2 Taariikhdii 24:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo iyana waxay ka tageen gurigii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo waxay u adeegeen geedihii Asheeraah iyo sanamyadii. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa waxaa ku soo degtay cadho xadgudubkoodan aawadiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 22:20 : 20 Caakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.
  • 2 Taar 19:2 : 2 Oo waxaa baxay oo isagii ka hor tegey Yeehuu ina Xanaanii oo wax arkihii ahaa, oo wuxuu Boqor Yehooshaafaad ku yidhi, War ma waxaa kuu ekayd inaad caawiso kuwa sharka ah iyo inaad jeclaato kuwo Rabbiga neceb? Waxan daraaddiis waxaa kugu soo degtay cadho Rabbiga hortiisa ka timid.
  • 2 Taar 24:4 : 4 Oo waxyaalahaas dabadoodna Yoo'aash wuxuu ku fikiray inuu gurigii Rabbiga cusboonaysiiyo.
  • 2 Taar 28:13 : 13 Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.
  • 2 Taar 29:8 : 8 Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.
  • 2 Taar 32:25 : 25 Laakiinse Xisqiyaah wanaaggii isaga loo sameeyey mahad kama celin, waayo, qalbigiisa ayaa kibray, sidaas daraaddeed isagii iyo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba cadho baa ku soo degtay.
  • 1 Boq 14:23 : 23 Waayo, waxay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiis ka dhisteen meelo sarsare, iyo tiirar, iyo geedo Asheeraah.
  • Bax 34:13 : 13 laakiinse waa inaad dumisaan meelahooda allabariga, oo burburisaan tiirarkooda, oo gooysaan geedahooda Asheeraah,
  • 2 Taar 21:13 : 13 laakiinse waxaad ku socotay jidkii boqorrada dalka Israa'iil, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba waxaad ka dhigtay inay sanamyo raacaan sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, oo weliba waxaad laysay walaalahaa oo reerka aabbahaa ka mid ahaa oo kaa wanaagsanaa,
  • Xaak 5:8 : 8 Waxay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran?
  • 2 Sam 24:1 : 1 ¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah.
  • 1 Boq 11:4-5 : 4 Oo markii Sulaymaan gaboobay ayaa naagihiisii qalbigiisii u jeediyeen ilaahyo kale xaggood; oo qalbigiisuna kuma qummanayn xagga Rabbiga Ilaahiisa ahaa sidii qalbigii aabbihiis Daa'uud ahaa oo kale. 5 Waayo, Sulaymaan wuxuu raacay Cashtored oo ahayd ilaahaddii reer Siidoon, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii ay reer Cammoon caabudi jireen.
  • 1 Boq 14:9 : 9 laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.
  • 2 Taar 33:3-7 : 3 Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacaliimna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan. 4 Oo wuxuu meelo allabari uga dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacaygu wuxuu weligiisba joogi doonaa Yeruusaalem. 5 Oo wuxuu ciidankii samada oo dhanna meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga. 6 Oo weliba carruurtiisiina dab buu ku dhex mariyey dooxadii ina Xinnom dhexdiisa, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, sixirna wuu ku noqnoqday, oo wuxuu la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey. 7 Oo sanamkii xardhanaa ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Ilaah ee uu Ilaah ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.
  • 2 Taar 36:14-16 : 14 Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay. 15 ¶ Oo Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood goor wanaagsan ayuu iyagii u soo diray wargeeyayaashiisii, maxaa yeelay, dadkiisa iyo meesha rugtiisa ah ayuu u naxay. 16 Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay.
  • Hos 5:10-11 : 10 Amiirrada dalka Yahuudah waxay la mid yihiin kuwa durkiya calaamada soohdinta. Cadhadayda ayaan ugu dul shubi doonaa sida biyaha oo kale. 11 Reer Efrayim waa la dulmay, oo xukun baa lagu burburiyey, waayo, raalli bay ku ahaayeen inay amarka daba socdaan.
  • Hos 5:14 : 14 Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.
  • Saf 1:4-6 : 4 ¶ Oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa dalka Yahuudah iyo inta Yeruusaalem deggan oo dhan, oo intii Bacal ka hadhayna meeshan waan ka gooyn doonaa, iyo magaca Kemaariim iyo wadaaddada, 5 iyo kuwa ciidanka samada ku caabuda guryaha dhaladooda, iyo kuwa Rabbiga caabuda oo ku dhaarta oo haddana ku dhaarta Malkaam, 6 iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.
  • Ef 5:6 : 6 Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    15Oo iyagu way diidi jireen qaynuunnadiisii iyo axdigiisii uu awowayaashood la dhigtay, iyo markhaatifurkiisii uu iyaga ugu marag furay, oo intay waxtarla'aan raaceen ayay wax aan waxba tarin noqdeen, oo waxay ku dayan jireen quruumihii hareerahooda ku wareegsanaa oo Rabbigu ku amray inayan sidooda oo kale yeelin.

    16Oo iyagu way ka tegi jireen amarradii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, oo waxay samaysteen sanamyo la shubay, kuwaasoo ahaa laba weylood, oo waxay kaloo samaysteen geedihii Asheeraah, oo waxay caabudi jireen ciidanka samada oo dhan, Bacalna way u adeegi jireen.

    17Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen.

    18Sidaas daraaddeed Rabbigu aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu hortiisa ka fogeeyey; oo iyagii waxba kama hadhin qabiilkii Yahuudah oo keliya mooyaane.

    19Oo xataa reer Yahuudahna ma ayan dhawrin amarradii Rabbiga Ilaahooda ah, laakiinse waxay ku socdeen qaynuunnadii ay dadkii Israa'iil sameeyeen.

