2 Taariikhdii 36:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 16:10-16 : 10 Oo Boqor Aaxaasna wuxuu Dimishaq u tegey inuu Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur la kulmo, oo wuxuu arkay meeshii allabariga ee Dimishaq ku tiil; markaasaa Boqor Aaxaas wuxuu wadaadkii Uuriyaah ahaa u diray tilmaantii meeshii allabariga siday u ekayd iyo siduu hanaankeedu ahaa iyo sidii loo sameeyey oo dhan. 11 Markaasaa wadaadkii Uuriyaah ahaa u dhisay meel allabari sidii Boqor Aaxaas Dimishaq ka soo diray oo kale, oo wadaadkii Uuriyaah ahaa taas buu sameeyey intuusan Boqor Aaxaas Dimishaq ka iman. 12 Oo markuu boqorkii Dimishaq ka yimid wuxuu arkay meeshii allabariga, markaasuu u dhowaaday meeshii allabariga oo wax buu ku dul bixiyey. 13 Oo wuxuu meeshii allabariga ku dul gubay qurbaankiisii la gubi jiray iyo qurbaankiisii hadhuudhka ahaa, oo qurbaankiisii cabniinka wuu ku dul shubay, oo wuxuu ku saydhsaydhay dhiiggii qurbaannadiisii nabaadiinada. 14 Oo meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiilna wuu ka soo qaaday guriga hortiisii iyo meeshii u dhexaysay meeshiisa allabariga iyo gurigii Rabbiga, oo wuxuu dhigay meeshiisii allabariga dhinaceeda woqooyi. 15 Oo Boqor Aaxaas wuxuu amray wadaadkii Uuriyaah ahaa, oo ku yidhi, Meesha allabariga oo weyn waxaad dusheeda ku gubtaa qurbaanka la gubo oo subaxda, iyo qurbaanka hadhuudhka ah oo fiidnimada, iyo qurbaanka la gubo ee boqorka, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo dadka dalka deggan oo dhan, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka; oo dhiigga qurbaanka la gubo oo dhanna dusheeda ku saydhsaydh, iyo dhiigga allabariga; laakiinse meesha allabariga ee naxaasta ahu ha ahaato mid aan wax ku weyddiisto. 16 Haddaba wadaadkii Uuriyaah ahaa sidaasuu u wada yeelay wixii Boqor Aaxaas ku amray oo dhan.
  • 2 Taar 28:3 : 3 Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
  • 2 Taar 33:4-7 : 4 Oo wuxuu meelo allabari uga dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacaygu wuxuu weligiisba joogi doonaa Yeruusaalem. 5 Oo wuxuu ciidankii samada oo dhanna meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga. 6 Oo weliba carruurtiisiina dab buu ku dhex mariyey dooxadii ina Xinnom dhexdiisa, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, sixirna wuu ku noqnoqday, oo wuxuu la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey. 7 Oo sanamkii xardhanaa ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Ilaah ee uu Ilaah ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.
  • 2 Taar 33:9 : 9 Oo Manasehna dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba wuu qalday, sidaas daraaddeed iyagu waxay sameeyeen shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil.
  • Cesr 9:7 : 7 Tan iyo waagii awowayaashayo iyo ilaa maantadan xujo badan baannu lahayn, oo xumaatooyinkayagii aawadood ayaa annaga iyo boqorradayadii iyo wadaaddadayadiiba loogu gacangeliyey boqorradii dalalka degganaa inay seef nala dhacaan, oo ay maxaabiis naga dhigtaan, oo ay na dhacaan, iyo inay na wareeriyaan, siday maantadan tahay.
  • Yer 5:5 : 5 Waxaan u tegi doonaa ragga waaweyn, oo waan la hadli doonaa, waayo, iyagu Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda way yaqaaniin. Laakiinse kuwanu dhammaantood harqoodkii way jebiyeen, oo xadhkihiina way kala gooyeen.
  • Yer 37:13-15 : 13 Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin. 14 Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay. 15 Amiirradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karraanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen.
  • Yer 38:4 : 4 Markaas amiirradii waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, Ninkan ha la dilo, waayo, erayadan uu iyaga kula hadlayo aawadood ayuu ku daciifinayaa gacmihii ragga dagaalka ee magaaladan ku hadhay iyo gacmihii dadka kale oo dhanba, waayo, isagu dadkan waxyeelladiisa mooyaane wanaaggiisa dooni maayo.
