Yeremyaah 44:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Iyagu ilaa maantadan isma ay hoosaysiin, oo kama ay cabsan, kumana ay socon sharcigaygii iyo qaynuunnadaydii aan iyaga iyo awowayaashoodba hor dhigay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 8:12 : 12 Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtiga ciqaabtooda ayay hoos u dhici doonaan.
  • Maah 28:14 : 14 Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.
  • Wacd 8:12-13 : 12 In kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan. 13 Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.
  • Ish 57:15 : 15 ¶ Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena.
  • Ish 66:2 : 2 Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.
  • Yer 10:7 : 7 Boqorka quruumahow, kan aan kaa cabsanaynu waa kuma? Waayo, way kugu habboon tahay, maxaa yeelay, kuwa xigmadda leh ee quruumaha iyo boqortooyooyinkooda oo dhanba mid kula mid ahu ma jiro.
  • Yer 36:24 : 24 Oo boqorkii iyo addoommadiisii erayadaas oo dhan maqlay midkoodna ma cabsan, oo dharkoodiina ma ay jeexjeexin.
  • Yex 9:4 : 4 Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magaalada Yeruusaalem dhexdeeda mar, oo waxaad calaamad ku dhigtaa jaaha dadka u taahaya oo u qaylinaya waxyaalaha karaahiyada ah oo dhexdeeda lagu sameeyo oo dhan.
  • Daan 5:20-22 : 20 Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday. 21 Markaasaa binu-aadmiga laga eryay, qalbigiisiina waxaa laga dhigay sida kan dugaagga, wuxuuna la joogay dameeraha duurka, oo wuxuu doogga u daaqay sida dibida, jidhkiisana waxaa qoyay dharab samada ka soo dhacay ilaa uu ka ogaaday in Ilaaha ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu madax uga dhigo ku alla kii uu doonayo. 22 ¶ Beelshaasarow, adigoo wiilkiisii ah, ma aadan is-hoosaysiin in kastoo aad waxyaalahan oo dhan ogayd;
  • Mal 4:2 : 2 Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale.
  • Mat 27:54 : 54 Boqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.
  • Luuk 23:40 : 40 Laakiin kii kale ayaa jawaabay oo canaantay isagoo leh, Miyaanad xataa Ilaah ka baqin, waayo, isku xukun baad tihiin?
  • Room 11:20 : 20 Waa tahay. Rumaysaddarradoodii baa loo jebiyey, adna waxaad ku taagan tahay rumaysadkaaga. Ha iskibrin, laakiinse cabso;
  • Yac 4:6-9 : 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. 7 Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye. 8 U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya. 9 Dhibtooda oo baroorta oo ooya. Qosolkiinnu baroor ha u rogmado, farxaddiinnuna caloolxumo. 10 Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.
  • 1 But 5:6 : 6 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.
  • Muj 15:4 : 4 Rabbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey.
  • Bax 9:17 : 17 Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?
  • Bax 9:30 : 30 Laakiin waan ogahay in adiga iyo addoommadaadu aydnaan weli ka cabsanayn Rabbiga Ilaaha ah.
  • Bax 10:3 : 3 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu wuxuu kugu yidhi, Ilaa goormaad diidaysaa inaad hortayda is-hoosaysiiso? Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
  • 1 Boq 21:29 : 29 War sow uma jeeddid siduu Axaab hortayda isugu hoosaysiiyey? Sharka ku soo dejin maayo intuu isagu nool yahay, maxaa yeelay, isagu hortayduu isku hoosaysiiyey; laakiinse sharka waxaan reerkiisa ku soo dejin doonaa wakhtiga wiilkiisa.
  • 2 Boq 22:19 : 19 Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Rabbiga hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay wixii aan kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, iyo inay iyagu noqon doonaan cidla iyo inkaar, oo waad igu hor ooyday, dharkaagiina waad jeexjeexday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • 2 Taar 12:6-9 : 6 Markaasaa amiirradii dadka Israa'iil iyo boqorkiiba is-hoosaysiiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa xaq. 7 Oo Rabbiguna markuu arkay inay is-hoosaysiiyeen ayaa eraygii Rabbigu u yimid Shemacyaah, wuxuuna ku yidhi, Iyagu way is-hoosaysiiyeen oo taas aawadeed anigu baabbi'in maayo, laakiinse waan samatabbixin doonaa, oo cadhadayduna Yeruusaalem kuma degi doonto iyadoo gacanta Shiishaq ku timid. 8 Habase ahaatee waxay ahaan doonaan addoommadiisa, si ay u ogaadaan adeegiddayda iyo adeegidda boqortooyooyinka waddammadaba. 9 Haddaba sidaas daraaddeed Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar wuxuu ku kacay Yeruusaalem oo wuxuu qaatay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorkaba, oo dhammaantood wuu wada qaatay, oo wuxuu kaloo wada qaatay gaashaammadii dahabka ahaa oo Sulaymaan sameeyey. 10 Oo Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabka guriga boqorka dhawri jiray. 11 Oo mar alla markuu boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu iman jireen oo ay gaashaammada soo qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha. 12 Oo markuu isagu is-hoosaysiiyey ayaa cadhadii Rabbigu ka noqotay si aan Rabbigu isaga dhammaantiisba u baabbi'in, oo weliba dalka Yahuudah waxyaalo wanwanaagsan baa laga heli jiray.
  • 2 Taar 32:26 : 26 Habase ahaatee Xisqiyaah wuu is-hoosaysiiyey oo kibirkii qalbigiisa wuu ka soo noqday isaga iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba, sidaa daraaddeed cadhadii Rabbigu iyaga kuma ay soo degin wakhtigii Xisqiyaah.
  • 2 Taar 33:12 : 12 Oo intuu dhibaataysnaa ayuu baryay Rabbigii Ilaahiisa ahaa, oo si weyn buu isugu hor hoosaysiiyey Ilaahii awowayaashiis.
  • 2 Taar 33:19 : 19 Oo baryootankiisii, iyo siduu Ilaah isaga u aqbalay, iyo dembigiisii iyo xadgududkiisii oo dhan, iyo meelihii uu meelo sarsare ka dhisay ee uu qotomiyey geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa intuusan is-hoosaysiin, bal eeg, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Xoosay.
  • 2 Taar 34:27 : 27 Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Ilaah hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay erayadiisii uu kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, oo hortayda ayaad isku hoosaysiisay, oo dharkaagii waad jeexjeexday, oo waad igu hor ooyday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sab 34:18 : 18 Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
  • Sab 51:17 : 17 Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa, Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
  • Maah 8:13 : 13 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
  • Maah 14:16 : 16 Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.
  • Maah 16:6 : 6 Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 34Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey,

