Yexesqeel 20:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

maxaa yeelay, xukummadaydii way diideen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon oo sabtiyadaydii nijaas bay ka dhigeen, waayo, qalbigoodii wuxuu raacay sanamyadoodii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 15:39 : 39 Oo wuxuu idiin noqonayaa faraq aad fiirsataan oo aad Rabbiga amarradiisii oo dhan ku xusuusataan inaad samaysaan, si aydaan u raacin qalbigiinna iyo indhihiinna aad daacadnimola'aan ku raaci jirteen,
  • Yex 14:3-4 : 3 Wiilka Aadamow, nimankanu qalbigooday sanamyadoodii dabaggeliyeen, oo wejigoodana waxay hor dhigeen waxa ay ku turunturoodaan ee xumaantooda ah. Haddaba miyey waajib igu tahay inaan u jawaabo markay wax i weyddiistaan? 4 Sidaas daraaddeed iyaga la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah oo sanamkiisa qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ahna wejigiisa hor dhiga, oo haddana nebiga u yimaada, aniga Rabbiga ah ayaa kii u yimaada u jawaabi doona sida sanamyadiisa faraha badan,
  • Yex 20:8 : 8 Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro.
  • Yex 20:13-14 : 13 Laakiinse reer binu Israa'iil way igu caasiyoobeen intii ay cidlada dhex joogeen. Qaynuunnadaydii kuma ay socon, oo xukummadaydiina way diideen, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina si weyn bay nijaas ka dhigeen. Markaasaan idhi, Anigu waxaan korkooda ku shubi doonaa cadhadayda inta ay cidlada dhex joogaan si aan u baabbi'iyo. 14 Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
  • Yex 23:8 : 8 Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen.
  • Aam 5:25-26 : 25 Bal reer binu Israa'iilow, allabaryo iyo qurbaanno miyaad cidladii iigu bixiseen afartankii sannadood? 26 Waxaadse sidateen Taambuuggii Moleg iyo sanamyadii Kiyuun, kaasoo ah xiddigtii ilaahiinnii ee aad nafsaddiinna u samaysateen.
  • Fal 7:39-43 : 39 ¶ Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan, 40 oo waxay Haaruun ku yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda; maxaa yeelay, Muusihii inaga soo kaxeeyey dhulka Masar garan mayno waxa ku dhacay. 41 Markaasay waxay wakhtigaas sameeyeen weyl, oo sanamkii waxay u keeneen allabari, oo waxay ku farxeen shuqulkii gacmahoodu sameeyeen. 42 Laakiin Ilaah baa ka jeestay, oo wuxuu faraha uga qaaday inay u adeegaan guutada samada; sida ay ugu qoran tahay kitaabka nebiyada, Bal reer binu Israa'iilow, afartankii sannadood oo aad cidlada joogteen, Ma anigaad i siiseen xoolo qalan iyo allabaryo? 43 Weliba waxaad qaadateen taambuuggii Molokh Iyo xiddigtii ilaaha Remfan, Oo ah waxyaalihii aad u samaysateen inaad caabuddaan. Haddaba waxaan idiin kaxayn doonaa Baabuloon shishadeeda.
  • Tir 25:2 : 2 waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii.
  • Bax 32:1-8 : 1 ¶ Oo markii dadkii arkay in Muuse raagay oo uusan buurtii ka soo degin, ayaa dadkii iyagoo urursan Haaruun u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Kac, oo inoo samee ilaahyo ina hor socda; waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay. 2 Markaasaa Haaruun wuxuu iyagii ku yidhi, Soo bixiya hilqadaha dahabka ah oo dhegaha ugu jira naagihiinna, iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, oo ii keena. 3 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay soo bixiyeen hilqadihii dahabka ahaa oo dhegaha ugu jiray oo waxay u keeneen Haaruun. 4 Kolkaasuu gacmahooda ka guddoomay, oo wuxuu ku xardhay alaabta wax lagu xardho, wuxuuna ka sameeyey weyl dahab la shubay ah; oo waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday. 5 Oo Haaruun markuu arkay ayuu meel allabari ka hor dhisay, markaasaa Haaruun ogeysiis ku dhawaaqay, oo wuxuu yidhi, Berri waa iiddii Rabbiga. 6 Markaasay subaxdii dambe aroor hore keceen, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo, oo waxay keeneen qurbaanno nabaadiino, markaasay dadkii u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo ay u keceen inay cayaaraan. 7 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Kac oo hoos u deg, waayo, dadkaagii aad dalkii Masar ka soo bixisay, way iskharribeen, 8 oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 20:17-26
    10 aayado
    92%