  • Yex 8:5-9 : 5 Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haatan indhaha xagga woqooyi ku taag. Markaasaan indhaha kor ugu taagay jidkii xagga woqooyi, oo waxaan xaggii woqooyi iriddii meeshii allabariga ku arkay sanamkan hinaasada ee iridda ka taagan. 6 Oo wuxuu kaloo igu sii yidhi, Wiilka Aadamow, ma u jeedda waxa ay samaynayaan, xataa waxyaalaha waaweyn oo karaahiyada ah ee ay reer binu Israa'iil halkan ku sameeyaan si aan meeshayda quduuska ah uga sii fogaado? Laakiinse bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo karaahiyo ah oo tan ka sii weyn. 7 Oo haddana wuxuu i geeyey albaabkii barxadda, oo markaan wax fiiriyey waxaan arkay god derbiga ku dhex yaal. 8 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haddana derbiga qod, oo markaan derbigii qoday waxaan arkay albaab. 9 Oo isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan. 10 Sidaas daraaddeed waan galay oo waxaan arkay cayn kasta oo wax gurguurta ah, iyo xayawaan karaahiyo ah, iyo sanamyadii reer binu Israa'iil oo dhan oo lagu taswiiray derbiga hareerihiisa oo dhan. 11 Oo waxaa iyagii halkaas ku hor taagnaa toddobaatan nin oo odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo waxaa dhexdooda taagnaa Ya'asanyaah ina Shaafaan, oo ninkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay idankiisii, oo waxaa kor uga baxayay caraftii qiiqii fooxa. 12 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, ma aragtay waxa odayaashii reer binu Israa'iil ay gudcurka ku sameeyaan, oo ninkood kastaaba uu qolladihiisa taswiirta ku sameeyo? Waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu inooma jeedo, waayo, Rabbigu dhulkuu ka tegey. 13 Oo weliba wuxuu igu sii yidhi, Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn. 14 Markaasuu i geeyey albaabkii iriddii gurigii Rabbiga oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo waxaan halkaas ku arkay naagaha fadhiya oo sanamkii Tammuus u ooyaya. 15 Markaasuu igu yidhi, Waxaas ma aragtay, Wiilka Aadamow? Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn. 16 Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii hoose oo gurigii Rabbiga, oo bal eeg, iriddii macbudkii Rabbiga, meel u dhaxaysa balbalada iyo meeshii allabariga waxaa taagnaa rag shan iyo labaatan ku dhow iyagoo dhabarka macbudkii Rabbiga u sii jeediyey, wejigana xagga bari u sii jeediyey, oo waxay caabudayeen qorraxda bari jirta.
  • Yex 22:6 : 6 Bal eeg, amiirrada reer binu Israa'iil ee ku dhex jooga midkood kastaaba wuxuu sidii xooggiisu ahaa ku talajiray inuu dhiig daadiyo.
  • Yex 22:26-28 : 26 Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay. 27 Amiirradeeda dhex joogaa waa sida yeey xoog wax ku qabsata oo kale inay dhiig daadiyaan, iyo inay nafo dad halligaan, si ay faa'iido daacadla'aan ugu helaan aawadeed. 28 Oo nebiyadeeduna waxay ku malaaseen dhoobo aan nuurad lahayn, oo iyagoo aan Rabbigu la hadlin ayay yidhaahdaan, Sayidka Rabbiga ah ayaa saas leh, illowse waxay arkeen wax aan waxba ahayn, oo wax been ah bay iyaga ugu faaliyeen.
  • Daan 9:6 : 6 oo ma aannu dhegaysan nebiyadii addoommadaada ahaa, oo magacaaga kula hadlay boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayo, iyo dadka waddanka deggan oo dhan.
  • Daan 9:8 : 8 Sayidow, waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb, annaga iyo boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayaba, maxaa yeelay, waannu kugu dembaabnay.
  • Miik 3:1-4 : 1 ¶ Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin? 2 Idinku wanaagga waad neceb tihiin oo sharkaad jeceshihiin, oo haraggoodana waad ka mudhxisaan, oo hilibkoodana lafahooda waad ka mudhxisaan. 3 Oo weliba waxaad cuntaan hilibka dadkayga, oo haraggoodana waad ka siibtaan, oo lafahoodana waad jejebisaan, haah, oo waxaad u kala gogooysaan sidii hilib dheri loo diyaariyo, iyo sidii hilib digsi ku jiro. 4 Markaasay Rabbiga u qayshan doonaan, laakiinse isagu uma uu jawaabi doono, oo weliba wakhtigaas wejigiisa wuu ka qarin doonaa, waana sidii ay iyagu falimahooda xumaanta ugu sameeyeen.
  • Miik 3:9-9 : 9 Madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, waan idin baryayaaye, waxan maqla, kuwiinna caddaaladda neceb oo qummanaanta qalloociya. 10 Siyoon dhiig bay ku dhisaan, Yeruusaalemna xumaan bay ku dhisaan. 11 Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto.
  • Miik 7:2 : 2 Dadkii cibaadada lahaa wuu ka wada baabba'ay dhulka, oo dadka dhexdiisa laguma arko mid qumman. Kulligood waxay u wada gabbadaan inay dhiig galaan daraaddeed, oo nin kastaaba walaalkiis ayuu shabag ku ugaadhsadaa.
  • Saf 3:3-4 : 3 Amiirradeeda iyada dhex jooga waa sida libaaxyo ciyaya, xaakinnadeeduna waa sida yeey habeennimo oo aan waxba tan iyo aroortii reebin. 4 Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 30¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.