  • Yer 9:13-14
    2 aayado
    79%

    13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

    14laakiinse waxay iska daba galeen caasinimadii qalbigooda, iyo Bacaliim oo ay awowayaashood iyaga bareen,

  • 9War miyaad illowdeen xumaantii awowayaashiin, iyo xumaantii boqorradii dalka Yahuudah, iyo xumaantii naagahooda, iyo xumaantiinnii, iyo xumaantii naagihiinna, oo ay dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba ku dhex sameeyeen?

  • Nex 9:34-35
    2 aayado
    78%

    34oo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo awowayaashayadii toona ma ay dhawrin sharcigaagii, mana ay dhegaysan amarradaadii iyo markhaatifurkaagii aad ugu marag furtay.

    35Waayo, boqortooyadoodii kuuguma ay adeegin wanaaggaagii weynaa oo aad siisay aawadiis, iyo dalka ballaadhan oo barwaaqaysan oo aad hortooda dhigtay aawadiis, oo kamana ay soo noqon shuqulladoodii sharka ahaa.

  • 77%

    40Habase yeeshee iyagu ma ayan dhegaysan, laakiinse waxay sameeyeen sidii caadadoodii hore ay ahayd.

    41Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.

  • Yer 16:11-12
    2 aayado
    76%

    11markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,

    12oo idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.

  • 4Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,

  • 10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

  • 26Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.

  • 3waana xumaantooda ay faleen oo ay igaga cadhaysiiyeen aawadeed markay tageen si ay foox ugu shidaan oo ay ugu adeegaan ilaahyo kale oo ayan iyaga iyo idinka iyo awowayaashiinnuba aqoon.

  • Sak 1:4-6
    3 aayado
    76%

    4Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.

    5Bal meeye awowayaashiin? Nebiyaduse miyey weligood iska noolaadaan?

    6Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.

  • 24maxaa yeelay, xukummadaydii ma ay samayn, laakiinse qaynuunnadaydii way diideen, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen, oo indhahooduna waxay raaceen sanamyadii awowayaashood.

  • 5Laakiinse ma ay maqlin oo dhegna uma ay dhigin inay xumaantooda ka soo noqdaan iyo inayan innaba ilaahyo kale foox u shidin.

  • 75%

    14Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.