    17Habase ahaatee ishaydii way u tudhay si aanan iyaga u baabbi'in, oo cidladiina kuma aanan dhex dhammayn.

    18Oo waxaan carruurtoodii ku idhi intii ay cidladii dhex joogeen, Qaynuunnada aabbayaashiin ha ku soconina, oo xukummadoodana ha dhawrina, oo sanamyadoodana ha isku nijaasaynina.

    19Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya,

    20oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

    21Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda.

    22Habase ahaatee gacantaydii waan ka soo celiyey, oo magacayga daraaddiis baan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumaha hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.

    23Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaartay cidlada dhexdeedii inaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku dhex firdhin doono,

    24maxaa yeelay, xukummadaydii ma ay samayn, laakiinse qaynuunnadaydii way diideen, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen, oo indhahooduna waxay raaceen sanamyadii awowayaashood.

    25Oo weliba iyagaan siiyey qaynuunno aan wanaagsanayn, iyo xukummo ayan ku noolaan karayn,

    26oo waxaan iyagii ku nijaaseeyey hadiyadahoodii, maxaa yeelay, dab bay u dhex marsiiyeen wixii maxal fura oo dhan, si aan iyaga cidla uga dhigo, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yex 20:12-15
    4 aayado
    84%

    12Oo weliba waxaan siiyey sabtiyadayda inay ahaadaan calaamad aniga iyo iyaga noo dhexaysa, si ay u ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

    13Laakiinse reer binu Israa'iil way igu caasiyoobeen intii ay cidlada dhex joogeen. Qaynuunnadaydii kuma ay socon, oo xukummadaydiina way diideen, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina si weyn bay nijaas ka dhigeen. Markaasaan idhi, Anigu waxaan korkooda ku shubi doonaa cadhadayda inta ay cidlada dhex joogaan si aan u baabbi'iyo.

    14Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.

    15Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan,

  • 43Oo iyagu dalka way ka tegi doonaan, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa intuu cidla yahay oo iyagu ay ka maqan yihiin oo dhan; oo iyaguna way aqbali doonaan taqsiirta xumaatadooda, maxaa yeelay, way diideen xukummadaydii, oo naftooduna qaynuunnadayday karahday.

  • Yer 9:13-14
    2 aayado
    77%

    13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

    14laakiinse waxay iska daba galeen caasinimadii qalbigooda, iyo Bacaliim oo ay awowayaashood iyaga bareen,

  • 77%

    15Oo iyagu way diidi jireen qaynuunnadiisii iyo axdigiisii uu awowayaashood la dhigtay, iyo markhaatifurkiisii uu iyaga ugu marag furay, oo intay waxtarla'aan raaceen ayay wax aan waxba tarin noqdeen, oo waxay ku dayan jireen quruumihii hareerahooda ku wareegsanaa oo Rabbigu ku amray inayan sidooda oo kale yeelin.

    16Oo iyagu way ka tegi jireen amarradii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, oo waxay samaysteen sanamyo la shubay, kuwaasoo ahaa laba weylood, oo waxay kaloo samaysteen geedihii Asheeraah, oo waxay caabudi jireen ciidanka samada oo dhan, Bacalna way u adeegi jireen.

  • 8Waxyaalahaygii quduuska ahaa waad quudhsatay, oo sabtiyadaydiina nijaas baad ka dhigtay.

