2 Taariikhdii 29:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 35:6 : 6 Oo neefafka Kormaridda gowraca, oo quduus iska dhiga, oo walaalihiinna u diyaariya, si aad u samaysaan si waafaqsan Eraygii Rabbiga oo Muuse loo soo dhiibay.
  • 1 Taar 15:12 : 12 oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.
  • 2 Taar 29:15-16 : 15 Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga. 16 Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon.
  • 2 Taar 29:34 : 34 Laakiinse wadaaddadu aad bay u yaraayeen oo ma ay wada qali karin qurbaannadii la gubayay oo dhan, sidaas daraaddeed waxaa iyagii caawiyey walaalahoodii reer Laawi ilaa uu shuqulkii dhammaaday oo ay wadaaddadiina isdaahiriyeen, waayo, reer Laawi way ka qalbi toosnaayeen wadaaddada inay isdaahiriyaan.
  • 2 Taar 34:3-8 : 3 Waayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba. 4 Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray. 5 Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey. 6 Oo sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan. 7 Oo meelihii allabariga wuu wada dumiyey, geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaana wuu wada budeeyey, oo sanamyadii qorraxda ee dalka Israa'iil oo dhan ku yiilna wuu wada jaray, markaasuu Yeruusaalem ku noqday. 8 ¶ Oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadiisa, markuu nadiifiyey dalkii iyo gurigiiba ayuu diray Shaafaan ina Asalyaah, iyo Macaseeyaah oo ahaa taliyihii magaalada, iyo Yoo'aax ina Yoo'aaxaas oo ahaa taariikhqore inay cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga Ilaahiisa ah.
  • Bax 19:10 : 10 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,
  • Bax 19:15 : 15 Oo wuxuu dadkii ku yidhi, Maalinta saddexaad diyaar noqda oo naagna ha isugu dhowaanina.
  • Yex 8:3 : 3 Oo isna wax gacan u eg buu igu soo taagay, oo wuxuu igu dhegay timahayga, oo ruuxii ayaa dhulka iyo samada dhexdooda kor iigu qaaday, oo waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu iigu keenay Yeruusaalem, iyo iridda gudaha ku taal albaabkeeda xagga woqooyi u sii jeeda, oo halkaas waxaa yiil kursigii sanamkii hinaasada, kaasoo hinaasada kiciya.
  • Yex 8:9-9 : 9 Oo isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan. 10 Sidaas daraaddeed waan galay oo waxaan arkay cayn kasta oo wax gurguurta ah, iyo xayawaan karaahiyo ah, iyo sanamyadii reer binu Israa'iil oo dhan oo lagu taswiiray derbiga hareerihiisa oo dhan. 11 Oo waxaa iyagii halkaas ku hor taagnaa toddobaatan nin oo odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo waxaa dhexdooda taagnaa Ya'asanyaah ina Shaafaan, oo ninkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay idankiisii, oo waxaa kor uga baxayay caraftii qiiqii fooxa. 12 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, ma aragtay waxa odayaashii reer binu Israa'iil ay gudcurka ku sameeyaan, oo ninkood kastaaba uu qolladihiisa taswiirta ku sameeyo? Waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu inooma jeedo, waayo, Rabbigu dhulkuu ka tegey. 13 Oo weliba wuxuu igu sii yidhi, Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn. 14 Markaasuu i geeyey albaabkii iriddii gurigii Rabbiga oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo waxaan halkaas ku arkay naagaha fadhiya oo sanamkii Tammuus u ooyaya. 15 Markaasuu igu yidhi, Waxaas ma aragtay, Wiilka Aadamow? Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn. 16 Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii hoose oo gurigii Rabbiga, oo bal eeg, iriddii macbudkii Rabbiga, meel u dhaxaysa balbalada iyo meeshii allabariga waxaa taagnaa rag shan iyo labaatan ku dhow iyagoo dhabarka macbudkii Rabbiga u sii jeediyey, wejigana xagga bari u sii jeediyey, oo waxay caabudayeen qorraxda bari jirta. 17 Markaasuu igu yidhi, Waxan ma aragtay, Wiilka Aadamow? Tanu ma wax dadka Yahuudah u fudud baa inay sameeyaan waxyaalaha karaahiyada ah ee ay halkan ku samaynayaan? Waayo, dalkii dulmi bay ka buuxiyeen oo mar kalay u noqdeen inay iga cadhaysiiyaan, oo bal eeg, laantii ayay sanka u dhoweeyeen. 18 Oo sidaas daraaddeed weli cadhaan ku shaqayn doonaa, indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, oo in kastoo ay dhegahaygu qaylo weyn ugu qayliyaanna innaba ma aan maqli doono.
  • Yex 36:25 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.
  • Mat 21:12-13 : 12 ¶ Ciise wuxuu galay macbudka Ilaah oo ka eryay kulli kuwii macbudka wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay, oo wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay. 13 Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tukashada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo.
  • 1 Kor 3:16-17 : 16 ¶ Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro? 17 Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.
  • 2 Kor 6:16 : 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
  • 2 Kor 7:1 : 1 ¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.
  • Ef 5:26-27 : 26 inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga, 27 si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    15Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga.