  • Xaak 2:12-13
    2 aayado
    79%

    12Wayna ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, kuwaasoo ahaa ilaahyadii dadkii iyaga ku wareegsanaa, wayna u sujuudeen; oo Rabbigana way ka xanaajiyeen.

    13Oo intay Rabbiga ka tageen ayay u adeegeen Bacal iyo Cashtarod.

  • 22Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed ayuu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.

  • 78%

    10Oo buur kasta oo dheer korkeeda iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba waxay qotonsan jireen tiirar iyo geedihii Asheeraah.

    11Oo meelihii sarsare oo dhan waxay ku shidi jireen foox sidii ay yeeli jireen quruumihii kale oo Rabbigu uu hortooda ka eryay; oo waxay samayn jireen waxyaalo shar ah oo ay Rabbiga kaga xanaajiyeen.

    12Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.

  • 6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

  • 9Oo iyana waxay ugu jawaabi doonaan, Maxaa yeelay, axdigii Rabbiga Ilaahooda ah ayay ka tageen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ilaahyo kale.

  • 9Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii Ilaahood ahaa oo awowayaashood ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.

  • 3waana xumaantooda ay faleen oo ay igaga cadhaysiiyeen aawadeed markay tageen si ay foox ugu shidaan oo ay ugu adeegaan ilaahyo kale oo ayan iyaga iyo idinka iyo awowayaashiinnuba aqoon.

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 17maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kululaanaysaa meeshan, mana qaboobi doonto.

  • 25maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kor degtay meeshan, mana qaboobi doonto.

  • 10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

  • 76%

    22Oo reer Yahuudahna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo waxay Rabbiga kaga hinaasiyeen dembiyadoodii ay galeen oo ka badnaa kuwii ay awowayaashood galeen.

    23Waayo, waxay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiis ka dhisteen meelo sarsare, iyo tiirar, iyo geedo Asheeraah.

  • 7¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah.

  • 24maxaa yeelay, xukummadaydii ma ay samayn, laakiinse qaynuunnadaydii way diideen, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen, oo indhahooduna waxay raaceen sanamyadii awowayaashood.

  • 11markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,

  • 25¶ Oo iyagu waxay ku xadgudbeen Ilaahii awowayaashood, oo sidii naag ninkeedii ka dhillowday ayay raaceen ilaahyadii dadkii dalka degganaa, oo Ilaah hortooda ku baabbi'iyey.

  • 75%

    25Markaasaa dadku waxay odhan doonaan, Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen axdigii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar,

    26oo intay tageen ayay u adeegeen oo caabudeen ilaahyo kale oo ayan aqoon, isaguna uusan siin,

  • 19Oo weliba wuxuu u soo diray nebiyo si ay iyaga ugu soo celiyaan Rabbiga xaggiisa, iyana way ku marag fureen iyagii, laakiin ma ay maqlin.

  • 25Oo magaaloo kasta oo dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay meelo sarsare in foox loogu shido ilaahyo qalaad, oo wuxuu aad uga xanaajiyey Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashiis.

  • 17¶ Haddaba markii Yehooyaadaac dhintay dabadeed waxaa yimid amiirradii dalkii Yahuudah oo boqorkay u sujuudeen. Markaasaa boqorkii iyagii maqlay.

  • 6Habase yeeshee kama ay tegin dembiyadii reerkii Yaaraabcaam uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, laakiinse way ku socdeen, oo Samaariyana waxaa ku hadhay geedihii Asheeraah.)

  • 14Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay.

  • 2inta ay carruurtoodu xusuusan yihiin meelahoodii allabariga iyo geedahoodii Asheeraah ee ku yiil geedaha cagaarka ah dhinacooda iyo kuraha dhaadheer dushooda.

  • 7Waayo, Catalyaah oo ahayd tu shar ah wiilasheedii ayaa gurigii Ilaah burburiyeen, oo weliba alaabtii guriga Rabbiga oo quduuska laga dhigay oo dhan waxay wada siiyeen Bacaliim.

  • 39Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.

  • 6Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.

  • 17Oo weliba xaakinnadoodiina ma ay dhegaysan, maxaa yeelay, ilaahyo kalay raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, wayna u sujuudeen; oo haddiiba gees bay uga leexdeen jidkii ay awowayaashood mareen iyagoo addeecaya amarradii Rabbiga; laakiinse iyagu sidaas ma ay yeelin.

  • 22Oo dadkii Israa'iil waxay ku socdeen kulli dembiyadii Yaaraabcaam sameeyey oo dhan, oo kuwaasna kama ay tegin

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 13oo guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.

  • 16Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 37Waayo, way sinaysteen, oo dhiig baa gacmahooda ku jira, oo sanamyadoodana way ka sinaysteen, oo wiilashoodii ay ii dhaleenna dab bay u dhex marsiiyeen si ay u baabba'aan aawadeed.

  • 14Waayo, reer Laawi way ka soo kaceen degmooyinkoodii iyo hantidoodiiba oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem, waayo, Yaaraabcaam iyo wiilashiisii ayaa iyaga eryay si ayan Rabbiga ugu samayn shuqulkii wadaadnimada.

  • 16maxaa yeelay, xukummadaydii way diideen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon oo sabtiyadaydii nijaas bay ka dhigeen, waayo, qalbigoodii wuxuu raacay sanamyadoodii.

  • 33Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen.

  • 19Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

  • 32waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan.

  • 19Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

  • 4Iyagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin.

  • 16Rabbigu cadhadiisuu ku kala firdhiyey, oo mar dambe fiiro u lahaan maayo. Wadaaddadii lama sharfin, oo odayaashiina looma nixin.