  • 1¶ Oo markii waxyaalahaas la sameeyey dabadeed waxaa ii yimid amiirradii oo igu yidhi, Dadka reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii iyo reer Laawi, gooni isagama ay soocin dadyowgii dalka degganaa, ee waxay sameeyaan waxyaalahooda karaahiyada ah ee ay reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo Masriyiintii, iyo reer Amor sameeyaan.

  • 34Laakiinse karaahiyooyinkoodii ayay dhex qotomiyeen gurigii laygu magacaabay gudihiisa oo sidaasay u nijaaseeyeen.

  • 75%

    5Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.

    6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

    7Oo weliba waxay xidheen albaabbadii balbalada, oo laambadihiina way demiyeen, oo Ilaaha reer binu Israa'iilna meeshii quduuska ahayd foox uguma ay shidin, oo qurbaanno la gubona uguma ay bixin.

  • 19Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

  • 18Oo iyana waxay ka tageen gurigii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo waxay u adeegeen geedihii Asheeraah iyo sanamyadii. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa waxaa ku soo degtay cadho xadgudubkoodan aawadiis.

  • 74%

    12Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa shar ku ah, oo iskuma uu hoosaysiin Nebi Yeremyaah oo afka Rabbiga ku hadlayay hortiisa.

    13Oo weliba wuxuu ka fallaagoobay Boqor Nebukadnesar oo isaga Ilaah ku dhaariyey, laakiinse wuu madax adkaaday oo qalbigiisana wuu qallafiyey si uusan ugu soo noqon Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 20Oo markay quruumihii ay tageenba dhex galeen, magacayga quduuska ah nijaas bay kaga dhigeen, waayo, waxaa laga yidhi, Kuwanu waa dadkii Rabbiga oo dalkiisii ka soo baxay.

  • 26Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay.

  • 32waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan.

  • 11Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.

  • 11Oo meelihii sarsare oo dhan waxay ku shidi jireen foox sidii ay yeeli jireen quruumihii kale oo Rabbigu uu hortooda ka eryay; oo waxay samayn jireen waxyaalo shar ah oo ay Rabbiga kaga xanaajiyeen.

  • 7waayo, meeshayda quduuska ah waxaad soo geliseen shisheeyayaal aan qalbiga ka gudnayn, oo aan jidhka ka gudnaynba inay soo galaan, oo ay nijaaseeyaan xataa daartayda markaad bixinaysaan cuntadayda ah baruurta iyo dhiigga, oo axdigaygii baad ku jebiseen waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa oo dhan.

  • Yex 23:38-39
    2 aayado
    73%

    38Oo weliba saasoo kalay igu sameeyeen. Iyagu isku maalin ayay meeshaydii quduuska ahayd nijaaseeyeen, oo sabtiyadaydiina wax nijaas ah bay ka dhigeen.

    39Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.

  • 73%

    15Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga.

    16Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon.

  • 4Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen.