    16Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon.

    17Haddaba iyagu waxay isdaahirinta bilaabeen bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo isla bishaas maalinteedii siddeedaad ayay yimaadeen balbaladii Rabbiga, oo guriga Rabbigana waxay ku daahiriyeen siddeed maalmood, oo hawshaas waxay dhammeeyeen bishii kowaad maalinteedii lix iyo tobnaad.

    18Markaasay Boqor Xisqiyaah ugu galeen gurigiisii boqornimada oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu wada nadiifinnay gurigii Rabbiga oo dhan, iyo meeshii qurbaanka la gubo, iyo weelasheedii oo dhan, iyo miiskii la saari jiray kibistii tusniinta iyo weelashiisii oo dhanba.

    19Oo weliba Boqor Aaxaas intuu boqor ahaa weelashii uu xoorxooray markuu xadgudbay dhammaantood waannu wada diyaarinnay oo waannu daahirinnay, oo bal eeg, waxay hor yaalliin meesha allabariga ee Rabbiga.

  • 4Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina wuu soo geliyey, oo wuxuu iyagii ku soo wada ururshay meesha bannaan oo dhinaca bari ku taal.

  • Tir 8:6-7
    2 aayado
    78%

    6Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri.

    7Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen.

  • 12oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.

  • 14Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • Nex 13:29-30
    2 aayado
    76%

    29Ilaahayow, iyaga xusuuso, maxaa yeelay, waxay nijaaseeyeen wadaadnimadii, iyo axdigii wadaadnimada iyo kii reer Laawi.

    30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,

  • 9Markaasaan amar bixiyey oo qolalkii waa la nadiifiyey; oo halkaasaan mar kale ku soo celiyey weelashii gurigii Ilaah, iyo qurbaannadii hadhuudhka, iyo fooxii.

  • 5Oo waxaad isu taagtaan meesha quduuska ah sida qaybaha reerihii walaalihiin oo ah dadka dalka ay kala yihiin, oo reerihii qaar reer Laawi ahi ha isu qaybiyeen.

  • 11aad noogu soo dhiibtay nebiyadii addoommadaada ahaa, oo aad ku tidhi, Dalka aad inaad hantidaan ugu socotaan waa dal aan nadiif ahayn, oo wuxuu ku nijaasoobay dadyowga deggan nijaastooda, iyo karaahiyadooda, iyo wasakhnimadooda dhammaan ka buuxsantay gees ilaa ka gees.

  • 30Markaasaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen, oo waxay kaloo daahiriyeen dadkii iyo irdihii iyo derbigii.

  • 6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

  • 11Kuwiinna weelasha Rabbiga sidow, taga, oo taga, oo halkaas ka soo baxa, ha taabanina wax aan daahir ahayn, oo iyada ka dhex baxa, oo daahir ahaada.

