Yeremyaah 26:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 9:6 : 6 Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
  • Ish 1:20 : 20 haddiise aad diiddaan oo aad caasiyowdaan, waxaa idin wada baabbi'in doonta seef, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
  • Yer 44:10 : 10 Iyagu ilaa maantadan isma ay hoosaysiin, oo kama ay cabsan, kumana ay socon sharcigaygii iyo qaynuunnadaydii aan iyaga iyo awowayaashoodba hor dhigay.
  • Cib 6:18 : 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal,
  • Ish 42:23-25 : 23 Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona? 24 Bal yaa reer Yacquub ka dhigay in la boobo, yaase reer binu Israa'iil tuugagga u gacangeliyey? Sow ma aha Rabbiga, kan aynu ku dembaabnay oo ay diideen inay jidadkiisa ku socdaan, oo ay sharcigiisana addeeci waayeen? 25 Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.
  • 2 Taar 7:19-20 : 19 Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan, 20 de markaasaan xididdadooda ka rujin doonaa dalkayga aan iyaga siiyey, oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo waxaan isaga dadyowga oo dhan kaga dhex dhigi doonaa maahmaah iyo halqabsi.
  • Nex 9:26-30 : 26 Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen. 27 Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay. 28 Laakiin markay nasteen ayay wax shar ah hortaada ku sameeyeen, oo sidaas daraaddeed waxaad u daysay gacantii cadaawayaashooda, oo iyana way addoonsadeen iyagii; illowse markay kuu soo noqdeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo marar badan ayaad naxariistaada aawadeed ku samatabbixisay; 29 oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan. 30 Oo weliba sannado badan baad u dulqaadatay, oo Ruuxaaga ayaad ugu markhaati furtay adigoo nebiyadaadii ka dhex hadlaya; laakiinse dheg uma ayan dhigin, oo sidaas daraaddeed waxaad gelisay gacantii dadyowgii dalka degganaa.
  • Laaw 26:14-46 : 14 ¶ Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin, 15 iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan, 16 markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna. 17 Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn. 18 Oo weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa. 19 Waanan jebin doonaa kibirka xooggiinna, oo samadiinnana waxaan ka dhigi doonaa sida bir oo kale, dhulkiinnana sida naxaas oo kale. 20 Oo xooggiinnuna waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono, oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan. 21 Oo haddaad i sii caasisaan oo aydaan i dhegaysan, toddoba jeer oo kale ayaan belaayo idiinku soo dejin doonaa siday dembiyadiinnu yihiin. 22 Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan. 23 Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan, 24 markaas aniguna gees baan idinka ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood idiin layn doonaa. 25 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan. 26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan. 27 ¶ Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan, 28 markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa. 29 Oo waxaad cuni doontaan hilibka wiilaashiinna, oo waxaad cuni doontaan hilibka gabdhihiinna. 30 Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa. 31 Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono. 32 Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan. 33 Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan. 34 Oo markaasaa dalku sabtiyadiisa ku raaxaysan doonaa intuu cidla yahay oo idinku aad joogtaan dalka cadaawayaashiinna oo dhan; oo wakhtigaas oo dhan dalku wuu iska nasan doonaa, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa. 35 Oo dalku intuu cidla yahay oo dhan wuu iska nasan doonaa, nasashadaas oo ah mid uusan sabtiyadiinna helin markaad degganaydeen. 36 Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan. 37 Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan. 38 Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa. 39 Oo intii idinka hadhana iyagoo dalka cadaawayaashiinna jooga ayay xumaatadooda u dulloobi doonaan, oo weliba xumaatooyinkii awowayaashoodna ayay u dulloobi doonaan. 40 Wayna qiran doonaan xumaatadoodii iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii ay igu caasiyeen 41 oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday, oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda, 42 ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa. 43 Oo iyagu dalka way ka tegi doonaan, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa intuu cidla yahay oo iyagu ay ka maqan yihiin oo dhan; oo iyaguna way aqbali doonaan taqsiirta xumaatadooda, maxaa yeelay, way diideen xukummadaydii, oo naftooduna qaynuunnadayday karahday. 44 Laakiinse in kastoo ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah. 45 Laakiinse iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 46 ¶ Kuwaasu waa qaynuunnadii iyo xukummadii iyo sharciyadii uu Rabbigu u dhexaysiiyey isaga qudhiisa iyo reer binu Israa'iil oo uu Muuse ugu soo dejiyey Buur Siinay.
  • Sharc 4:8 : 8 Oo bal waa tee quruunta weyn oo haysataa qaynuunno iyo xukummo xaq u ah siduu yahay sharcigan oo dhammu ee aan maanta idin hor dhigayo?