  • 27(waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;)

  • 5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

  • 8Oo wadaaddadii oo dhanna wuxuu ka soo kaxeeyey magaalooyinkii dalka Yahuudah, wuuna nijaaseeyey meelihii sarsare oo wadaaddadu fooxa ku shidi jireen, tan iyo Gebac ilaa Bi'ir Shebac; oo haddana wuxuu dumiyey meelihii sarsare oo irdaha, kuwaas oo ku yiil meesha laga soo galo iridda Yashuuca oo ahaa taliyihii magaalada, oo ku yiil xagga bidix ee iridda magaalada.

  • 17Wiilka Aadamow, markii reer binu Israa'iil ay dalkooda dhex degganaayeen waxay ku nijaaseeyeen socodkooda iyo falimahooda, oo jidkooduna wuxuu hortayda kula mid ahaa sidii naag caado qabta xaylkeed oo kale.

  • 13Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.

  • Bar 2:6-7
    2 aayado
    72%

    6Taambuuggiisii wuxuu u dumiyey sidii waab beer ku yaal, Oo meeshii shirkiisana wuu baabbi'iyey. Rabbigu wuxuu ka dhigay in Siyoon lagu dhex illoobo iiddii iyo sabtidiiba, Oo dhirifkii cadhadiisa ayuu ku quudhsaday boqorkii iyo wadaadkiiba.

    7Sayidku wuu xooray meeshiisii allabariga, oo meeshiisii quduuska ahaydna wuu karhay, Derbiyadii daaraheeda waaweynna gacanta cadowga buu u geliyey. Oo gurigii Rabbigana way ku dhex qayliyeen sidii maalin iid ah.

  • 11Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey.

  • 11aad noogu soo dhiibtay nebiyadii addoommadaada ahaa, oo aad ku tidhi, Dalka aad inaad hantidaan ugu socotaan waa dal aan nadiif ahayn, oo wuxuu ku nijaasoobay dadyowga deggan nijaastooda, iyo karaahiyadooda, iyo wasakhnimadooda dhammaan ka buuxsantay gees ilaa ka gees.

  • 13oo guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.

  • 22Oo reer Yahuudahna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo waxay Rabbiga kaga hinaasiyeen dembiyadoodii ay galeen oo ka badnaa kuwii ay awowayaashood galeen.

  • 9Oo Manasehna dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba wuu qalday, sidaas daraaddeed iyagu waxay sameeyeen shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil.

  • 11Manaseh oo ah boqorka dalka Yahuudah ayaa sameeyey karaahiyadan, wuuna sameeyey shar ka sii badan kii reer Amorkii isaga ka horreeyey ay sameeyeen, oo dadka Yahuudahna wuxuu ku dembaajiyey sanamyadiisii,

  • 17Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey.

  • 25Oo magaaloo kasta oo dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay meelo sarsare in foox loogu shido ilaahyo qalaad, oo wuxuu aad uga xanaajiyey Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashiis.

  • 9Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.

  • 12Idinkuse waad nijaasaysaan markaad tidhaahdaan, Miiskii Rabbigu waa nijaasaysan yahay, oo cuntadiisuna waa wax la quudhsado.

  • 18War sow awowayaashiin saasoo kale ma yeelin, sow Ilaah belaayadan oo dhan taas aawadeed inooguma soo dejin innaga iyo magaaladaba? Oo weliba markaad sabtida nijaasaysaan waxaad reer binu Israa'iil ku soo dejisaan cadho kale oo badan.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii iyo wadaadkiiba nijaas bay wada yihiin, oo gurigayga ayaan xumaantoodii ka helay.

  • 13Waayo, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weyn midkood kastaaba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.

  • 2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 34oo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo awowayaashayadii toona ma ay dhawrin sharcigaagii, mana ay dhegaysan amarradaadii iyo markhaatifurkaagii aad ugu marag furtay.

  • 9laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 16Rabbigu cadhadiisuu ku kala firdhiyey, oo mar dambe fiiro u lahaan maayo. Wadaaddadii lama sharfin, oo odayaashiina looma nixin.

  • 11Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 7Waayo, Catalyaah oo ahayd tu shar ah wiilasheedii ayaa gurigii Ilaah burburiyeen, oo weliba alaabtii guriga Rabbiga oo quduuska laga dhigay oo dhan waxay wada siiyeen Bacaliim.

  • 22Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.