  • 13Kac, oo dadka quduus ka dhig, oo waxaad ku tidhaahdaa, Berri quduus iska dhiga, waayo, Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, waxaa idinku dhex jira alaab la xarrimay, oo isma aad hor taagi kartaan cadaawayaashiinna, ilaa aad dhexdiinna ka fogaysaan alaabtii la xarrimay.

  • 5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

  • 5Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan.

  • 15Oo markaas dabadeedna reer Laawi ha u galeen inay ka adeegaan teendhada shirka, oo waa inaad iyaga daahirisaa oo qurbaan la ruxruxo ahaan u bixisaa.

  • 19Haddaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.

  • 34Laakiinse wadaaddadu aad bay u yaraayeen oo ma ay wada qali karin qurbaannadii la gubayay oo dhan, sidaas daraaddeed waxaa iyagii caawiyey walaalahoodii reer Laawi ilaa uu shuqulkii dhammaaday oo ay wadaaddadiina isdaahiriyeen, waayo, reer Laawi way ka qalbi toosnaayeen wadaaddada inay isdaahiriyaan.

  • 19qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah.

  • Cesr 8:28-29
    2 aayado
    73%

    28Oo markaasaan ku idhi, Idinku Rabbigaad quduus u tihiin oo weelashuna waa quduus, oo lacagta iyo dahabka waa qurbaan ikhtiyaar loogu bixiyey Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin.

    29Haddaba idinku dhawra oo xajiya ilaa aad ku hor miisaantaan wadaaddada sare, iyo kuwa reer Laawi, iyo amiirrada qolooyinka reer binu Israa'iil, idinkoo jooga qolladaha guriga Ilaah ee Yeruusaalem.

  • 22Oo waxaan kuwii reer Laawi ku amray inay isdaahiriyaan iyo inay yimaadaan oo irdaha dhawraan si ay quduus uga dhigaan maalinta sabtida. Ilaahayow, taas aawadeedna ii xusuuso, oo iigu tudh siday weynaanta naxariistaadu tahay.

  • 15oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.

  • 9Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.

  • 6Laakiinse guriga Rabbiga gudihiisa yuusan ninna soo gelin wadaaddada iyo kuwa reer Laawi oo adeegaya mooyaane, iyagu ha soo galeen, waayo, iyagu waa quduus, laakiinse dadka oo dhammu waa inay Rabbiga amarkiisa dhawraan.

  • 17Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan.

  • 14Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay.

  • 5oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.

  • 19Oo iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee.

  • 5Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,

  • 11Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd, (waayo, kulli wadaaddadii joogay oo dhammu way isdaahiriyeen oo milahoodiina ma ay dhawrin,

  • 31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

  • 5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

  • 14Markaasaa Xaggay jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkanu waa saasoo kale, oo quruuntanuna saasoo kalay hortayda ku tahay, oo shuqul kasta oo ay gacmahooda ku qabtaanna waa saasoo kale, oo wixii ay halkaas ku bixiyaanna waa nijaas.

  • 29Oo waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa, inay noqdaan kuwa ugu wada quduusan; oo wax kasta oo iyaga taabtaaba waxay noqon doonaan quduus.

  • 21Oo reer Laawina dembi way iska daahiriyeen, oo dharkoodiina way maydheen, markaasaa Haaruun qurbaan la ruxruxo ahaan Rabbiga hortiisa iyaga ugu bixiyey, oo inuu iyaga daahiriyo aawadeed ayaa Haaruun u kafaaro guday.

  • 15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.

  • 10miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan?

  • 3Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.

  • 19Oo weelasha laguugu dhiibay in lagu qabto adeegidda guriga Ilaahaaga waxaad hor geeysaa Ilaaha Yeruusaalem.

  • 28Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.

  • 34Laakiinse karaahiyooyinkoodii ayay dhex qotomiyeen gurigii laygu magacaabay gudihiisa oo sidaasay u nijaaseeyeen.

  • 7Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.

  • 11Wiilashaydiiyow, haddaba adeegiddiinna ha dayacina, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad hortiisa istaagtaan oo aad isaga u adeegtaan, oo aad midiidinno u ahaataan, oo aad foox u shiddaan.