  • Sharc 4:44 : 44 ¶ Oo kanu waa sharcigii Muuse hor dhigay reer binu Israa'iil,
  • Sharc 11:32 : 32 Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.
  • Sharc 28:15-68 : 15 ¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan. 16 Waxaad ku inkaarnaan doontaan magaalada oo waxaad ku inkaarnaan doontaan duurka. 17 Waxaa inkaarnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan. 18 Oo waxaa inkaarnaan doona midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna, iyo dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna. 19 Oo waad inkaarnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad inkaarnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan. 20 Rabbigu wuxuu idinku soo dejin doonaa inkaar iyo dhibaato, oo wuu idinku canaanan doonaa wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo dhan jeeraad baabba'daan oo aad haddiiba halligantaan, waana sharka falimihiinna, oo aad iiga tagteen aawadiis. 21 Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan. 22 Rabbiguna wuxuu idinku dhufan doonaa taagdarro, iyo qandho, iyo gubasho, iyo kulayl daran, iyo seef, iyo beera-engeeg, iyo caariyaysi, oo iyana way idin eryan doonaan ilaa aad halligantaan. 23 Oo samada idinka korraysaa waxay noqon doontaa naxaas, oo dhulka idinka hooseeyaana wuxuu noqon doonaa bir. 24 Oo Rabbigu roobka dalkiinna wuxuu ka dhigi doonaa budo iyo boodh, oo waxaasu samaday idinkaga soo degi doonaan ilaa aad baabba'daan. 25 Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib. 26 Oo meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka, oo mid iyaga ka eryana lama arki doono. 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin. 28 Oo weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa waalli iyo indhabbeel iyo naxdin. 29 Oo hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono. 30 Naag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid. 31 Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono. 32 Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba. 33 Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo, 34 oo taas daraaddeed waxaad la waalan doontaan waxa indhihiinnu arki doonaan. 35 Oo Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin. 36 Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah. 37 Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi. 38 Waxaad beerta u qaadan doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa cuni doona ayax. 39 Waxaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri. 40 Oo soohdimihiinna oo dhan dhexdooda waxaa idiinku oolli doona geedo saytuun ah, laakiinse saliid kuma subkan doontaan, waayo, saytuunkiinna midhuhu way ka daadan doonaan. 41 Waxaad dhali doontaan wiilal iyo gabdho, laakiinse iyagu kuwiinna ma ahaan doonaan, maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay idiinka tegi doonaan. 42 Dhirtiinna oo dhan iyo midhaha dhulkiinnaba waxaa lahaan doona ayax. 43 Oo qariibka dhexdiinna ku jira ayaa idinka sare mari doona, oo idinkuna hoos baad u sii degi doontaan. 44 Oo isagu wax buu idin deymin doonaa, idinkuse wax ma deymin doontaan, madaxa buu noqon doonaa, idinkuse dabada baad noqon doontaan. 45 Inkaarahan oo dhammu idinkay idinku soo degi doonaan, wayna idin eryan doonaan oo idin soo gaadhi doonaan ilaa aad baabba'daan, maxaa yeelay, ma aydaan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray. 46 Oo waxay calaamad iyo yaab ku dul ahaan doonaan idinka iyo farcankiinnaba weligiin, 47 maxaa yeelay, idinku Rabbiga Ilaahiinna ah wax kasta oo uu idinku badiyey aawadood uguguma aydaan adeegin faraxsanaan iyo qalbi reyreeya. 48 Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo. 49 Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn, 50 oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin. 51 Oo dadkaasu wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan, oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo. 52 Oo meel kasta oo dhulkiinna ah ayuu dhammaan irdihiinna idinku hareerayn doonaa ilaa derbiyadiinna deyrka dheer ee aad isku hallayseen ay soo wada dhacaan, oo wuxuu idinku hareerayn doonaa irdihiinna oo dhan ee dhulka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey oo dhan. 53 Oo waxaad cuni doontaan midhaha jidhkiinna, kaasoo ah hilibka wiilashiinna iyo gabdhihiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey, waana markaad gashaan hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu idinku cidhiidhin doonaan. 54 Ninka idinku dhex jira oo idiinku jilicsan, oo qabow ku noolaan jiray, wuxuu il shar ah ku dayi doonaa walaalkiis, iyo naagtiisa laabta kaga jiifta, iyo kuwa carruurtiisa ka hadhay, 55 si uusan midkoodna wax uga siin hilibka carruurtiisa oo uu cuni doono, maxaa yeelay, isaga waxba uma hadhi doonaan intii uu ku jiro hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan. 56 Oo naagta jilicsan, oo idinku dhex jirta oo qabow ku noolaan jirtay oo aan u quudhin inay cagteeda cad dhulka dhigto nolosheedii qaboobayd oo jilicsanayd aawadeed, waxay il shar ah ku dayi doontaa ninkeeda laabta kaga jiifa, iyo wiilkeeda iyo gabadheeda. 