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • Yex 23:38-39
    2 aayado
    76%

    38Oo weliba saasoo kalay igu sameeyeen. Iyagu isku maalin ayay meeshaydii quduuska ahayd nijaaseeyeen, oo sabtiyadaydiina wax nijaas ah bay ka dhigeen.

    39Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.

  • 8Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro.

  • Yex 5:6-7
    2 aayado
    76%

    6Oo iyana xukummadaydii bay sharnimadeedii kaga caasiyowday in ka sii badan quruumaha kale, oo qaynuunnadaydiina way ka caasiyowday in ka sii badan waddammada hareereheeda ku wareegsan, waayo, iyagu xukummadaydii iyo qaynuunnadaydiiba way diideen, oo innaba kuma ay socon.

    7Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumaha hareerihiinna ku wareegsan waad ka sii belaayo badiseen, oo qaynuunnadaydiina kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan xajin, oo quruumaha idinku wareegsan xukummadoodana ma aydaan samayn,

  • 11markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,

  • 19Oo xataa reer Yahuudahna ma ayan dhawrin amarradii Rabbiga Ilaahooda ah, laakiinse waxay ku socdeen qaynuunnadii ay dadkii Israa'iil sameeyeen.

  • 12Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.

  • 18Sidaas daraaddeed cadhadaydii iyagaan ugu kor shubay dhiiggii ay dalka ku dhex daadiyeen aawadiis, iyo sanamyadoodii ay ku nijaaseeyeen aawadood.

  • 5si aan reer binu Israa'iil qalbigooda ugu qabto, maxaa yeelay, iyagu sanamyadooda aawadood ayay kulligood iiga shisheeyoobeen.

  • 10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

  • 23Oo waa inaydaan ku socon caadooyinkii quruuntii aan hortiinna ka eryayo, waayo, iyagu waxyaalahaas oo dhan ayay samayn jireen, oo sidaas daraaddeed ayaan u karhay.

  • 33maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale.

  • 8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • 17Oo weliba xaakinnadoodiina ma ay dhegaysan, maxaa yeelay, ilaahyo kalay raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, wayna u sujuudeen; oo haddiiba gees bay uga leexdeen jidkii ay awowayaashood mareen iyagoo addeecaya amarradii Rabbiga; laakiinse iyagu sidaas ma ay yeelin.

  • 12Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay iyaga ugu hor adeegeen sanamyadooda, oo waxay reer binu Israa'iil u noqdeen xumaan ay ku turunturoodaan, sidaas daraaddeed ayaan gacantayda ugu qaaday, oo waxay sidan doonaan xumaantoodii.

  • 39Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen, Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.

  • 26Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay.

  • 30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

  • 15iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan,

  • 9Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 18Oo iyana waxay ka tageen gurigii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo waxay u adeegeen geedihii Asheeraah iyo sanamyadii. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa waxaa ku soo degtay cadho xadgudubkoodan aawadiis.

  • 17maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kululaanaysaa meeshan, mana qaboobi doonto.

  • 21Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.

  • 10Axdigii Ilaah ma ay xajin, Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,

  • 28Waayo, markaan dalka keenay, kaasoo aan gacanta ugu qaaday oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siin doono ayay arkeen kur kasta oo dheer iyo geed kasta oo weyn, oo waxay halkaas ku bixiyeen allabaryadoodii, oo qurbaankoodii iga cadhaysiiyey ayay halkaas ku soo bixiyeen, oo weliba halkaasay caraftoodii udgoonayd ku sameeyeen, oo halkaasay qurbaannadoodii cabniinka ku daadiyeen.

  • 12Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan.

  • 15maxaa yeelay, wax shar ah ayay hortayda ku samayn jireen oo way iga xanaajin jireen tan iyo maalintii awowayaashood ay Masar ka soo baxeen ilaa maantadan.

  • 39Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddeydnan i dhegaysanayn, taga, oo haddan iyo hadda dabadeedba midkiin kastaaba sanamyadiisa ha u adeego, laakiinse waa inaydaan magacayga quduuska ah mar dambe nijaas kaga dhigin hadiyadihiinna iyo sanamyadiinna.