    15Oo iyagu way diidi jireen qaynuunnadiisii iyo axdigiisii uu awowayaashood la dhigtay, iyo markhaatifurkiisii uu iyaga ugu marag furay, oo intay waxtarla'aan raaceen ayay wax aan waxba tarin noqdeen, oo waxay ku dayan jireen quruumihii hareerahooda ku wareegsanaa oo Rabbigu ku amray inayan sidooda oo kale yeelin.

  • 7Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan.

  • 10mana aannu addeecin codkii Rabbiga Ilaahayaga ah, iyo inaannu ku soconno sharciyadiisa ay na hor dhigeen nebiyadii ahaa addoommadiisa.

  • 16Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,

  • 23Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan.

  • 33Oo iyagu dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, oo in kastoo aan iyaga wax baray, anigoo goor wanaagsan wax baraya, inay tacliin qaataan innaba ma ay dhegaysan.

  • 8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • 29oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan.

  • 24Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.

  • 6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

  • 23oo iyana intay soo galeen ayay hantiyeen, laakiinse codkaagii ma ay addeecin, oo sharcigaagiina kuma ay socon, oo waxyaalihii aad ku amartay inay sameeyaanna waxba kama ay samayn, oo sidaas daraaddeed ayaad ka dhigtay in masiibadan oo dhammu ay ku dhacdo.

  • 5Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin maxaa xaqdarro ah oo ay iga heleen oo ay iiga fogaadeen, oo ay waxyaalaha aan waxtarka lahayn u raaceen, oo ay waxmatarayaal u noqdeen?

  • 23Foox baad shiddeen, oo Rabbigaad ku dembaabteen, codkiisiina ma aydaan addeecin, kumana aydaan socon sharcigiisii, amase qaynuunnadiisii, amase markhaatiyaashiisii, oo sidaas daraaddeed ayaa masiibadanu idiinku dhacday siday maantadan tahay.

  • 33maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale.

  • 26Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.

  • 9Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 10¶ Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.

  • 9Haddaba sidaas daraaddeed waxaan dadka oo dhan hortiisa idinkaga dhigay wax la quudhsado oo hooseeya, maxaa yeelay, jidadkayga ma aydaan dhawrin, laakiinse dadka baad ugu kala eexateen sharciga.

  • 6oo ma aannu dhegaysan nebiyadii addoommadaada ahaa, oo magacaaga kula hadlay boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayo, iyo dadka waddanka deggan oo dhan.

  • 40inay kaa cabsadaan cimrigooda oo dhan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay.

  • 6Oo iyana xukummadaydii bay sharnimadeedii kaga caasiyowday in ka sii badan quruumaha kale, oo qaynuunnadaydiina way ka caasiyowday in ka sii badan waddammada hareereheeda ku wareegsan, waayo, iyagu xukummadaydii iyo qaynuunnadaydiiba way diideen, oo innaba kuma ay socon.

  • 7Waxaan idhi, Sida xaqiiqada ah waad iga cabsan doontaa, oo edbin baad aqbali doontaa. Markaas hoygeedu uma uu baabbe'een sidii aan iyada u goostay. Laakiinse aroor horay keceen oo falimahoodii oo dhan way xumeeyeen.

  • 10Axdigii Ilaah ma ay xajin, Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,

  • 7Oo si aad u xun ayaannu kula macaamiloonnay, oo ma aannan xajin amarradii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa.

  • 16maxaa yeelay, xukummadaydii way diideen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon oo sabtiyadaydii nijaas bay ka dhigeen, waayo, qalbigoodii wuxuu raacay sanamyadoodii.

  • 8Wadaaddadii ma ay odhan, Rabbigii meeh? Oo kuwa sharciga hayaana ima ay aqoon, oo taliyayaashiina way igu xadgudbeen, oo nebiyadiina waxay wax ku sii sheegeen Bacal, oo waxay iska daba galeen waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn.

  • 40Wayna qiran doonaan xumaatadoodii iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii ay igu caasiyeen

  • 12Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.

  • 21Idinka iyo awowayaashiin iyo boqorradiinnii iyo amiirradiinnii iyo dadkii dalkuba fooxii aad magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba ku dhex shiddeen miyaan Rabbigu soo xusuusan oo miyaanay qalbigiisa soo gelin?

  • 17Oo weliba xaakinnadoodiina ma ay dhegaysan, maxaa yeelay, ilaahyo kalay raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, wayna u sujuudeen; oo haddiiba gees bay uga leexdeen jidkii ay awowayaashood mareen iyagoo addeecaya amarradii Rabbiga; laakiinse iyagu sidaas ma ay yeelin.