57 Wayna ka qarsan doontaa mandheerta ka soo dhex baxdo labadeeda lugood, iyo carruurteeda ay dhasho, waayo, qarsoodi bay iyaga u cuni doontaa iyadoo wax kasta u baahan, intay ku jirto hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan. 58 Haddeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH, 59 markaas Rabbigu wuxuu idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga. 60 Oo haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan. 61 Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan. 62 Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen. 63 Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan. 64 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona. 65 Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid. 66 Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba. 67 Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan. 68 Oo Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.
  • Sharc 29:18-28 : 18 waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar, 19 oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo. 20 Rabbigu ninkaas saamixi maayo, laakiinse Rabbiga cadhadiisa iyo masayrkiisa ayaa ninkaas ku kululaan doona, oo inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhammuna isagay saarnaan doontaa, oo Rabbiguna magiciisa wuu ka tirtiri doonaa inta samada ka hoosaysa oo dhan. 21 Oo Rabbigu wuxuu isaga qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan uga dhex sooci doonaa inuu belaayo ugu dejiyo siday yihiin dhammaan inkaaraha axdiga ee ku qoran kitaabkan sharciga. 22 Oo qarniga soo socda oo ah carruurtiinna dabadiin kici doonta, iyo shisheeyaha dal fog ka iman doonaaba markay arkaan dalkaas belaayadiisa iyo cudurrada Rabbigu ku riday, 23 iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa, 24 markaasay quruumaha oo dhammu odhan doonaan, Rabbigu muxuu dalkan sidaas ugu galay? Oo kulaylka xanaaqan weyn micnihiisu waa maxay? 25 Markaasaa dadku waxay odhan doonaan, Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen axdigii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar, 26 oo intay tageen ayay u adeegeen oo caabudeen ilaahyo kale oo ayan aqoon, isaguna uusan siin, 27 oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan. 28 Oo Rabbigu dhulkoodii ayuu kaga rujiyey cadho iyo xanaaq iyo dhirif weyn, oo wuxuu ku dhex tuuray dal kaleeto siday maantadan tahay.
  • Sharc 31:16-18 : 16 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waad dhiman doontaa oo awowayaashaa la seexan doontaa, oo dadkanuna way kici doonaan oo sida naagi ninkeeda ka dhillowday ayay u raaci doonaan ilaahyada qalaad ee dalka, kuwaasoo ay dhex joogayaan, oo aniga way iga tegi doonaan oo axdigaygii aan iyaga la dhigtayna way jebin doonaan. 17 Oo kolkaasaa cadhadaydu ku kululaan doontaa iyaga, waanan ka tegi doonaa, oo wejigaygana waan ka qarin doonaa, oo iyaga waa la baabbi'in doonaa, oo waxaa ku soo degi doona masiibo iyo dhibaatooyin badan, oo waxay maalintaas odhan doonaan, Ilaaheenna aan ina dhex joogin aawadiis sow masiibadanu inooguma soo degin? 18 Oo anna hubaal maalintaas wejigayga ayaan ka qarin doonaa sharka badan oo ay sameeyeen aawadiis, maxaa yeelay, iyagu waxay u jeesteen ilaahyo kale.
  • Sharc 31:20 : 20 Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.
  • Sharc 32:15-25 : 15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa. 16 Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad, Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah. 17 Waxay wax u sadaqeeyeen jinniyo aan Ilaah ahayn, Iyo ilaahyo ayan iyagu aqoon Oo ah kuwo cusub oo dhowaan soo baxay, Oo awowayaashiin ayan ka cabsan jirin. 18 Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid, Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay. 19 Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay, Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey. 20 Oo wuxuu yidhi, Wejigayga waan ka qarin doonaa, Oo waxaan arki doonaa bal wixii ugu dambaystoodu noqon doonto. Waayo, iyagu waa qarni aad u qalloocan Iyo carruur aan iimaan lahayn. 21 Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen, Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn, Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn, Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah. 22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha. 23 Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin, Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa. 24 Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya Iyo halligaad qadhaadh, Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga, Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta. 25 Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.
  • Yash 23:15-16 : 15 Oo siday waxyaalihii wanaagsanaa idiinku soo wada degeen, kuwaasoo ahaa kuwii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay, ayaa Rabbigu idiinku soo dejin doonaa waxyaalaha sharka ah oo dhan, ilaa uu idinka baabbi'iyo dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey. 16 Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    14¶ Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin,

