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddii aydaan dhegaysan, oo aydaan qalbigiinna gelin si aad magacayga u ammaantaan aawadeed, markaas waxaan idinku soo dejin doonaa inkaartii, oo barakooyinkiinnana waan inkaari doonaa, oo mar horaan inkaaray, maxaa yeelay, qalbigiinna ma aad gelisaan.
35¶ Oo maalinta siddeedaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,
24Oo markay dacwo timaadona waa inay garsoorid u istaagaan, oo waa inay si xukummadayda waafaqsan wax u xukumaan, oo iidahayga oo dhanna waa inay sharciyadayda iyo qaynuunnadaydaba ku dhawraan, oo sabtiyadaydana waa inay quduus ka dhigaan.
2Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad istaagtaa guriga Rabbiga barxaddiisa, oo dadka magaalooyinka dalka Yahuudah oo u yimid inay Rabbiga gurigiisa ku caabudaan oo dhan la hadal, oo erayada aan kugu amro inaad kula hadashid erayna ha ka reebin.
11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.
17Iyaga ha maqlina. Boqorka Baabuloon u adeega, oo saas ku noolaada, waayo, bal maxay magaaladani cidla u noqonaysaa?
7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.