    15iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan,

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

  • 3¶ Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda dhawrtaan oo yeeshaan,

  • 5oo aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan,

  • 27¶ Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan,

  • 23Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan,

  • Yer 16:10-11
    2 aayado
    77%

    10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?

    11markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,

  • 13Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag, oo dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, War, tacliin miyeydaan qaadanayn inaad erayadayda maqashaan?

  • Yer 26:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu xagga Rabbiga ka yimid, isagoo leh,

    2Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad istaagtaa guriga Rabbiga barxaddiisa, oo dadka magaalooyinka dalka Yahuudah oo u yimid inay Rabbiga gurigiisa ku caabudaan oo dhan la hadal, oo erayada aan kugu amro inaad kula hadashid erayna ha ka reebin.

    3Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.

  • 4Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 19Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

  • Yer 11:3-4
    2 aayado
    76%

    3Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan

    4ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa,

  • 10Iyagu ilaa maantadan isma ay hoosaysiin, oo kama ay cabsan, kumana ay socon sharcigaygii iyo qaynuunnadaydii aan iyaga iyo awowayaashoodba hor dhigay.

  • 23laakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 13Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.

  • 4¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Yahuudah sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu sharcigii Rabbiga way diideen, oo qaynuunnadiisiina ma ay xajin, oo beentoodii baa iyaga qaladday, taasoo ay awowayaashoodba daba socon jireen.

  • 19maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 27¶ Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.

  • 2Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddii aydaan dhegaysan, oo aydaan qalbigiinna gelin si aad magacayga u ammaantaan aawadeed, markaas waxaan idinku soo dejin doonaa inkaartii, oo barakooyinkiinnana waan inkaari doonaa, oo mar horaan inkaaray, maxaa yeelay, qalbigiinna ma aad gelisaan.

  • 6Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

  • 15Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.

  • 5Laakiinse haddaad erayadan maqli weydaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nafsaddaydaan ku dhaartaye guriganu cidluu noqon doonaa.

  • Yer 6:16-17
    2 aayado
    74%

    16¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidadka dhex istaaga, oo bal wax fiiriya, oo bal dhabbayaashii hore haybsada, oo waxaad tidhaahdaan, Meeh jidkii wanaagsanaa? Oo markaas ku socdaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu ku socon mayno jidkaas.

    17Oo weliba waxaan idiin dhigay waardiyayaal, oo waxaan idinku idhi, Buunka dhawaaqiisa dhegaysta. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu waxba dhegaysan mayno.

  • 18Oo weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa.

  • 21Laakiinse haddaad diiddo inaad baxdo, kanu waa eraygii Rabbigu i tusay,

  • 15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.

  • 17sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.

  • 17Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo dhan, oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

  • Yer 25:7-8
    2 aayado
    74%

    7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.

    8Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadaydii waad dhegaysan weydeen, oo sidaas daraaddeed, Rabbigu wuxuu leeyahay,

  • 22Haddii ay guddigayga dhex istaageen, de markaas dadkaygay erayadayda maqashiin lahaayeen, oo waxay iyaga ka soo celin lahaayeen jidkooda xun iyo sharka falimahoodaba.

  • 21Haddaba maanta xaalkan waan idiin sheegay, laakiinse idinku ma aydaan addeecin codkii Rabbiga Ilaahiinna ah iyo wixii uu iigu soo kiin dhiibay toona.

  • 24Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,

  • 10hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talaggalay.

  • 10haddaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa ku qoran kitaabkan sharciga, iyo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu soo noqotaan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan.

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 4Oo Rabbiguna wuxuu idiin soo diray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan, isagoo goor wanaagsan diraya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan, oo marnaba dheg uma aydaan dhigin inaad maqashaan.

  • 20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,

  • 4¶ Weliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon?

  • 11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

  • 4Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid qalbi daacad ah iyo qummanaan, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

  • 13Oo weliba Rabbigu dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudahba wuxuu ugu digi jiray nebiyadii oo dhan iyo kuwii wax arki jiray oo dhan, isagoo leh, War jidadkiinna sharka ah ka soo noqda, oo amarradayda iyo qaynuunnadayda u dhawra siduu ahaa sharcigii aan awowayaashiin ku amray oo dhan oo aan idinkugu soo dhiibay addoommadaydii nebiyada ahaa.